Cuntada & Nafaqada

Nafaqooyinka Kobciya Bacrinimada Ama Awoodda Uureynta Ee Ragga Iyo Cunnooyinka Laga Helo

bacrinimada ragga

Tayada shahwada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha ugu waa wayn ee saameeyaa bacrinimada ama awoodda uuraynta. Si la mid ah xumbnaha kale ee jirka bini-aadamka, habdhiska taranku waxa uu ku tiirsanahay nafaqooyinka iyo fiitamiinnada uu helo.  Cunnooyinku waxa ay si togan saamayn ugu yeelan karaan caafimaadka taranka ee qofka. Waxa ay kordhiyaan tirada, tayada iyo socodka shahwada  Waxaa jira noocyo …

Read More »

Sirta Caafiimaad Ee Miraha Farawlaha

miraha farawlaha-6

Farawlaha waa miro cas oo u saamaysan qaabka wadnaha, waa miro indhaha uroon, dumarkuna ay aad u jecel yihiin. waxa ay hodan ku yihiin walxaha sunsaarista iyo maadooyin kale oo faaido u leh caafimaadka guud. Farawlaha waxaa ka buuxo nafaqo kala duwan taas oo tamar iyo caafimaad bini’aadanka uu ka helo sida fitamiin C, fitamiin A, Fitamiin K, folate, calcium, …

Read More »

Saliid Saytuunta Oo Joogto Loo Isticmaalaa Waxa Ay Ka Hortag Fiican Ka Noqon Kartaa Xanuunka….

Cilmibaadhayaal ka tirsan kuliyadda Lewis Katz oo ka tirsan jaamacadda caafimaadka ee Temple University oo ku taalla dalka Maraykanka ayaa ogaaday in saliid saytuunta oo lagu darsado cuntada maalinlaha ahi ay ka hortagto hoos u dhaca awoodda garasho iyo shaqada maskaxda ee qofku marka uu gaboobo lagu arko. Cilmibaadhistan oo natiijadeeda lagu faafiyey majaladda ‘Aging Cell’ ayaa daahfurtay in saliid …

Read More »

Ahmiyadda Macdanta Zinc, Khatarta Haddii Ay Jidhka Ku Yaraato Iyo Cunnooyinka Qaniga Ku Ah

Zink waa macdan muhiim ah oo jirku uusan ka maarmi karin. Zinc waxa ku jirtaa lafaha, beerka, kilyaha, unugyada, nudeyaasha iyo dareereyaasha jirka. Si gaar ah, waxa ay ugu jirtaa manida ragga iyo qanjirka borosteytka. Faaidooyinka macdanta zinc-ga: Difaaca jirka ayay awood siisaa. Caafimaadka uurka ayay sare u qaadaa Koriimada caruurta iyo dhalinta ayay door weyn ka qaadataa Caafimaadka qanjirka …

Read More »

Cabitaan Jidhka Ka Sifeeya Sunta, Difaaca Jidhka Xoojiya, Caafimaadka Guudna Kobciya

Casharkeenna maanta waxaan kuu soo qaadanaynaa cabitaan dabiici ah oo jidhka ka nadiifiya sunta islamarkaana xambaarsan nafaqooyin tiro badan iyo maadooyin kale oo caafimaadka faaido ugu jirto. Cabitaankan ayaa ka kooban tufaax, baytaraaf iyo karooto, waana saddex shay oo dhulka Soomaalida laga heli karo. Nafaqada Cabitaankan: Tufaaxa: Tufaaxa waxaa ku jira fitamiinnada A, B, C, E, K, Folate, niacin, Zinc, …

Read More »

10 Cunno Oo Daweeya Naqaska Caloosha Iyo Dibirada, Caafimaadka Dheefshiidkana Wanaajiya

dheefshiidka, dibirada,

Naqaska caloosha isku xira iyo dibiradu waxay qofka ka qaadaan xasiloonida iyo raaxada. Nasiib wanaag, waxaa jira cunnooyin yareyn kara astaamahaan. Cunnooyinkan oo la joogteeyo waxay kaxeynaysaa dibirada iyo hawada caloosha ku uruurta waxayna sare u qaadaysaa caafimaadka dheefshiidka. Sinjibiisha: Muddo qarniyo ah ayaa sinjibiisha loo adeegsan jiray in lagula tacaalo cilladaha dheefshiidka. Waxaa ku jira maadooyin yareeya hurka caloosha, …

Read More »

Cuntooyin Ay Qalad Tahay In La Maydho Kahor Karinta & Sababta Caafimaad Ee Diidaysa

In cuntada aynu cunayno la iska maydhaa waa arrin caafimaadka u fiican dhaqan ahaanan tan iyo carruurnimada lagu barbaariyo ubadka. Waxa aynu naqaannaa in dadka cuntada kariya rag iyo dumarba ay badankoodu cuntada ay karinayaan maydhaan karinta ka hor, laakiin cilmi ahaan, waxaa la xaqiijiyey in cuntooyinka qaar aanay u baahnayn in la maydho. Iyo in cuntooyinka qaar maydhistu ku …

Read More »

Waxyaabaha Ugu Fiican Ee Beerka Looga Nadiifiyo Sunta Iyo Wasakhda

Beerku waa xubinta ugu wayn uguna muhiimsan ee habka dheefsiga cunnada ee jirka.Waxa uu qabtaa howlo kala duwan sida burburinta haemoglobin-ta, insulin-ta iyo  hormoonno kale, baabi’inta unugyada dhiigga cas ee duqoobay, sunsaarista dhiigga, kaydinta faytamiinnada iyo xadiidka iyo soo saarista dheecaanka bayl oo muhiim u ah cunno shiidista. Tan ugu muhiimsan waa inuu jirka ka nadiifiyo dhammaan sunta. Waxa uu jirka …

Read More »

7 Cunto Oo Ay Tahay Inaad Iska Yareyso Si Aad Caloosha Weyn U Dhinto

caloosha weyn, baruurta caloosha

In kasta oo aanay dhakhaatiirta iyo xeeldheerayaasha nafaqayntu isku khilaafsanayn in ay tahay cunto caafimaad ahaan aan wax dhibaato ah keenin, haddana cilmibaadhiso xeeldheer oo lagu sameeyey ayaa daahfurtay in qofka oo iska daaya cunistoodu ay ka caawinayso in uu ka takhaluso caloosha oo uu gaadho himiladiisa ah in uu yeesho calool muruqyadeedu giijisan yihiin. Warbixin uu dhowaan baahiyey wargeyska …

Read More »

Faa’idooyinka Waa Wayn Ee Basbaas Qajiga Iyo Nooca Ugu Waxtarka Badan

basbaas qajiga, basbaaska,

Basbaasku wuxuu ka mid yahay cunnooyinka dunida aadka looga yaqaanno, In ka badan 62% dadka dunida ku nool ayaa xiiseeya cunnooyinka kulul ee basbaaska leh.  Inkastoo basbaasku uu ku caan baxay kulaylka haddana waxaa ku jira faytamiinno iyo macdanno jidhka waxtar u leh, sida faytamiin c, faytamiin B6, faytamiin K, faytamiin A, choline, kalsiyaam, potassium, phosphorus iyo magnesium. Waxaa kale …

Read More »

Faa’idooyinka Qajaar Qaraarka Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Aad Wax Uga Taro

qajaar qaraar, khudrad

Casharkeenna maanta waxaan ku soo qaadanaynaa geedka qajaar qaraarka ee afka Ingiriiska lagu yiraahdo “bitter melon” ama “bitter gourd”.  Qajaar qaraarka dalkeenna laguma beero laakiin wadamada deriska nala ah sida Kenya, Uganda iyo Ethiopia waa lagu beeraa.  Asal ahaan waxa uu ka soo jeedaa dalka Hindiya.  Inkastoo qajaar qaraarka aysan dad badani jeclayn dhadhankiis, haddana waa khudrad xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo …

Read More »

Dhirta Dabiiciga Ah Ee Lagu Jari Karo Baruurta Caloosha

baruurta caloosha,

Baruurta caloosha gasha ayaa noqotay dhibaato haysata dad badan oo dunida ku nool Waxyaabo badan ayaa ka mas’uul ah baruurta caloosha gasha waxaana ka mid ah hab-nololeedka iyo cunno qaadashada . Baruurta caloosha ma ahan oo keliya inay saamayso quruxda qofka balse waxay kaloo keeni kartaa dhibaatooyin caafimaad oo badan. Waxaa la arkay inay siyaadiso halista cudurrada dhiig karka, macaanka …

Read More »

Ahmiyadda Cunnada Isku Dheellitiran Ay U Leedahay Caruurta

nafaqo, caruurta

Ma ogtahay in carruurtu ay baahan yihiin nafaqo la mid ah tan dadka waa wayn ay u baahan yihiin? Carruurtu kama maarmi karaan in ay helaan cunno caafimaad leh oo isku dheellitiran si ay si wanaagsan ugu koraan uguna kobcaan. Nafaqo darrada waxa ay caruurtu ka qaadi karaan miisaan yari xaad dhaaf ah. Cunista Cunno isku dheellitiran waxaa laga helaa …

Read More »

Ahmiyada Caafimaad Ee Saliida Qoondarka Iyo Cilladaha Ay Wax Ka Tarto

saliida qoondarka,

Saliida qoondarka waxaa loo yaqaannaa “flaxseed oil” ama “linseed oil”, waxaana laga dhaliyaa miraha qoondarka. Saliidani waxa ay hodan ku tahay asiidhada dufanka ah ee omega 3, barootiin, gan, faytamiinno iyo macdano. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaalaa saliidaan sida in cunnada lagu karsado ama lagu darsado iyo in korka la marsado. Saliida qoondarku waa saliid xambaarsan faa’idooyin caafimaad oo …

Read More »

Qiimaha Nafaqo Iyo Caafimaad Ee Subaga Lawska

subaga lawska,

Subagga lawsku waa cunno macaan, nafaqo ahaanna hodan ah. Siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaali karaa sida in roodhida la marsado iyo cabitaannada dabiiciga ah lagu dhex shiito. Subaga lawska waxaa ka buuxa dufannada loo yaqaanno “monounsaturated fats” iyo nafaqooyin kala duwan. Cunista 2 qaaddo oo subaga lawska ah waxa ay ku siinaysaa 188 garaam kalooris ah, 8 garaam oo barootiin, …

Read More »