Islamic

Qaawanaan Qurux Maahan, Talo ku socota Dumarka

Quruxda dumarku ma aha dharka ay xirato, jismiga ay xambaarsan tahay, waxa ay dhabankeeda ku dhaashato, iyo habka ay u shanleysato timaheeda. Quruxda dumarka waa in ay ka muuqato gudaha indhaheeda, sababtoo ah taasi waa irridka Qalbigeeda. Quruxda dumarku ma aha bar (dhibic madow) oo dhabanka ku taal, qeyb jirka ka mid ah oo la baneeyo, balse quruxda dhabta ah …

Read More »

Ma Jeceshahay Naftaada iyo Ehelkaaga?

Haweenay ayaa weydiisay Sheekh Caalim ah: “Maxaan ku sameeyaa caruurteyda si aan Salaad Subax ugu kiciyo way ku adag tahay inay toosaan hurdadooda oo aad u culus darteed? Sheekhi ayaa yiri: “Maxaad sameyn lahayd haddii guriga dab qabsado iyagoo hurda?” Haweenaydi: “Waan kicin lahaa” Sheekhi: “Laakiin haddii hurdadoodu culus tahay?” Haweenaydi: “Walaahi waan toosin lahaa ama gacanta intaan qabto ayaan …

Read More »

Alle Talo Saaro mar kasta!

Lamaane markaa is guursaday ayaa ku socdaalay doon yar si ay magaaladoodi ugu noqdaan. Durbadiiba, dabeyl aad u weyn ayaa badi kicisay, doontina rogi rabtay. Ninku wuxuu ahaa nin adag oo karti badan wuxuu muujiyay deganaan & xasilooni, gabadhi ayaa baqday, quusna is taagtay. Iyadoo gariireysa ayay tiri, “miyaadan adigu baqeyn? Tan waxay noqonaysaa xilligi nolosheena ugudambeysay, maxaa doontan na …

Read More »

Qiso Aad Qalbiga U Taabaneysa

Wuxuu dhalay afar caruur ah, wuxuu ahaa nin dan yar ah. Wuxuu rafaad badan u maray siduu u korin lahaa, Waxbarashana u heli lahaayeen. Isagoo uurka ka gubanaya ayuu afka uga dhoolacadeyn jiray sii uga ilaaliyo inay wejigiisa murugo ka aqristaan. Maalmaha qaar waxa yar uu soo helo ayuu cunto ugu soo iibin jiray, isagoo u baahan ayuu ku oran …

Read More »

Astaamaha Ay Leeyihiin Dumarka Jannada Ee Xuural Ceynta Ah

Waxaa Ilaahay noo sifeeyey Dumarka Jannada si Ragga loogu xiisa geliyo Nicmada Jannada ka Jirta, Dumarkana Loogu Xiisa geliyo in ay kuwaas ka mid noqdaan, Qur’aanka iyo Xadiiska waxaa ku jira Astaamaha Dumarka Jannada ee Xuural Ceynta lagu magacaabo waxaana ka mid ah: 1) Waa sida Luulka Cad iy Dhaymanka Saafida ah Dhalaalkiisa. 2) Waa sida Ukunta Dhawrsoon ee aan …

Read More »

Qisa Yar oo Kooban Balse Macno Wayn Xambaarsan !!

Saadi of Shiraz oo ahaa gabayaa caan ahaa waxa uu yiri : ” Marnaba kama aanan murugoon noolasha iyo dhibaatooyinkeeda marki laga reebo hal maalin oo aan soconayay aniga oo caga-cad ( cagaagan, Kabo la’aan ah ) kadibna waxa aan arkay Joog kabo ah, Waxaanse awoodi waayay in aan iibsado , Balse marki aan gudaha u galay masjidki waynee ee …

Read More »

Talooyin ku saabsan Ramadaanka

Soonka,ducada,ramadan kariim,

Talooyin ramadaanka 1. Xus Alle SWT habeen & maalin, Badi ducada & dambi dhaafka 2. Aqri Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa 3. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Salaada Subax ugu kacdo 4. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, Qare, wax fudud. Ducayso. 5. Cab biyo badan, Ha iska badin Cuntada afurka ka dib …

Read More »

Jacaylka Rabbi

Waa ay sahlan tahay in qofku si fudud u yidhaa, “Waa aan jecelahay Rabbigay.” Se aanu ka dhabayn jacaylkaa hab-dhaqankiisa. Laga yaabaa in aanu garanayn jacaylka laga raba waxa uu yahay. Erayga ‘jacayl’ waa eray loo adeegsado waxyaalo kala geddisan oo ku yimaad dareenno kala duwan oo siyaalo kala jaad ah qofku ula kulmo ama u dareemo. Halkaa erayna loo …

Read More »

Ma rabtaa Guul iyo Farxad? Tuko Salaada

farxad salaada tuko guul iyo farxad

Sidee baan farxad u heli karnaa haddii aan ka hor nimaano Mulkiilaha farxada? Sidee Barako ugu heli karnaa maalkeena & ubadkeena haddii aynaan adeecin Mulkiilihi Barakada awaamiirtiisi? Sidee u Guuleysan karnaa haddii aynaan Masjidka aadin marki aan maqalno “U kaalaya Guusha” Haddaba, Haddii aad rabto Guul & Farxad Aduun & Aakhiraba – Tuko. Haddii aad daalan tahay, xanuunsan tahay ama …

Read More »

Xaguu Tagay Bilaal Binu Rabaax Geeridii Nabi Maxamed SWC Kadib?

saxaabi Bilaal Binu Rabaax

Bilaal Binu Rabaax, waxa uu ahaa saxaabi muslim ah oo qiimo badan siiba xiligii nabi Maxamed Scw, oo uu ahaa mu’adinkii Muslimiinta. Bilaal islaamka ka hor waxa uu ahaa adoon uu leeyahay mid ka mida mudanayaashi reer quraysheed, balse markii danbe waa la xoreeyey oo Abubakar Sidiiq Rc ayaa furtay. Hadaba bilaal oo ahaa saxaabi aynaan halkan taariikhdiisa iyo qiimihiisa …

Read More »

XUSUUSIN! Alle ma ku Shukriday?

alle, Allah, mahadnaq

1. Alle wuxuu ku siiyay 86,400 Ilbiriqsi maanta. Ma u isticmaashay mid ka mid ah inaad ku Shukrido. 2. Waxaan la murugoonaa haddii Ducadeena aan deg-deg u helin. Ka waran haddii Allah dambi kasta aan sameyno maalin kasta deg-deg noogu ciqaabi lahaa? 3. Waxaan ka cabanaa dhib yar oo na soo gaarta, taasoo aan gacmaheena ku shaqeysanay, waxaan hilmaanaa in …

Read More »

Fariin Dhaxalgal Ah Oo Ku Socota Dhamaan Gabdhaha

Waxaa ku guursan kara ninka dadka ugu xun, sida Aasiya xaas ugu ahayd Fircoon – hadana taa kama aysan bedelin Daacadimadeeda iyo jaceylka ay Alle u qabtay. Waxaa ku qabi kara ninka ugu wanaagsan oo ragga laga dhex doortay, sida Nabi Alle, hadana taa kuma geli kartid Janno – Sida xaaski Nabi Luut Calayhi Salaam. Waxaa ahaan kartaa qof aan …

Read More »

Macaanka Iimaanka

Haddaad mar hore dhadhamisay macaanka iimaanka, laakiin aad waayahan dareemi la’dayhay, ogow in aad ka tagtay wax wanaagsan oo aad sameyn jirtay, oo ku dhadhansiiyey macaanka iimaankaas. Qoraalkan waxan ugu tala galay sidii marlabaad aad usoo ceshan leheyd macaanka imaanka eed soo dhadhamisay. Maanta waxan halkan isku xasuusineynaa sidii aan ku hanan laheyn macaanka iimaanka haddaan marlabaad ku guuleysanno inaan …

Read More »

Ramadaanka Iyo Sadaqada

Rasuulka Allah (scw) ayaa isagoo muslmiinta ku dhiirgelinaya wax bixinta cadeeyay in sadaqadu ay u bakhtiiso denbiyada sida biyuhu u bakhtiiyaan dabka.   Wax bixinta iyo sadaqadu waxay qofka ka ilaalisaa belaayada iyo dhibaatooyin. “ Sadaqadu waxay hor joogsataa 70 dhinac oo qofka xumaan kaga imanayso” Caa’isha (RC) Umul mu’miniin , oo sooman ayuu miskiin cunto weydiistay, waxaana u yaalay wax …

Read More »