1. Qabka iyo isla weynidu waa. cudurka ugu badan ee karkaarka weydaariya ardayga jaamacadda dhammaysta. Waxa uu u qaataa in uu gaadhay dhammaadkii waxbarashada, waxa aanu isku qaldaa waxbarasho iyo aqoon, arrimahaas oo u diida in uu aqoon korodhsado, in uu talo qaato iyo in uu aragtida ka soo horjeedda dulqaad u yeesho. Sida saxda ahi waa, mar kasta oo …
Read More »Waxbarasho
Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 7) Maxaa Talo Ah?, Jaamacadaha
Jaamacaduhu waa cidda uu xilka ugu weyni ka saaranyahay xal u keenidda dhibaatada ardayda ay soo saaraan kala kulmayaan suuqa shaqada, taas oo ay ugu horreyso xirfadaha looga baahanyahay iyo heerka aqoontooda. Haddaba si loo hubiyo in ardayga jaamacadda ka baxaa uu awood u leeyahay in uu toos ugu shaqo geli karo waxa uu bartay, waxa aan ku talinayaa: 1. …
Read More »Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 6), Maxaa Talo Ah?
Bilowga koowaad ee waxbarashada, waalidka iyo macallinkuba waxa ay ardayga u sawiraan yool ah, in dhammaadka waxbarashada uu xigo wejiga labaad ee nolosha oo ah badhaadhe iyo isku filnaanshiyo uu noloshiisa si madaxbannaan u maarayn kari doono. Waa higsi ujeeddo sax ah laga leeyahay oo sababa in ilmuhu aanu mar keliya ka daalin geeddiga dheer ee waxbarashada, waa se mindi …
Read More »Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Q: 5), Caqabadaha Jaamacadda Haysta
Caqabadaha Jaamacadda Haysta: Marka laga tago caqabadaha iyo xakamayaasha haysta guud ahaan hay’adaha horumarineed ee dalka, waxaa jira kuwo u gaar ah tacliinta sare oo taako ku noqon kara gaadhitaanka heerka laga filayey, waxa aynnu ka xusi karno: 1. Dhaqaale xumo: Isha keliya ee ay jaamacaduhu dakhliga ka helaan waa lacagta waxbarashada ee ardayga laga qaado. Lacagtaasi kuma filnaan karto …
Read More »Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii 4-Aad)
Jaamacadaheennu ma soo saaraan qof shaqo tegi kara? 2. MANHAJYO AAN CASRI AHAYN Siyaasadaha waxbarasho ee dawladaha adduunka dhismay waxa ay xoogga saaraan, in ay joogto u casriyeeyaan manhajkooda waxbarasho, si uu ula jaanqaado horumarka xawaaraha ku socda ee ay aadamuhu ka samaynayaan nolosha dhinacyadeeda, ay teknoolajiyadu ka mid tahay. Nasiibdarro se, guud ahaan nidaamka waxbarasho iyo gaar ahaan tacliinta …
Read More »Filashada Jaamacadda Kadib: Run Iyo Riyo Iyama? (Qeybtii: 3-Aad)
JAAMACADAHEENNU MA SOO SAARAAN QOF SHAQO TEGI KARA? Jaamacadaheennu sannad kasta waxa ay soosaaraan boqollaal dhalinyaro ah oo dhammaystay heerarka kala duwan ee waxbarashada, laakiin runta nasiibdarrada ahi waa in dhalinyaradaas soo qalinjebinaysa aanay u carbisnayn shaqo in ay toos u bilaabaan, marka laga tago midhadh iyagu fursado kale helay. Sababaha keenaya waxaa ka mid ah gaabis badan oo nidaamka …
Read More »Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii Labaad
Maxaa waxbarasho jaamacadeed laga dheefaa? Marka laga tago waxbarashada uu qofku ka korodhsanayo jaamacadda oo ah midda aasaasiga ah ee uu marka horeba u tegey, waxaa jirta faa’ido kale oo arday kasta oo dadaalaa uu ka helo. Waa raad togan oo ay jaamacaddu ku reebto nolosha qofka oo dhan, waxa aynu ka xusi karnaa; 1. in ay kobciso aqoonta guud …
Read More »Filashada Jaamacadda Kaddib: Run Mise Riyo? Qeybtii 1-Aad
Dhammaysashada waxbarashada jaamacaddu waxa riyada ugu weyn ee waalidka iyo ilmihiisa midaysa. Waalidka waxaa u muuqda midhaha tacabkii uu ku dhowaad 20 sanno ilmihiisa gelinayey, dhinaca kalana waxa uu arkayaa dhammaadka itaalkii iyo tamartii ku jirtay oo gabaabsi sii noqonaya, markaasuu niyadda ku dhistaa in geedkii uu beeray (Ilmihiisa) haatan hadhac noqonayo oo uu hadhsan doono. Hadhsashada dantiisa ah oo …
Read More »Faa’iidooyinka Akhrisku U Leeyahay Carruurta
Caadaysiga akhrisku waxa uu leeyahay faa’iidooyin caafimaad oo dhinaca nafsadda iyo maskaxda ah, waxa aanu kobciyaa aqoonta, fahamka, maskax furnaanta iyo il-dheeraanta qofka. Sidaas awgeed ma jirto dabeecad ka fiican in waalidku uu ilmihiisu inta uu yar yahay ku barbaariyo wax akhriska. Xeeldheereyaashu waxa ay sheegayaan in wax akhriska uu ilmuhu ka helo faa’iidooyin caafimaad oo ay ka mid yihiin: …
Read More »Waxyaabaha Cajiibka Ah Ee Ay Ku Kala Duwan Yihiin Ragga Iyo Dumarka
Akhriste, Weli ma ka fakartay faraqa iyo kala duwanaanta dhinaca abuurka ah ee u dhexeeya ragga iyo dumarka?! Haddii ay jawaabtaadu ‘HAA’ tahay, waxa aynu maanta kuu haynaa jawaabta su’ashaas, waxaanu cadadkan maanta kuugula wadaagaynaa daraasad cilmiga noolaha ah (Biology) oo ka waramaysa qodobbo xiise badan oo ay aad ugu kala duwanyihiin ragga iyo dumarka. – Ilmuhu marka uu ku …
Read More »In Qofku Uu Laba Luuqadood Ku Hadlo Waxay Maskaxda U Leedahay Faa’iidooyinkan!
In qofku uu laba af ku hadlaa waxa ay xoojisaa awoodda maskaxdiisa ee u fiirsiga, dhugmada iyo xallinta dhibaatooyinka. Marka shaqada fulineed ee maskaxdu hoos u dhacdana waxa ay ka caabbidaa Xanuunnada xusuusta iyo unugyada maskaxda dila ee ‘Dementia’ iyo ‘Alzheimer’s’ Ellen Bialystok oo ka tirsan jaamacadda York Toronto, dalka Kanada, ayaa iyaduna isbarbardhig ku samaysay isbedellada shaqada maskaxda dadka …
Read More »7 Qodob Oo Kuu Sahlaya Barashada Luuqada English Ka
Hormarka iyo hiigsiga dheer ee bini’aadamku ku hawlanyahay waxay Dariiqa u xaartay in dalabka iyo raadinta barashada luuqadaha kala duwan uu cirka isku shareero . Dad badani waxay ogaadeen in ay muhiim tahay ka bixitaanka xayndaabka ku hadalida hal luuqad si ay ula jaanqaadaan dunidaan horumartay. Luuqada Ingiriisku labadii qarni ee lasoo dhaafay waxay ahayd hogaanka dhamaan luuqadaha bulshooyinka dunidu …
Read More »Qaababka Loo Maareeyo Walwalka Ardaynimada
Walwalka ardaynimada: Majiro qof ka tallaalan mawjadaha walwalka ee soo wajaha dadka xilliyada kala duwan, waa shay loo siman yahay oo qof walba ku dhici kara, waa xaalad caafimaad oo wajiyo badan soo marta, mar waxay u baah naataa talo iyo tusaale qofka la siiyo, mar waxay u baah naataa ag jooga ehelka iyo ku dhex jiridooda, halka ay mar …
Read More »Wax Ka Baro Caadooyinka Qoraayo Magaca Ku Helay Qoraalka, Qeybtii 2-Aad
Henry Miller (1891 – 1980): waa qoraa iyo farshaxan qoray in ka badan 80 buug oo u badan sheeko-faneed iyo waayo u joog. Miller waxa uu caan ku ahaa habqoraal uu isagu curiyey, laakiin dabadii qoraayo badani isticmaaleen. Waxa uu ka baydhay hannaankii qoraal ee soo jireenka ahaa, waxa aanu curiyey hab isku badhaxa sheekada, taariikh-nololeedka, naqdiga bulsho, hab-fikirka falsafadeed …
Read More »12 Arrimood Oo Sababi Kara In Wax Akhriskaagu Uu Yaraado Qeybtii 2-Aad
Arrinta lixaad ee keeni karaysa in wax akhrisku kugu adkaado, waxa weeye luqadda aad wax ku akhriyayso oo aad isku dhibban tihiin. Iyadoo wax akhrisku aanu weli caado kuu noqon (wax aad qabatintay), haddii afka aad doonayso in aad wax ku akhrisana uu noqdo af illaa xad waxa aad ku akhriyayso aanad ku fahmi karayn, way adkaanaysaa in wax akhriskaagu …
Read More »