Cuntada & Nafaqada

Faaidooyinka Miraha Fennel Seeds Iyo Cilladaha Caafimaad Ee Ay Wax Ka Taraan

Fennel seeds waa miro muddo dheer bini aadamku u adeegsan jiray dawo ahaan. Waxaa la aaminsan yahay in mirahani ay ka hortag u yihiin cudurro badan, islamarkaana ay wanaajiyaan caafimaadka guud.  Mirahan, iyagoo ceyriin ah ayaa la cuni karaa ama shaah ahaan ayaa loo karsan waxayna lagu yaqaanna inay hagaajiyaan dheefshiidka waana sababta inta badan loo isticmaalo raashinka kadib.  Miraha …

Read More »

Qorfaha Iyo Malabka Oo La Isku Daro Waxa Ay Dawo U Noqon Karaan….

Boqollaal sano ayaa isku darka malabka iyo qorfaha dunida looga isticmaalayey dawo ahaan, waxa aana la aaminsanaa in uu yahay dawo dhaqameed tayo badan oo dhibaatooyin badan oo caafimaad si fiican loogu dabiibi karo. Sida lagu sheegay warbixin ay baahisay shabakadda Bold Sky ee ka faalloota arrimaha caafimaadka, isku-darka malabka iyo qorfaha dadkii hore waxa ay ku daweyn xanuunnada qaar, …

Read More »

Sirta Caafimaad Ee Subagga Caanaha Laga Soo Saaro

subaga caanaha xoolaha

Subagga caanaha laga culo waa cunno waxtar ballaaran u leh caafimaadka balse aan lagu baraarugsanayn. Hadaba waxaan halkaan ku bidhaaminaynaa faaidooyinka caafimaad ee subagga sixinta ah. Caafimaadka Wadnaha: Daraasado badan ayaa iftiimiyay in subaggu uu sare u qaado caafimaadka wadnaha. Waxaa la arkay in subaggu uu kordhiyo kolestaroolka wanaagsan islamarkaana uu yareeyo dufanka ku aruura halbowleyaasha. Dheefshiidka: Subagga caanaha laga …

Read More »

10 Cunno Oo La dagaallama Kansarka, Difaaca Jirkana Awood Siiyo

cuntooyinka, cudurka kansarka

Joogtaynta cunno caafimaad leh oo isku dherlitiran waxa ay lama huraan u tahay fayow-qabka guud waxa ay ka qaadataa difaaca dabiiciga ee jirku uu iska caabbinayo cudurrada oo kansarku uu ka mid yahay. Inkasta oo aysan jirin cunno keligeed dammaanad qaadaysa ka hortagga cudurka kansarka, haddana isku darka cunno nafaqo iyo maadooyinka sunsaarista hodanka ku ah waxay kaalin mug leh …

Read More »

Qiimaha Caafimaad Ee Cabitaanka Yaanyada Ama Tammaandhada

Yaanyadu waa khudrad inta badan laga helo jikada, si fududna loogu beeran karo guryaha. Yaanyada waxaa laga samayn karaa cabitaan nafaqo badan oo dawo ah. Sida ay daraasaadku tilmaamayaan, yaanyada waxaa ku jira maadooyin kala duwan oo caafimaad faaido ugu jirto waxaana ka mid ah; beta-carotene, GABA, Lycopene, alpha-lipoic acid, lutein iyo zeaxanthin. Nafaqooyinka yaanyada ku jira waxaa ka mid …

Read More »

Qiimaha Caafimaad Ee Shaaha Liin Dhanaanta Lagu Darsado

shaaha liin dhanaanta,

Shaahu waa cabitaan inta badan laga heli karo guri kasta. Dadka qaar waxa ay jecelyihiin shaaha bigayska ah, qaarna shaaha cadayska ah, halka qaar kalena ay ka ka helaan shaaha liinta leh.  Shaahu waxa uu qeybsamaa dhowr nooc oo kala ah shaah madow (black tea), shaah cad, shaah cagaaran iyo oolong tea. Soomaalidu waxa ay cabtaa shaaha madow (black tea).  …

Read More »

Faa’idooyinka Cabitaanka Qajaarka Iyo Inta Koob Ee Laga Cabbi Karo Maalintii

cabitaanka qajaarka

Cabitaanka qajaarku mid nafaqo ahaan hodan, waxaana ka buuxa fitamiinnada K, C iyo A iyo macdanaha potassium iyo calcium. Waxaa kaloo ku badan ganka (fibre). Ragga waxaa lagula taliyaa inay cabbaan 3 koob oo cabitaanka qajaarka ah maalin kasta, halka dumarkuna lagula taliyo in ay cabbaan 2 koob iyo bar maalin kasta. Sunsaarista jirka: Qajaarku waxa uu qani ku yahay …

Read More »

Faa’idada Cananaaska Iyo Cilladaha Caafimaad Ee Uu Aad Ula Dagaallamo

Cananaasku waa furuut nafaqo iyo caafimaad badan xambaarsan balse aan lagu baraarugsanayn. Cananaaska waxaa ka buuxo dheecaan burburiyeyaal, maadooyinka sunta ka saara jirka, fitamiinno iyo walxo kale oo caafimaadka faa’iido u leh. Qiimaha nafaqo ee cananaaska: Cananaaska waxaa ku jira fitamiinnada C, A, B6 iyo K, iyo macdanaha magnesium, calcium, phosphorus, zinc iyo potassium, waxaa kaloo laga helaa fiber, birta …

Read More »

Faa’iidada Ay Leedahay In La Cuno Xabbad Moos Ah Habeenkii Hurdada Ka Hor

mooska hurdada,

Mooska waa faakiho ama khudrad macaan oo caafimaad badan laga helo, waxaa ka buuxo potassium iyo magnesium, waxaa kaloo ku jira vitamin B6 iyo vitamin C. Moosku waxa uu wanaagsan yahay hurdada waxaa ku jira macdano iyo fitamiinno wanaajiya tayada hurdada. Moosku waxaa uu qofka dareensiiyaa dharag, sidaas darteed qofka waxa uu ka ilaaliya inuu gaajo la soo tooso habeenkii. …

Read More »

Qaababka Ugu Wanaagsan Ee Aad Dufanka Fiican Ee Jidhkaaga U Badani Karto

Kalastaroolka fiicani waa dufan (Dux) aad u cufan oo si weyn u caawiya in Kalastaroolka Xun marka ay ka saarayaan jidhka aanu ku kala hadh-hadhin derbiyada xididdada dhiigga kadibna halkaas ku ururin oo aakhirka anau xidhin. Waxa uu caawiyaa in kalastaroolka xun dhiigga laga soo wada saaro oo la keeno beerka si uu beerkuna u burburiyo. Sidaa awgeed in kor …

Read More »

Saliidaha Caafimaad Ahaan Ugu Fiican In Cunnada Lagu Karsado

saliidaha dabiiciga ah

Horay waxaan uga soo hadalnay dhibaatada ay leedahay saliid cadeeyda oo ah saliidda ugu badan ee ay Soomaalidu cunnada ku karsato.  Maqaalkan waxaan ku eegaynaa saliidaha ugu fiican caafimaad ahaan iyo nafaqo ahaan ee cunnada lagu karsan karo ama lagu darsan karo.  Saliidu waa door wayn ka ciyaartaa caafimaadka iyo nafaqada aadamaha. Waa il muhiim ah oo laga helo dufanno …

Read More »

Cabitaan Jirka Sunta Looga Sifeeyo Iyo Goorta Ugu Fiican Ee La Cabo

cabitaan, sunta jirka

Daryeel Magazine oo aaminsan in hantida ugu muhiimsan ee qofku ay tahay caafimaadka, ayaa qormadan akhristaashiisa ugu soo gudbinaya cabitaan dabiici ah oo jirka sunta iyo qashinka ka saaro, caafimaadka guudna kobciyo. Sunta jirku waxay keeni kartaa finan iyo daal joogto ah. Waxaa jirka sunta looga sifeyn karaa dareereyaasha dabiiciga ah sida cabitaanka kaarootada, koostada iyo liin dhanaanta.  Cabitaankan macaan …

Read More »

Faa’iidooyinka Qorfaha (Qorofalka) Iyo Xaaladaha Caafimaad Ee Uu Aad Wax Uga Taro

faaiidooyinka qorfaha, qorfe,

Qorofalku waa dahaadhka / qolofta sare ee geed sannadka oo dhan cagaaran oo ka baxa deegaannada uu maro dhul badhuhu. Waxa uu ka mid yahay xawaashyada caanka ah ee cuntada udugga iyo dadhadhanka macaan u sameeya, sida oo kalan jidhka u leh faa’iidooyin caafimaad oo tiro badan. Qoraaga Galina Datsenko ayaa maqaal ay qortay, oo ay shabakadda Aljazeera soo xigatay. …

Read More »