Xikmado

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro caalami ah Ha ku ciyaarin shucuurta dadka kale, waa suurtogal in aad ciyaartaa ku guulaysato (Ka gaadhay danta aad ka lahayd ) laakiin khatarta ka dhalanaysaa waa in aad qofkaas weydo. (William Shakespeare) Qofka doonistiisa sharci ka dhigaa, sharci la’aan ayaa uu dhacaa. (Shakespeare) Haddii …

Read More »

Xikmado Nolosha Ku Saabsan Oo Laga Dhaxlay Faylasuufyadii Dunida Soo Maray

Qormadan waxaan akhristayaasha kula wadaagaynaa hal-ku-dhegyo iyo xikmado kala duwan oo laga dhaxlay Faylasuufyadii dunida soo maray waqtiyada kala duwan, kuwaas oo aynu si gaar ah u soo qaadanayno inta laga yaabo in ay si uun u khusayn karto qaybaha kala duwan ee nolosheenna maanta. Ka faaidaysi wacan: – Haddii aad adigu adiga noqoto, oo aanad isku dhererin ama la …

Read More »

Talooyin Iyo Xikmado Laga Dhaxlay Saynisyahankii Albert Einstein

xikmado, murti, erayo xikmad badan,

Qormadan oo aynu soo ururinay isla markaana afsoomaali usoo rognay, waxa aynu ku eegaynaa qaar ka mid ah hal-ku-dhegyada xikmado xambaarsan ee laga soo tebiyo saynisyahanka caanka ahaa. – Waxaa waajib ah in koritaanka garaadka iyo fikirka aadamuhu uu la bilowdo dhalashadiisa, isla markaana aanu joogsan illaa uu geeriyoodo. (Taas macnaheedu waa in aanad waxbarashada joojin inta aad nooshahay) – …

Read More »

halkudhigyo Xikmad Leh Oo Ka Hadlaya Dumarka Iyo Nolosha Qoyska

– Gabadha Talyaani haddii aad jacayl u sheegato kuma rumaysanayso in aad dhab u jeceshay illaa aad darteed dhagar u gasho, Gabadha Inigiiris jacaylkaaga ma rumaysanayso illaa aad xoolo badan ku bixiso. Laakiin gabadha carbeed in aad jeceshay waxa ay rumaysanaysaa oo keliya marka aad guursato. – Dagaalku waxa uu leeyahay xeer la iska yaqaanno oo ah, “Goob kasta oo …

Read More »

Odhaahyo Xikmadeysan Oo Ku Saabsan Isfahamka Ragga & Dumarka

– Jacaylku waa shaqada qofka bilaa camalka ah, iyo nasashada qofka shaqeeya. – Qof aan sabir lahayn jacayl kama guul gaadho. – Bariga gabadhu wejiga ayaa ay qarsataa, galbeedkana lugaha. – Jacaylku waxa uu keliya ku noolaan karaa hadal cad oo aan waxba la isku qarin, taasina waa dhaqan aanay gabadhu jeclayn. – Guurka iyo gabowguba ninka waa u edbin …

Read More »

Xikmadihii iyo Murtidii Maxamed Cali Kalaay

1. Waxaan necbaa daqiiqad kasta Tababarka, Laakiin waxaan nafteyda ku oran jiray, Ha joojin. Hada dhibaato badan ha ku gaarto ka dibna u Noolow inta cimrigaaga ka dhiman adigoo ah Horyaal Guuleystay 2. Waxaan ka baryay Alle in uu i xafido igana ilaaliyo cadowgeyga, durbadiba waxaa bilaabatay in aan waayo saaxiibadi xumaa Ninka isagoo 50 sano jir ah u arka …

Read More »

Xikmado Jaceyl Oo Macaan!

Xikmado jaceyl oo macaan, xikmad jaceyl ah

Xikmado Jaceyl 1. Jaceylku waa waxa ugu quruxda badan ee la heysto, waxa ugu adag ee la kasbado iyo waxa ugu xanuunka badan ee la waayo 2. Xushmad la’aan, Jaceylku waa lumaa. Daryeel la’aan, Jaceylku waa caajis. Daacad la’aan, Jaceylku farxad ma leh. Aaminaad la’aan, Jaceylku waa mid aan deganayn. 3. Goorti aad tiraahdo Waan ku jeclahay, waxaad ballan ku …

Read More »

Erayo Si Xiiso Badan Loo Fasiray

Waa erayo ka mid ah kuwa aynu sida joogtada ah u isticmaalno oo qaab maadays ah uu u turjumay nin faylasuuf ahaa. Eray kasta waxa uu siiyey macne ciddii fahamta leh macne iyo xikmad fog: Sigaarka: Waa duub buuri ah oo dhanna dab ka baxayo dhanka kalana nacas afkiisa ku hayo. Wada hadal: Waa keegga oo loo qaybsado saami qof …

Read More »

Erayo Xikmad Badan Iyo Xaqiiqo Nolosha Ah

Erayo xikmad badan, hadal xikmad leh, weedho, xikmado,

Waa erayo xikmad badan ay ku duugan tahay oo aynu ka soo xiganay bogga saxafiga caanka ah ee Zaami Al-Xaaj oo ka hawlgala Talefishanka Al-Jazeera uu ku leeyahay bar-kulanka bulshada ee facebook. Waxa aan murugoodaa marka aan: – Waxa aan murugoodaa marka aan xiiseeyo waqti fiican oo i dhaafay in uu soo noqdo. – Waxa aan murugoodaa marka aan xasuusto …

Read More »

Xikmad Dahabi Ah

Xikmad-433

1. Cabirka Shumaca waa kala duwanaan karaa laakiin waxay bixiyaan iftiin isku mid ah, ma aha Halka aad joogto iyo derajada aad leedahay laakiin waa Tayadaada & dadnimadadaada waxa kaa dhiga inaad iftiin u noqoto Umada. 2. Tus Xushmad xitaa dadka aan u qalmin; Ma aha ka falcelin dabeecadooda, laakiin waa sawir ka bixin adiga dhaqankaaga qadarinta ku dhisan 3. …

Read More »

Dhambaal Macaan Badan

dhambaal macaan badan 1. Mararka qaar waxaa wanaagsan in qofku iska aamuso inti uu dadka u sheegi lahaa dareenkiisa sababtoo ah way ku sii dhaawaceysaa keliya goortii aad ogaato inay ku maqli karaan laakiin aysan ku fahmi karin 2. Waxaan ka xiran karnaa indhaha waxyaabaha aynaan rabin in aan aragno laakiin kama xiran karno qalbigeena waxyaabaha aynaan rabin in aan …

Read More »

Xikmado Ku Saabsan Saaxiibtinimada

Saaxiibtinimada 1. Saaxiibada aad leedahay saddex nooc ayay u kala baxaan: B) Kuwa ku caawiyay waqtigi aad dhibka ku jirtay. T) Kuwo kaa tagay xilligi dhibaatada ku heysatay. J) Kuwa iyagu dhibta ku gashay 2. Qeybta ugu wanaagsan Nolosha waa; Marki Qoyskaagu kuu fahmaan sidi Saaxiib oo kale, Saaxiibadaana kuu taageeraan sidi Qoyskaaga oo kale 3. Saaxiibada beenta ah waa …

Read More »

Halku-Dhegyo Xikmad Badan

1- Dadaal iyo qiime waxaan ku bixinaa xirashada dharka ugu qurxoon iyo kuwa ugu qaalisan, balse waxaan is ilowsiinaa bedelista dhaqamada iyo dabeecadaheena guracan. Ogow, weelka qaaligaa ma sameeyo cunto dhadhan macaan. 2- Caqabaduhu geeri ama dhimasho ma keenaan, balse dilaaga noloshu waa murugada iyo welwelka. 3- Guul gaaristu lugo uma baahna ee dhiirasho ayey u baahantahay. 4- Niyad wanaag …

Read More »

Xikmad Dhiirra-Gelin Ah

1. Saaxiibtinimadu ma aha qofka aad waqtiga ugu dheer taqaanay. Saaxiibku waa qofka intuu kuu yimaado ku yiraahdo; anigaa halkan kuu jooga oo ku garab taagan, ficilna ku cadeeya 2. Ka faa’iideyso oo si fiican u isticmaal waqtigaaga. Dib waad u aqrisan kartaa qoraal, fariin ama Buug, Waad ku soo ceshan kartaa video muuqaal ah ama mid dhageysi ah laakiin …

Read More »

Weedho Ama Oraahyo Murti Leh

1. Gabar kasta oo careysan ama murugaysan waxaa ka dambeeya nin aan wax fikrad ah ka haysan waxa qaldan uu sameeyay 2. Wiilashu inta badan ma gartaan sida wax yar oo ay sameeyeen ama yiraahdeen u dhaawici karo dareenka iyo qalbiga gabadha 3. In aad gabar jeclaato waa waxa labaad. Marka koowaad baro in aad xushmeyso 4. Ogsoonow hadii aysan …

Read More »