ALZHEIMER: Cudurka Unugyada Maskaxda Dila (Astaamihiisa & Daweyntiisa)

CUDURKA Alzheimer,Cudurka xusuusta iyo guud ahaan unugyada maskaxda dila ee loo yaaanno Alzheimer’s disease khubarada caafimaadkuna aalaa u soo gaabsadaan labada xaraf ee ugu horreeya labada qaybood ee magaciisa oo ah AD, waa cudur hawlgab ka dhiga shaqada maskaxda oo si tartiib-tartiib ah u dila unug-neerfeedyada maskaxda. Qormadan oo ay faafisay oo aynu  afsoomaali usoo rognay si uu akhristayaasha uga dhigno wacyi-gelin iyo in la fahmo cudurkan.

Xogo dheeraad ah:

– Tirada dadka qaba cudurka Alzheimer ee dunida oo dhan waa 44 Milyan oo ruux sida lagu ogaaday tirokoob la sameeyey sannadkii 2015ka.

– Inta badan cudurkani  waxa uu ku dhacaa marka ay da’da qofku kor u dhaafto 65 sano. Laakiin muddooyinkii u dambeeyey waxaa meelo kala duwan laga sheegay in cudurkani uu ku dhacay dad da’daas ka yar.

– Sida tirokoobyada ay Aljazeera baahisay xuseen, haddii cudurkan khatarta ah ee Alzheimer uu korodhkiisu ku socdo sida uu hadda yahay, waxaa la saadaalinayaa in sannadka 2050 ay tirada dadka cudurka qaba ee dunidak  u dhaqani gaadhi doonto 135  Milyan oo ruux.

Fahamka Cudurkan:

– Isbedello ku dhaca maskaxda, kuwaas oo inta badan bilowda toban sano ama ka badan, ka hor inta aan qofka si fiican looga garan in uu hayo.

– Waxa uu ku bilowdaa guntimo aan dabiici ahayn oo uu sameeyo barootiin lagu magacaabo beta amyloid, iyo gan ka kooban baooitiin ka Tau ee maskaxda.

– Guntimahaas iyo barootiinnadaas isku ururay ee aan dabiiciga ahayn waxa ay hoos u dhac ku keenaan shaqadii ugunyo-neerfeedyada maskaxda.

– Muddo marka xaalku sidaas ahaatana waxaa bilaabata in unugyadani ay waayaan awooddii ay ku xidhiidhi lahaayeen iyo awooddoodii shaqo labadaba.

– Ugu dambayntana unnugyadaasi waa ay dhintaan.

– Marka unugyadaas dhintay ay bataanna waxaa gudhis iyo yaraan bilaaba maskaxda.

Calaamadaha:

– Illow.

– Ereyada iyo su’aalaha oo uu qofku ku celceliyo. (Isla su’aashii ama hadalkii uu yidhi oo uu marar kale ku celiyo)

– Xulashada ereyada uu ku hadlayo oo ku adkaata.

– goobaha iyo deegaannada uu yaqaanno oo uu illaawo ama iskaga qaldama. Sida in uu garan waayo meel uu hore aad ugu yaqaannay iwm.

– Hadalka iyo qoraalka oo qofka ku adkaada.

– Fikirka oo qofku uu dhibaato kala kulmo.

– Qulub iyo niyad xumo iyo murugo nafsiya.

– Is-moodsiis iyo in maskaxdu wan aan jirin iska malo-awaalato.

Hababka lagu yarayn karo khatarta ah in qofka uu cudurkani ku dhaco:

– Waa in ilmaha la baro waxbarashada rasmiga. Dhammaan daraasadaha lagu sameeyey cudurkani waxa ay muujinayaan in qofka waxbarashada rasmiga ah leh uu cudurkani ku yar yahay.

– Waa in qofku ku dadaalo in uu ka shaqeeyo shaqo xiise gelinaysa oo aanu niyad jab ku shaqayn.

– Waa in qofku uu yeesho galangal bulsho, oo aanu noqon gooni joogaan bulshada dhex gelin.

– Waa in qofku sameeyo ficillada, hal-xidhaalayaasha iyo ciyaaraha maskaxda ka shaqaysiiya, waayo maskaxda oo aad u shaaysaa waxa ay ka hortag fiican u tahay cudurka Alzheimer ku dhicin.

– Gerd Kemperman oo ah baresare oo cimibaadhe ka ah xarunta cudurranada neerfaha ee dalka Jarmalka, ayaa waraysi uu siiyey wargeyska caanka ah ee Deutsche Welle waxa uu ku sheegay in dhaqdhaqaaqa iyo jimicsiga jidhka oo qofku uu da’ yaraan ku bilaabaa ay aad uga waxtar badan yihiin jimicsiga qofku uu sameeyo marka xaaladda caafimaad ee maskaxdiisu hoos u dhacdo.

– Waxaa jira cuntooyin jidhka ka caawiya ka hortagga asaasaqa iyo isku-daadashada maskaxda, waxa aanay si gaar ah dhakhaatiirtu farta ugu fiiqeen muhiimadda ay leedahay asiidhka duxeed ee Omega3 oo aalaaba laga helo kalluunka, waxa aanay sheegeen in ay cudurka Alzheimer u noqon karto ka hortag fiican.

– Kalastaroolka oo dhiigga ku badata ayaa ka mid ah sababaha keena Alzheimer ka.

– Waxa ay cilmibaadhisaha caafimaadku caddeeyeen in maadadda Stigmasterol ee cuntooyinka qaar laga helaa ay ka mid tahay waxyaabaha sida fiican loogaga hortegi karo cudurka Alzheimer. Sida ay saynisyahannadu caddeeyeenna cuntooyinka maaddadda Stigmasterol laga helo waxaa ka mid ah khudradaha ay ka mid yihiin Badingaaka, Afakaadhada, iyo sidoo kale cuntooyinka ay ka mid yihiin, qamandiga, heedda iyo fuulka.

Dadkii caan dunida ka ahaa ee uu cudurkani ku dhacay:

In kasta oo cudurka iyo caafimaadkaba loo siman yahay, waxa ay qormadani si gaar ah u tilmaamtay laba hoggaamiye oo uu cudurkani ku dhacay:

– Ronald Reagen waxa uu ahaa madaxweynihii 40 naad ee dalka Maraykanka, waxa aau talada hayey siddeed sano oo u dhexeeyey 1981kii illaa1989kii, xilkaas oo laba jeer loo doortay. Reagan intii aanu siyaasadda gelin waxa uu ahaa jilaa caan ah oo ka tirsan shirkadda filimada samaysaee Hollywood. Reagan oo noolaa intii u dhexeysay 1911-kii illaa 2004tii waxa uuu dhintay cudurka Alzheimer, oo ay dadka qaar ku doodaan in uu qabay xitaa muddooyinkii dambe ee intii uu mdaxweynaha ahaa.

– Margaret Thatcher oo ah dadkii dhashay sannadkii 1925kii,waxa ay raysalwasaare ka  noqotay dalka Ingiriiska oo ay taladiisa haysay11 sano oo u dhexeeyey 1979kii illaa 1990kii.

Thatcher waxa ay ahayd haweenaydii abid ugu horreysay ee xilkaas sare ka gaadhay talada dalka Ingiriiska. Margaret Thatcher oo ahayd gabadh cod kar ah aadna u dadaal badan dhinaca siyaasadda ayaa xilligeedii lagu naanaysi jiray, ‘Haweenayda birta ah’

Digniin:

Waxa ay khubarada caafimaadku sheegayaan in qof kasta rag iyo dumarba, si uu uga hortago cudurkan aan dawada lahayn ee Alzheimer looga baahan yahay in da’ hore uu ku sii bilaabo nidaam cunto qaadasho oo caafimaad qaba una fiican maskaxda. Sidoo kale waxa ay ka digeen in qofku isku badiyo cunista hilibka oo beddelkiisana uu cuno khudradaha iyo weliba in aanu u daymo la’aan kalluunka gaar ahaan noociisa Solomon ka loo yaqaanno.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *