Cudurka Dilaaga Ah Ee Ebola Oo La Sheegay In Dawo Rasmi Ah Loo Helay

ebola
Dawo cusub ayaa loo soo saaray cudurka Ebola oo lagu tijaabiyey ilaa 18 daanyeero ah, dhammaan daanyeeradan ayaa qabay cudurka Ebola, waxaana la sheegey in ay dhamaantood bogsadeen.ZMapp-Ebola-drug

Tani waxa ay abuureysaa rajo wanaagsan oo ah in markani la hayo daawo boqolkiiba boqol lagu daweyn karo dadka qaba cudurka Ebola oo adduunka oo dhan gilgiley.

Aqoonyahanada cilmiga sayniska waxa ay sheegeen in dawadani oo lagu magacaabo Zmapp in ay tahay mid boqolkiiba boqol hubanti ay tahay in ay cudurka dawo u tahay.

Caadi ahaan marka dawo la tijaabinayo waxaa lagu tijaabiyaa xayawaanka, gaar ahaan kuwa bini’aadamka u dhow xagga heerkulka jirka, dhiigga iyo habdhismeedka uur-ku-jirta, kadib ayaa dadka lagu tijaabiyaa.

Check Also

Yaa Soo Diray Casumaadda? (QISO)

Lamaane dhalinyaro ah oo is guursaday ayaa degay guri cusub iyagoo ku camiray alaabo badan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *