Faa’idooyinka Tirada Badan Ee Cinabka Iyo Cudurrada Uu Ka Hortago

cinabka, canab,

Cinabka oo ka mid ah cuntooyinka xilliga xagaaga soo go’da ee si isku mid ah ay carruurta iyo waayeelkuba u jecel yihiin ayaa ay xeeldheerayaasha caafimaadku caddeeyeen in uu leeyahay faa’idooyin caafimaad oo tiro badan. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa qaybaha ugu muhiimsan faa’idooyinkaas caafimaad:

Cinabku waxa uu yareeyaa madax xanuunka, waxa uu xoojiyaa caafimaadka maskaxda, waxa uu ka hortagaa cudurka maskaxda burburiya ee Alzhiemer ka, qofka uu ku dhacana waxa uu u noqdaa dawo wax badan ka caawisa.

Cinabka waxaa ku jira maaddo lagu magacaabo “Resveratrol” oo yaraysa heerka isku dhisyada asiidhada amino ee maskaxda ee loo yaqaanno Peptides oo haddii ay hoos u dhacaan khatar ku ah caafimaadka maskaxda. Waxa kale oo uu uu waxtar la taaban karo u leeyahay caafimaad dheefshiidka, indhaha iyo aragga, in uu yareeyo xaaladaha ka dhasha xiiqda, in uu hoos u dhigo heerka dufanka dhiigga ku jira, in uu yareeyo asiidhka kaadida, taasina ay aad u caawiso habsami u shaqaynta kelyaha, maadaama oo asiidhka kaadidu kelyaha ku badiyo culayska shaqo.

Cinabka cunistiisa oo la joogteeyaa waxa ay ka hortag u tahay cudurro badan oo ay ka mid yihiin, in uu dib dhigo calaamadaha muujiya gabowga, waxa aanu jidhka ka caawiyaa iska difaacidda cudurrada da’da ku lammaan, waxa kale oo uu cinabku ka hortag u yahay, calool istaagga, timaha oo uu quwad u sameeyo kana ilaaliyo daadashada, cirrada oo uu hor istaago, maqaarka (Jidhka) oo uu u sameeyo dhalaal dabiici ah, kana daweeyo booga madow ee ku samaysma, lafaha gaar ahaan kuwa dumarka oo uu ka ilaaliyo burburka, xaaladdan oo aad ugu badan dumarka.

Ugu dambayntii cinabku waxa uu dejiyaa dhiigkarka, carruurta oo la siiyaana waxa ay ka hortag u noqon kartaa cudurka dabaysha ee naafeeya ubadka.

-Kamaal Marjaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *