Miisaan Dhimis

Basbaas Qajiga Oo La Ogaaday Inuu Baruurta Yareeyo (DARAASAD)

Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa shaaciyey in basbaaska, gaar ahaan baasbaas qajigu ay mustaqbalka qayb weyn ka qaadan doono miisaan luminta jidhka bani’aadamka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in cunista qajidu dadka ka yarayso baruurta badan ee xad-dhaafka ah. Khubaradani waxa kaloo ay caddeeyeen in basbaas qajiga loo isticmaali doono qalliinada dadka lagaga jarayo baruurta halista ku …

Read More »

DARAASAD: In Miisaanka Jirkaaga Uu Ka Dhaco Waxay Ku Xirantahay Cuntada….

Tayada cuntada ee aad quudato ayaa waxay saamayn weyn ku yeelan kartaa in aad iska rido miisaanka jidhkaaga, haddii ay dhibaato kaa haysato misaanka jidhkaaga oo kugu cuslaaday. Waxaanay cuntadu saamaynta ugu weyn ku yeelataa dhaqdhaqaaqa jidhka iyo inta qofku uu hurdo, taas oo dhibaato uu kala kulmi karo haddii uu cunto xaddi badan qaado, isla markaana nafaqadeedu aad u …

Read More »

DARAASAD: Buurnida Iyo Dhuubnida Badaniba Waxa Ay Halis Ku Yihiin Dhalmada Dumarka

Daraasad caafimaad oo cusub ayaa ka digtay in baruurta ama miisaanka badani uu qiyaas kala badh ah yareeyo rajada Dhalmo ee gabadha. Sida ay sheegtay khubarada samaysay cilmi baadhistani, celceliska rajada laga qabo in gabadha buurani ay uur qaaddaa waxa ay kala badh ka yar tahay inta laga qabo gabadha da’ ahaan iyo caafimaad ahaan la midka ah ee miisaankeedu …

Read More »

10-Ka Wadan Ee Adduunka Ugu Cayilka Badan 2014

Tirada dadka miisaankoodu kor u dhaafay intii caadiga ahayd ee ka cabanaya baruurta ayaa si weyn ugu soo badanaya dalalka caalamka. Mareykanka iyo wadamada Europe kaalimaha hore kagamaa jiraan wadama ugu cayilka badan sababtoo ah waxaa ku badan barnaamijyada lagu yareynaayo cayilka taas oo shirkaduhu ka sameeyaan lacago aad u badan. Wadamada Gacanka carbeed ayaa safka hore ka galay dalalka dadkoodu ugu cayilka badanyihiin …

Read More »

Fiitamiinada Guba Xayrta Iyo Hilibka Qofka Miisaankiisa Kordhinaya

Yareynta miisaanka ama culeyska jidhku waa mushkilad wayn oo heysata ama haleesha bulshada. qof kastana wuxuu ku dhaqaaqaa tallaabo gaar ah si uu arrintaas xal ugu helo. Arrimaha ay dadku sameeyaan qaarkood kuwo caafimaadka u wanaagsan weeyaan, qaarna waa kuwo halis caafimaad keeni kara. Balse halkan waxaan maanta uu qurbo magazine idin kugu hayaa warbixino ay shabakado arrimaha caafimaadka ka …

Read More »

3-da Sababood Ee Ugu Waa Weyn Ee Soomaalida Qurbaha Caloosha Ka Soo Saarta

Sadex shay oo aanu soo ogaanay kuwaaso caloosha inta badan kasoo saarta somalida qurbaha ku nool oo ay sameeyaan una badan yihiin waxaana ka mid ah. 1. Soo jeedka badan ama dhafarka oo ku badan: waayo soo jeedka badani wuxuu keenaa qofku inuu bararo sida la ogsoon yahayna qofka bini aadanka ah hurdadiisii caadiga ahayd haduu waayo kontorool la aan …

Read More »

Cuntooyinka Yareeya Baruurta Caloosha

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay xaqiiqo nolosha dad badan oo malaayiin dunida ku nool .Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo habka isku aadka cuntada.  Ma yara baadhitaanka laga sameeyay waxyaabaha ku saabsan buurnida xadkeeda dhaaftay dawada ugu muhiimsan ee ruuxa nuucaas la siiya ayaa ah jimcsi samee. Cuntada oo la yareeye …

Read More »

10 Cunto Oo Cayilka Rida

Qormadaan oo uu qurbo magazine ka soo xigtay wargeysyo caalami ah oo kala duwan waxa uu akhristayaashiisa ugu soo bandhigayaa qaybo ka mid ah cuntooyinka aynu cunno, gaar ahaan cuntooyinka lagu yaqaanno in ay cayilka yareeyaan oo ay khubarada ku xeel-dheer cilmiga cuntada iyo faa’idada ku jirtaa caddeeyeen in ay miisaanka dhinto. Boorashka: Boorashku waa cuntada ugu fiican ee ay …

Read More »

Dhowr Arrimood Oo Dabeecado Kuu Ah Oo Saamayn Kuu Yeelan Kara Culayska Jirkaaga

Hadaad tahay xafladaha qof jecel, buug isku mashquuliya, ama dhafar badan, dabeecadadu waxay kaalin weyn ka qaadan karta sidaad isku caatayn lahayd. Hadaba qormada maantaa ee qurbo magazine waxay ku saabsantahay dabeecado ama arrimo aad badanaa samaysid ama dabeecadaha kuu ah iyo siday miisaankaaaga saamayn ugu yeelan karaan. Sii akhri qoraalkan saa u ogaatid shakhsiyada aad tahay iyo sidaad uga faa’ideysan …

Read More »

Farsamo Aad Xayrta Caloosha Ugu Baabi’in Karto 7 Maalin

Daraasad laga soo saaray dalka ingiriiska ayaa lagu sheegay in ay jiraan waddooyin lagu baa bi’in karo xaydha caloosha muddo 7 maalin ah Cilmi baadhistaan laga soo saaray dalka ingiriiska ayaa lagu sheegay in haddii la joogteeyo qodobbada soo socda ay ka dhacayso jidhka 3 kg todobaadka kastaba. In la qaato 3 cunno maalintiiba: iyada oo labada xilli ee qadada …

Read More »

10-kaan Qodob Samee Si Aad Hoos Ugu Dhigto Miisaanka Jirkaaga

Biyo cab: dabcan waa hubaal inaad maalinkasta biyo cabto, biyaha aan halkan kaga hadlaynaa maaha biyaha laga helo sida shaaha, kafega, cabitaanka iwm waa biyaha cad ee dabiiciga ah ee aan waxba lagu darin joogto ka dhigo inaad cabto 8-10 galaas. Biyaha cadiga ah waxay nadiifiyaan kalyaha, subagana jirka way ka sifeeyaan. Hadii aad tijaabiso in mudo ah inaad cabto …

Read More »

Mid Ka Mid Ah Hoormoonada Jirka Oo La Ogaaday Inu Badiyo Cayilka

Mid ka mid ah dheecaanada (hoormoonada) jirku soo daayo ayaa lagu tuhun sanyahay in uu kaydiyo duxda korna u qaado miisaanka culayskaaga. Dheecaanada ayaa inta badan wada shaqada jirka isla markaana dheelitirkoodu lug ku leeyahay cayilaada. Tusaale ahaan dheecanka ostrogen ayaa waxa uu sababaa in in uu qofku u xiiso cuntada duxda (saliida, subaga)badan leh. Halka dheecaanada kale ee stress-kuna …

Read More »

Xalusta Caloosha Isaga Yaree Geedkaan

Sida cunto badan ay ugu fiican tahay caafimaadka ayaa waxa jirta cunto u daran caafimaadka taas oo xalus soo saarta. Laakiin hada ayaa la rumaysan yahay in rumaanku uu hoos u dhimo xayrtan (xaluska) oo caafimaadka khatar u ah. Hore ayaa waxa baadhitaan la sameeyay lagu ogaaday in rumaaku uu dhimo kansarka iyo cudurada ku dhaca wadnaha, sidoo kalena saamayn …

Read More »