Cirrada Dhalinyarada

Waxa jira habab fudud oo lagaga takhaluso cirrada  soo degdegta xiliga dhalinyarada (premature graying), maadaama oo cirada dhalinyaradu sababto mushkilado badan qofkana ka dhigta mid waaya kalsoonidii Naftiisa, bulshadana uu ka qaado Diiqad badan haddaanu la qabsan  mushkiladan , laakin waa suurto inaad inaad ka hor tagto cirrada dhalinyarada intii suurto gala adigoo raacaya talaaboyinkan .

1. Timaha ka ilaali kulaylka: Timaha oo laga ilaaliyo kulaylka waxay ka hortag u tahay inay timihu si dhakhso ah cirro u yeeshaan maadaama Kulaylka Xad dhaaf ka ahi madaxa ka dhigo mid qallalan  taas oo keenta in xidida timuhu itaal darneeyaan taas oo sababta inay timuhu u eekaadaan qaar caddan ah . si aad kulaylka madaxa uga hortagto talaabooyinkan raac . a. .iska ilaali inaad ku qubeysato biyo kulul    b. ka fogow Cadceeda tooska wakhtiyada kulul .

2. Cunitaanka Cuntooyinka ay ku Jiraan Vitamin B1: vitaminkan waxa lagu tiriyaa inay ka mid hababka ugu wanaagsan ee lagaga hortago cirrada ,maadaama ay vitaminkani ilaaliso  caafimaadka madaxa sare sido kale vitaminkani waxay ka qaybqaadata koritaanka Timaha , Midhaha iyo khudaarta  ku qaniga ah vitaminkan waxa ka mida liin macaanta , Afakaadhada iyo qaar kale .

3. Xasilooni: fekerka badani waa cadawga  1 aad ee timaha madow isla markaana soo dedejiya cirrada dhalinyarada, dhalinyaradu waxay la jaar yihiin feker iyo werwer maadaama ay intooda badan haystaan cadaadis nololeed. sidaasi daraadeed waqtiga aad firaaqada tahay ku qaado ciyaaro iyo jimicsi ,asxaabtaadana la wadaag ,xisiloonidu waxay soo celisaa isu dheelitirka kiimiko ee maskaxda kaas oo keenaya degenaansho jidhka iyo caqliga ahba ,tana waxay fogeynaysaa timaha oo  cirreysta .

4. Isticmaal kiriimooyinka madaxa ee ka kooban maadada biotin: biotinku waa maado dabiici ah kasoo timaha ilaaliya midabka madawo ee timaha ,sidoo kale biotin waxa laga helaa lawska .

5. isticmaalka saliidaha madaxa: isticmaalka saliidahamadaxa si joogta ah wuxu timaha ka dhigaa qaar qoyan ,dad badan ayaa doorbida isticmaalka saliidaha maada madaxa qallalan uu ka kow yahay sababaha keena cirrada degdega ah .

6.xinnaha: isticmaalka xinnaha wiig kasta hal mar wuxu ilaaliya caafimaadka madaxa sidoo kalena wuxu ka hortagaa in madaxu cirraysto isagoo da’yar.

7.waxyaabaha timaha jilciya ee dabiiciga ah: iska ilaali waxyaabaha kiimikada ka sameysan ee timaha jilciya kuna bedelo kuwa dabiiciga ah .ogsoonow waxyaabaha timaha jilciya ee dabiiciga ah waa hababka ugu wanagsan ee lagaga hortago timaha oo si dhakhso ah u cirreysta

Waxa qorey: maxamed maxamud sardheeye

Via: aqoonkaab.com

Check Also

ilowga badan, hilmaanka,

Sida Looga Hortegi Karo Illowga Badan

Illowgu waxa uu ka mid yahay xaaladaha caanka ah ee lagu arko qofku marka uu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *