Cilmi Baaris: Isticmaalka Badan Ee Sonkorta Waxa Ay Sababtaa Cimri Deg-Deg

sonkortaCilmibaarayaal u dhashay dalka Kanada ayaa daraasad ay sameeyeen ku ogaaday in sonkortu ay xiriidh adag la leedahay xanuunada la socda gabawga iyo sababaha duqnimada keena. Cilmi-baarayaashan reer Canada waxa ay ogaadeen in sonkortu gaar ahaan marka la eego sida ay ula fal gasho unugyada kala duwan ee qofka ay sabab weyn u noqon karto cimri degdeg iyo astaamaha gabawga oo qofka ku soo deg-dega.

Daraasaddan oo natiijadeeda lagu faafiyey Joornaalka PLOS waxa ayaa ay xeel-dheerayaasha sameeyey ku ogaadeen in u adkaysiga da’da iyo soo shaac baxa astaamaha gabawgu ay xidhiidh weyn la leeyihiin hadba nooca cunto ee uu qofku isticmaalo iyo xaddiga uu ka cuno macaanka.

Luis Rotich oo khubarada daraasaddan samaysay ee Montréal ayaa yiri, “Daraasaddan waxa lagu fahmay xiriirka ka dhexeeya cimri deg-degga iyo muuqaalka gabaw ee waayadan dambe ku soo badanaya dunida iyo xaddiga sonkorta ee dunida lagu isticmaalo”. Waxa uu Luis intaas ku daray in baaritaankan cilmi uu sahlayo in la daraaseeyo sida iyo dawada ugu fiican ee lagula tacaali karo gabawga

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *