Cunista Hilibka Oo La Ogaaday Inuu U Wanaagsan Yahay Dhalmada Ragga

cunista hilibka
Cilmi-badhayaal ka tirsan Jaamacadda Bellarmine University oo ku taal magaalada Louisville ee dalka Maraykanka, ayaa daraasad ay sameeyeen ku iftiimiyey in raggu aaminsan yihiin in cunista hilibku kor u qaado dareenka ragganimo, korna u qaado awoodda ragganimo ee dhinaca dhalmada.

Prof. Hank Rothgerber oo daraasaddan uu madaxda ka yahay ku daabacay wargeyska la yidhaa Men and Masculinity, ayaa cunista hilibka la xidhiidhinay inay kor u qaaddo awoodda ragganimo ee labka, isla markaana xagga dhalmada u wanaajiso ragga aadka u isticmaala.

Prof. Hank oo la hadlay wakaaladda NBC News, ayaa isagoo sharraxaad ka bixinayey arrintan waxa uu yidhi; “Waxa jira rag aaminsan in ragganimadu ku xidhan tahay cunista waxay ugu yeedheen hilibka, iyagoo jecel inay kor u qaadaan awoodooda ragganimo ee dhinaca dhalmada.
Daraasadayaddu waxay iftiimisay inay cunista hilibku ragga ka dhigto qaar dareenkooda ragganimo aad u sarreeyo oo awood dhinaca jidhkana hela, sidaa darteedna dhalmadoodu wanaagsanaato oo biyahoodu si fudud u qarxiyaan ugaxaanta dumarka.”

Cilmi-baadhistan oo wejigeeda koowaad lagu sameeyey 125 arday oo ku jira barashada culuumta cilmi-nafsiga, halka wejigii 2aadna laga qaaday 89 arday, waxaanay dhammaantood ahaayeen dadka dabaqadda dhexe, da’ ahaana ku jiray marxaladda 20 jirka.
Prof. Rothberger waxa uu sheegay in raggu aad u door-bidaan cunista hilibka, isagoo xusay in loo baahan yahay daraasado dheeraad ah oo arrintan lagu sii xaqiijiyo.

ibraahim Khadar Siciid

Qurbo Magazine

Check Also

Shuban Biyood (Cholera)

Shuban biyoodku waa xanuun la kala qaado kaasi oo keena shuban badan & matag halkaas …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *