Cidla ha uga tegin waalidkaa – Qiso Qalbiga taabaneysa

Waalidka, qiso, caasi waalidiinKa dib markuu Aabihi dhintay. Halki wiiil ay dhaleen wuxuu go’aansaday inuu Hooyadii uga tago guri qaraabo oo gaboobay. Wuxuu soo booqan jiray hal mar bishii taasoo marki dambe isu bedeshay hal mar sanadkii. Wuxuu guri weyn ka dhistay magaalo kale uu ka shaqeyn jiray wuxuuna yeeshay reer.

Maalin baa la soo wacay oo loo sheegay in Hooyadii ka codsatay inuu deg-deg ugu yimaado oo ay rabto inay la dardaaranto. Markuu u yimi ayuu arkay inay aad u liidato, dhimashana qarka u saaran tahay. Wuxuu weydiiyay Hooyadii, “Ma jiraan wax aan kuu qaban karo?”

Hooyadi ayaa ugu jawaabtay, “Fadlan marawaxad ku soo xir gurigan, waxaadna keentaa Tallaajad.”
Wiilki ayaa isagoo yaaban su’aalay, “Sanado badan ayaad joogtay marawaxad & furuntijeer la’aan marna kama aadan caban. Hadda oo aad saacadihi ugu dambeeyay ku jirto maxaad u rabtaa?”

Hooyadi ayaa ku tiri, “Taasi waa sax. Anigu adkeysi baan u lahaa waana maareeyay inaan ku noolaado, laakiin adigaan kaa welwelayaa, haddii caruurtaada halkan kuu soo diraan, waxaan ka baqayaa inaad xamili weydo aadna rafaado.”
Wiilkeedi Ilin ayaa indhihiisi ka qubatay, naxdin iyo ceeb ayuuna la hadli waayay.

Waalidkaa kaama tegin kolkaa aadka ugu baahneyd oo aad yareyd, cidla ha uga tegin marki ay waayeel noqdaan.
Jaceylka keliya aan shuruud ku xirnayn, aan xad lahayn, aana sugayn soo celin, lagana weynaan waa Jaceylka Hooyada.

Hooyo kasta Allaha siiyo Awlaad aan cidla uga tegin oo Baari u ah.

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

akhriska duuusta,

Cod Dheer Oo Wax Lagu Akhriyaa Waxay Leedahay Faa’idooyinkan!

Aamus in wax lagu arkhiyaa waa sida ugu habboon marka dad dhexdood la joogo, isla …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *