COOKING WITH HAFZA: Sida La Iskugu Caateeyo Shaaha Cagaaran

cabitaan shaaha cagaaranKulanti wanaagsan,kusoo dhawaada Cooking With Hafza maanta waxaan idin la wadaagaynaa cabitaan caafimaadka horumariya isla markaana yareeya cayilka.

Cabitaankaan ayaa laga samaynaya caleenta shaaha cagaan (green tea), Cooking with Hafza ayaa natusinaysa sida loo sameeyo wayna fududahay.

Shaaha cagaaran ayaa ka mid ah cabitaanada ugu caafimaadka badan, waxaa ka buuxa antioxidants iyo nafaqooyin kala duwan.

Faaidooyinka caafimaadka ee shaaha cagaaran waxaa ka mid ah:

  • Waxaa uu hagaajiyaa caafimaadka maskaxda, waxaana uu ka hortagaa xanuunka xusuus beelka.
  • Waxa uu hoos u dhigaa khatarta noocyada kansarka sida midka ku dhaca naasaha, kansarka ku dhaca qanjirka loo yaqaan Prostate’ka ee ragga iyo kansarka ku dhaca mindhicirka.
  • Shaaha Cagaaran waxaa ku jira maadooyin la yiraahdo catechins oo dila bakteeriyada sida kuwa dhaliya hargabka.
  • Waxaa uu hoos dhigaa sonkorowga gaar ahaan nooca 2-aad (Type II diabetes).
  • Shaaha cagaaran waxaa uu yareeya xanuunada wadnaha.
  • Shaaha cagaaran waxaa uu wanaanjiyaa dheefshiidka waxaana uu caawiyaa luminta miisaanka, Waxaa jira dhowr daraasadood oo muujiyay in shaaha cagaaran yareeyo xayrta jirka gaar ahaan mida caloosha. Shaaha cagaaran waxaa uu ka mid yahay cabitaanada dabiiciga ee khubarada miisaanka dhimista ay kula talinayaan inay caabaan dadka raba iscaateynta.
  • Shaaha cagaaran waxaa uu ka hortagaa gabowga.

Hadaba halkaan hoose ka daawo sida cabitaan looga sameeyo caleenta shaaha cagaaran ee budada ah:

Check Also

maraq, suugo, cooking with hafza

MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *