Islamic

Mar Walba Oo Aad Dareento Culeys, Niyad Jab Iyo In Aan Ducadaada La Aqbalayn, AKHRISO SUURADAAN

Ma ogtahay in dawada ugu waxtarka badan, waxyeelana aan lahayn ee loo qaato stress-ka, welwelka, cabsida iyo niyad-jabka ay tahay dikriga iyo adigoo Alle ku xirma, inta ka soo hartay waa Kaalmaati! Marka aad waqtiyada qaarkood aad dareentid in aanad riyo wacan arkin oo aanad ku riyoon, ama inaan salaadaada iyo ducadaada la aqbalayn, Markaad dareentid Ilaahay in aanu kula …

Read More »

Khudrado Uu Nebi Muxammad CSW Aad U Jeclaa Iyo Caafimaadka Ku Jira

Waxa jira Laba nooc oo khudradda ka mid ah, oo Nebi Muxammed (SCW) uu si aad ah u jeclaa, dabcan wax kasta oo uu jeclaana innaguna waynu jecel nahay, ama ugu yaraan waxa aynu ka dheehanaynaa wanaagga iyo xikmadda ku jirtay shaygaas ee innagu kallifaya in aynu jeclaanno si aynu uga faa’idaysanno. Cilmiga casrigaan iyo aqoonta caafimaad ee soo korodhayna …

Read More »

Ducada Ay Tahay In Uu Akhristo Qof Kasta Oo Hadafyo Leh

Cali Ibnu Abi Daalib RC ayaa waxa uu imaanayaa Nebiga naxariis iyo nabad korkiisa ha ahaatee, markaas ayuu wuxuu ku oranayaa Rasuulkii Ilaahayow ii dardaaran, wax i bar, i tusaalee, i tilmaan. Daawo ducada loo akhristo hadafyada: Qofka dhalinyarada ah waxa uu leeyahay riyooyin aad u balaaran, aragtiyo tiro badan, tamar aad u fara badan ayaa ku jirta laakiin waxaa …

Read More »

Suurad Qur’aanka Ku Jirta Oo Dawo U Ah Illowshiyaha Badan Iyo Fahmo Xumida

suurad, suuratu yaasiin, quraanka

Ma rumaysan kartaa in ay jirto suurad Qur’aanka ku jirta oo haddii aad akhrisado kaa daweynaysa ilawshiyaha (hilmaanka)? Cajiib!! Hilmaanka iyo fahmo xumidu waa xanuun beryahaan danbe aad looga cabanayo taas oo aad arkayso qof dhalin yaro ah oo haddana markad wax weydiiso kugu odhanaya wan hilmaamsanahay ama si fiican uma xasuusto, markaan sidaa leeyahay uma jeedo yaan waxba la …

Read More »

Faaidooyinka Soonka Iyo Cudurrada Uu Jidhka Kala Dagaallamo

Qormadan oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay waxa aynu ku eegaynaa waxyaabaha dhammaadka soddonka cisho ee soonka laga filan karo jidhka qofka soo dhammaystay bishan. Dr. Majdi Badraan oo ku xeeldheer caafimaadka hab-dhiska difaaca jidhka, ayaa sheegay in soddon maalmood oo la afxidhnaado kadib faa’idooyinka soonka laga filanayo ay ka mid tahay: – In mariidka / suntan cuntada ka …

Read More »

Habeenka Laylatul Qadriga Iyo Ducada La Akhristo

Asalamu alaeykum yaa muslimiin! Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeysay, tobankaas habeen oo ay ku jirto habeen la yiraahdo “Habeenkii Laylatul-Qadri”. Marka waxaa su’aal u baahan inaa is weydiino maxey habeenkaas habeenada kale uga duwantahay ama uga fadli badan tahay? Jawaabtu waa sida soo socota….. Laylatul-Qadriga …

Read More »

10 Waxyaabood Oo Kobciya Iimaanka Qofka

Iimaanka qofka muslimka ah

Tallaabooyin lagu kobciyo iimaanka: 1. Tawbada: Bini’aadanka waxaa ka dhaca dambiyo & qaladaad sababtoo ah ma nihn kuwa dhameystiran. Haddaba waa in aad mar kasta Alle dambi dhaaf weydiisataa, si dhab ahna ugu toobad keentaa. Kana fogaataa in aad dambi sameyso. 2. Salaada: Tuko Shanta salaadood si joogta ah. Ilaali waqtiga Salaadaha. Baro Axkaamta Salaada. 3. Quraanka: Aqri Quraanka, Baro …

Read More »

Ducada Uurka iyo Foosha

Ducada uurka iyo foosha,

Muuqaalkaan hoose waxaan idin kula wadaagaynaa ducooyin lagu duceysto marki dhal la raadinayo, markii uur la leeyahay iyo markii la foolanayo. Halkaan ka daawo muuqaalka: Ducooyinkaan waa aayado ka mid ah Qur’aanka kariimka ah, waana ducooyinkii anbiyada, gaar ahaan waxaa ku duceystay Nabi Sakariya iyo Nabi Ibraahim (CS) Alle (SW) wuu ka aqbalay. Ducooyinkan waxay ka kala yihiin: Rabbi laa …

Read More »

Cunnaddii Uu Nebi Muxammed CSW Ugu Jeclaa Iyo Faa’iidadeeda Caafimaad

Cuntadu waa qayb nolosha ka mid ah, qof kasta oo bani aadam ahina wuxu jecel yahay qayb cunnada ka mid ah taas oo uu ka door bido cunnooyinka kale. Qofka inuu cunno gaar jeclaado waxaa sababa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu cunnadaas ku jeclaado faa’iidada ay jirka u leedahay, in ay leedahay dhadhan cunno uu horay u …

Read More »

Cibaadada fekerka By Ciise Wadani

Cibaadada fekerka/fikirka  –   Ciise Waddani “Waa kuwa ilaahay xusaya iyagoo taagan, iyagoo fadhiya, iyo iyagoo jiifa, kana fekeraya abuuridda cirarka iyo dhulyowga’iyagoo odhanaya’ rabiyow umaad abuurin xaq darro adaa ceeb ka hufane naga kor yeel cadaabka naarta”  Suuradda al-cimraan Aayadda/191 Waa maxay cibaadada fekerku Cibaadada fekerku waxa ay ka mid tahay cibaadooyinka loogu dhawaado Alle wayne, waxay xoojisaa cabsida rabbi, …

Read More »

Habeenka Arooska Maxey Xijaabka U Tuuraan?

maxey dumarku isku qaawiyaan habeenka arooska? Markuu ilaahey xijaabka uu usoo dejiyay dumarka, uma uusan soo dejin kumana uusan amrin inuu ciriiri noloshooda uga dhigo ama noloshooda uga dhigo mid dhib badan laakiin ilaahey wuxuu dumarka ugu amray inay isxijaabaan siduu uga ilaaliyo noloshaan dhibta badan iyo dadka xun ee noloshaan ku nool. Xijaabku waa mashruuc umadeed oo umadsa oo …

Read More »

Cibaadooyinka Ramadaan ee Fadliga Badan

Ramadaan wanaagsan dhamaan ummada muslimka gaar ahaan kuwa Ummada soomaaliyeed meel kastoo aad dunida ka joogtaan. Allaha naga dhigo kuwio ka faaidaysta bishan kheyrkeeda. Halkaan hoose ka daawo muxaadaro uu soo jeedinayo sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil oo ku saabsan cibaadooyinka ramadaan ee fadhliga badan:

Read More »

Qodobo Ka Caawinaya Inaad Si Wacan Uga Faaidaysato Bisha Ramadan

Ka Faa’iideyso Bisha Ramadaan 1. Aqri Quraanka 4 bog Salaad kasta, go’aanso in aad Bishan dhameyso aqrinta Kutubta Quraanka, kuna dedaal in aad fahanto macnihiisa 2. Shanta Salaadood ku tuko Masjidka, Seexo habeenki xilli hore, si aad Suxuurta ugu kacdo waqtigeeda, Salaada Subax ugu tukato Jameecada Masjidka 3. Ku Bilow Afurka Biyo, Timir, wax fudud. Ducayso, Alle dabi dhaaf weydiiso …

Read More »

Ka Faaidayso Talooyinkan Dahabiga Ah

Ramadaan,soonka

1. Ramadaanku ma aha mid la isaga dhimo Miisaanka Jirka, ee waxaa la isaga dhimaa Dambiga iyo xumaanta. U niyeyso in aad Alle keliya u soomayso, Alle keliya u cibaadaysanayso. Ka fogow wax kasta oo Ramadaankaaga burin kara 2. Hagaaji Qalbigaaga, Wuxuu Qalbigaagu hagaajin doonaa Maskaxdaada, Waxay Maskaxdaaduna hagaajin doontaa Carabkaaga, Wuxuu Carabkaaguna hagaajin doonaa Noloshaada, Waxay Noloshaaduna hagaajin doontaa …

Read More »