9 Tallaabo Oo Si Cajiib Ah U Dhisaya Kalsoonida Naftaada

Waa Maxay Kalsoonida Nafta?

Kalsoonida nafta waa rumaysnaanta aad aaminsan tahay inaad wax u qaban karto si sax ah ama aad xalaad ula tacaali karto si sax ah.

Xaggay Ka Timaadaa Kalsoonida Naftu?

Haddii aad bilaa kalsooni tahay xaqiiqo ahaan waxaad lumin doontaa ama dayici doontaa fursado badan oo aad heli karto sababtoo ah waxaad ka baqan doontaa inaad ku dhacdo wax aanad hubin inaad samayn karto iyo inkale.

Kalsoonidu Ma Ahan Dhaxal!!

Kalsoonida naftu weligeed lama dhaxlo waa wax la barto, marnaba ha is oran inaad kalsooni darrada aad ka dhaxashay waalidkaa .

Kalsoonidu Ma Ahan Dabeecad Guud!!

Waxaad leedahay heerar kala duwan oo kalsooni ah taasoo ku xidhan howlaha kala duwan ee aad qabato, tusaale ahaan waxaa laga yaabaa inaad ku kalsoon tahay awoodda aad gaadhi ku kaxayn karto balse aad ka baqato inaad dad soo hor istaagto oo aad hadal u jeediso.

Kalsoonida Naftu Ma Ahan Mid Joogto Ah!!

Mar wey fiicnaataa marna way xumaataa iyadoo marba ku xiran xaalada iyo waayaha aad ku sugan tahay nolosha.

Haddii aynu ogaanay waxa ay kalsoonida naftu tahay, halkay kasoo jeedo iyo xaqiiqooyin ku saabsan iyada, aynu ugalno 9 tallaabo oo si cajiib ah ugu kordhin karto kalsoonida aad ka qabto naftaada.

  1. Si Toggan Oo Positive Ah Ula Hadal Naftaada:

Sida aad naftaada ula hadashaa islamarkaana aad u malaysa awaxay saamayn aad u balaadhan ku leedahay kalsoonida naftaada. Haddii aad naftaada ugu sheekayso inaanad fiicneyn islamarkaana aad hoos u dhigto oo aad liido waxaa hubaal ah inaad yeelan doonto kalsooni aad u hoosaysa oo aad aamini doonto hadalkaaga. Si aad kalsoonida naftaada sare ugu qaado ka fogow inaad naftaada kula hadasho hadallo taban oo negative ah. Badanaa dhoola caddee, qosol, kuna hareeree naftaada dad faraxsan islamarkaana positive ah. Taasi waxay kuu saamaxaysaa in dareenkaagu ka wacnaado sidii hore, islamarkaana dadka aad la joogto waxay xiiseyn doonaan la joogitaankaaga iyo wehelkaaga

2. Ha Barbardhigin Naftaada Dadka Kale:

Dadka badankii waxay sameeyaan caado xun oo ah inay barbardhigaan naftooda dadka kale iyagoo ka eegaya dhinacyo badan sida waxa ay haystaan, hantidooda, quruxdooda, farxadda ay ku nool yihiin, nolol maalmeedkooda iyo qaar kaloo badan, Dhibaatada ay arrintani leedahay ayaa ah in mid kastoo ka mid ah saaxiibadaa ama qoyskaaga ama dadka aad taqaanno waxay leeyihiin wax u gaar ah oo aanad lahayn, haddii aad joogteyso inaad barbardhigto qof kastoo aad la kulanto waxaa qiimo tirmi doonta naftaada sababi karta in kalsoonida naftaadu ay dhulka gasho. Hadaba Si aad u joojiso is-barbardhigaan xun samee arrimahaan:

  • Ku qanac waxa uu Alle SW ku siiyay ogowna haddii qof haysto waxa aanad haysan ayna taasi ka dhigneyn in qofkaasi kaa fiican yahay.
  • Fahan Hadii qof wax kaaga fiican yahay adna aad wax uga fiican tahay, Hadii qof taajirsan yahay kaa caansan yahay ama xattaa kaa cawli badan, inaad adna leedahay wax badanoo isagu lahayn.
  •  Si Fiican u baro naftaa aqbalna sida aad tahay.

3. Qurxi Muuqaalkaaga, Si Fiicanna U Labiso:

Tani waxay u muuqataa wax iska cad balse waxaa cajiib ah si maydhashada, xiirashada iyo labiska fiicani ay saameeyaan kordhinta kalsoonida naftaada iyo sawirka aad ka haysato naftaada.

4. Samee Ficil (Take Action):

Ficil La’aantu waxay kordhisaa shakiga iyo cabsida, ficilkuna wuxuu kordhiyaa dhiirranaanta iyo  kalsoonida. Waxaad kasoo qaadaa in aanad ku kalsoonayn awoodda aad u leedahay ciyaaridda nooc ka mid ah sports-ka, sida ugu fiican ee aad ku baran kartaa waa inaad maalin walba samaysaa tababar oo aad ku celceliso illaa aad ka baranayso sida saxda ah ee loo ciyaaro, dhamaan xirfadaha kalena waa sidaan oo kale. Haddii guriga fadhido un wax kasii daro mooye waxba hagaagi maayaan inaad xarkaad iyo ficil samaysaa waxay sare u qaadaa kalsoonida aad ka qabto naftaada.

5. Diyaar Garow Samee:

Furaha ugu muhiimsan ee lagu Gaadho guushu waa kalsoonida nafta, furaha ugu muhiimsan ee lagu helo kalsoonida naftuna waa diyaar gorowga. Aad bey u adag tahay inaad ku kalsoonaato naftaada aad aaminsan tahay inaad shay si fiican u qaban karin.  Karbaash oo ka adkow dareenka adigoo diyaarinaya naftaada inta ugu badan ee suurtagal ah. Ka fikir iminka Imxtixaan lagaa qaadayo, Haddii aanad wax akhris badan sii samayn, kalsooni badan ka haysan meysid awoodada aad imtixaanka uga shaqayn karto imtixaankaa si fiican balse haddii aad akhrido oo u diyaar garowdo waxaad yeelanaysaa kalsooni aad u badan. Hadaba iminka ugu fikir noloshaada inay imtixaan aad gelayso oo kale, diyaarina naftaada.

6. Si Tartiib Ah U Hadal:

Waa wax aad fudud lagana yaabo inaad la yaabto balse waxay saameyn aad u weyn ku leedahay sida dadku kuu arkaan, dadka awoodda leh islamarkaanaa wax xukumaa si tartiib ah ayay u hadlaan. Tani waxay ku tusaysaa kalsooni, qofka aaminsan in aanu qalmin in la dhegeysto hore ayuu hadalka u dedejiyaa sababtoo ah iskuma kalsoona. Isku day inaad samayso sidaa dhowr jeeer, waxaad dareemi doontaa kalsooni aad u badan, dabcan haku sii talax tagin laakiin ka fogow inaad si degdeg ah u hadasho.

7. Hor Istaag Muraayada Adoo Dhoola Cadaynaya:

Maalin kasta mudo isku muraayada adoo dhoola cadaynaya oo faraxsan, haddii aad samayso ficilkan jidhkaagu wuxuu soo deynaya dheecaamo kuwaas oo sabab u noqonaya inaad ku faraxsanaato naftaada, kalsooni badanna aad yeelato, sidoo kale waxay kaa caawinaysaa inaad ku faraxsanaato muuqaalkaaga aadna aqbasho kuna raali noqoto sida aad u egtahay.

8. Daji Hadafyo Yar-yar Kuna Guulayso:

Dadku badanaa waxay dejiyaan hadafyo aan la gaadhi karin markay ku fashilmaanna way niyad jabaan. Xagga aad taas ka samaynayso dajiso hadafyo yar-yar oo aad gaadhi karto islamarkaana ku guulayso. Waxaad dareemi doontaa kalsooni inta badane ee aad ku guuleysato hadafyada yar-yar waxay badanaysaa kalsoonida naftaada.

9. Samee Jimicsi Joogto Ah:

Jimicsiga joogtada ah wuxuu xoojiyaa wadnahaaga iyo lafahaaga wuxuu hoos u dhigaa cudurrada daba dheeraada, wuxuu kantaroolaa korodhka miisaankaaga, sidoo kale wuxuu hoos u dhigaa dareemada waalaca iyo murugada, sidaas si la mid ah wuxuu si heersare ah u kordhiyaa kalsoonida naftaada. Samee jimicsi joogto ah islamarkaana u kordhi kalsoonida si aan innaba caadi ahayn.

W/D: Ustaad Cabdirisaaq Faarax

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *