Cooking With Hafza

Daawada Dabiiciga Ah ee Hergabka

daawada, hegabka, hargabka

Hergabka waxaa sababo fayras calaamadaha lagu gartana waxaa ka mid ah qandho, qufac, cune xanuun, qarqaryo, iyo cabur iyo san-xiran. Hegabka looma qaato antibiotic sababtoo aha waxaa keenaya ma ahan bakteeriya ee waa fayras. Daawooyinka hergabka loo qaato waa kuwo caawiya inay yareeyaan qufaca, ama inay qandhada jabiyaan ama inay joojiyaan hindhisada iyo cuncunka sanka. Hadaba waxaa jira waxyaabo dabiici …

Read More »

MARAQ MACAAN: Moos Iyo Caano Qumbe

maraq, suugo, cooking with hafza

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxay idiin haysaa maraq cajiib ah oo laga samaynayo khudrad kaliya oo aad ku cuni karto muufo, chapati, bariis ama wixii markaas kuu diyaarsan. Waa maraq fudud oo qof kasta uu samayn karo. Habka diyaarinta: Waxaa loo baahan yahay:  Moos Caano qumbe Basal Yaanyo fresh ah Saliid Huruud Filfil shiidan Toon shiidan Cusbo Basbaaska …

Read More »

Haanbeegar Caafimaad Leh Oo Caruurtu Ay Jecel Yihiin

haanbeegar caafimaad leh somali handburger

Kusoo Dhawaada Cooking With Hafza, maanta waxaan idin tusinaynaa sida loo diyaariyo haanbeegar Caafimaad leh oo dhadhan macaan kaasoo laga samaynayo misir, khudaar iyo mushaali. Digirta misirta waa leedahay nafaqooyin qiimo badan, waxay hodan ku tahay borotiin, waxaa kaloo  ku jira fiber, folate iyo magnesium oo muhiim u ah caafimaadka wadnaha.  Misirtu waxay yareysaa kolestaroolka, waxay hoos u dhigtaa heerka sonkorta dhiiga. …

Read More »

Macmacaanka Ciida

Waxaa foodda inagu soo haya oo ay ummadda muslimiintu isu diyaarinayaan maalinta ciiddal carafa, Cooking with Hafza ayaa natusinaysaa macmacaanka ciida oo hab fudud loo samaynayo. Macmacaankaan ay Hafza ciida ugu talo gashay ayaa ah miiska kuu qurxinaya caruurta iyo qoyskana ka farxinaya. Habka diyaarinta: Waxaad u baahan tahay Koob Caano ah oo qandac ah 2 Qaado iyo bar khamiir ah …

Read More »

XAFSA: Hababka Aan Cayilka Iskaga Ilaaliyo Nafteydana U Daryeelo

Jimicsigu waa dawo, noocyada jimicsiga ugu fudud waxaa ka mid ah socodka iyo orodka.  waxaa jira daraasado dhowr ah oo iftiimiyay in socodku uu ka hortago cayilka, cudurka macaanka nooca 2-aad, xanuunada wadnaha, faaliga, dhiig karka, xanuunada lafaha iyo dhibaatooyin kale oo caafimaad. Xanuunadaan waxaa badanaa laga qaadaa fadhiga badan iyo jimicsi la’aan. Waxay khubarada caafimaadku sheegaan in socodku uu wanaajiyo niyada …

Read More »

Cunto U Fiican Ilmaha

Sida caadada ah sanad kasta xiligaan oo kale waxa ardayda dalalka reer galbeedka ay dugsiyada waxbarashada ku noqdaan bisha  September kadib fasaxa xagaaga oo ku dhawaad ardaydu 3 bilood ay ka fadhiyeen waxbarashada, Sidaa awgeed Hafza Hassan ayaa natusinaysaa cunto u fiican ilmaha iskuulka aadaya, waalidkana u fudud. Ilmaha inta badan waxay xiiseeyaan rootiga cuntada la dhex geliyo ee loo …

Read More »

QADO FUDUD: Digaag, Caano Garoor Iyo Bariis

digaag iyo bariis

Waa barnaamijkii cunto karinta ee Cooking With Hafza oo ku saabsan qado fudud oo qof kasta uu samayn karo. Qadadaan ayaa kooban digaag, bariis, maraq yar iyo xoogaa ansalaata ah. Digaaga waxaa la marinaya xawaashyo kala duwan sida xawaash dhuudhuub shiidan, barbarooni shiidan, sanjabiil shiidan, cusbo iyo caano garoor  kadibna waa  la dubayaa.. Alaabtaan waxaa lagu cunayaa suugo yar oo …

Read More »

Nadiifinta Iyo Hagaajinta Jikada

Soonka kadib waa muhiim in jikada la nadiifiyo sababtoo ah cunto badan ayaa la kariyaa xiliga ramadaanka, saliid iyo qiiq  badan ayaa wasakheeyaa jikada dadkuna ma hayaan energy fiican oo ay ku hajaajiyaan xiligaas. Hadaba Hafza Hassan ayaa maanta natusinaysa nadiifinta iyo hagaajinta jikada iyo alaabta taalla, sida tallaagada, microwave ka, armaajooyinka, foornada caagga qashinka iwm. Foornada waxaa lagu dhaqi …

Read More »

Hababka Cayilka La Iskaga Ilaaliyo Ramadaanka Kadib

Waa markale iyo Cooking With Hafza, muuqaalka maanta waxa uu ku saabsan yahay waxyaabaha Hafza ay samayso si ay cayilka iskaga ilaaliso ramadaanka kadib. Dad badan ayaa quraacda ka taga iyagoo u arkaya inaysan muhiim ahayn ama iyaga oo doonaya inay cayilka iska ridaan balse waxaa la ogaaday in dadka aan quraacan inay ka buuran yihiin kuwa quraacda cuna sababtoo. …

Read More »

Baradho Iyo Kabaab

Ciid wanaagsan asxaabta meel kasta oo aad dunida ka joogtaan, kusoo dhawaada barnaamijka Cooking With Hafza oo ku saabsan cunto macaan oo laga samaynayo baradho iyo kabaab. Marka hore waxaa la diyaarinayaa baradho la shiilayo oo ansalaato ahaan loo samaynayo. Waxaa lagu shiilaya saliida Canola Oil waxaa lagu darayaa yaanyo, kamsar caleen, cusbo, sumac iyo biyaha liin dhanaanta. Sidoo kale …

Read More »

Baasto Iyo Suugo Reexaan

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, muuqaalka maanta waa mid si gaar ah loogu talo galay walaalaha Soomaaliyeed ee jooga Dhulkii hooyo, Waxayna Hafza tusinaysaa qado ama casho fudud oo laga samaynayo Baasto iyo suugo Reexaan: Daawasho wanaagsan:

Read More »

Macmacaan Laga Samaynayo Karooto Iyo Baradho

Ramadaan kariim, waa barnaamijkii Cooking With Hafza iyo mid ka mid ah waxyaabihii gaarka ahaa ee ay Hafza ugu talo gashay inay nala wadaagto bishaan barakeynsan. Muuqaalka waxaa u ku saabsan yahay macmacaan caafimaad leh oo laga samaynayo karooto, baradho, malab iyo saliid saytuun. Daawasho wacan:

Read More »

Cabitaan La Isku Qaboojiyo Xiliga Soonka

Ramadaan Mubaarak, Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, barnaamijka maanta waxaa uu ku saabsan yahay cabitaan la isku qabooyiyo xiliga soonka kasoo laga samaynayo khudaar dabiici ah sida baytaraaf, rumaan iyo liin. Ka faaidaysi wacan sida fudud ee loo samaynayo:  

Read More »

Maraq Nafaqo Badan Oo Laga Samaynayo Misir (lentil Soup)

maraq nafaqo badan

Misirtu Waxaa cunto nafaqo badan. Wa ilo wanaagsan oo laga helo macdanta potassium, Kalshiyaam, zinc, niacin iyo vitamin K, misirtu waxay si gaar ah qani ugu tahay Fiber, borotiin, folate iyo birta (iron). Cuntooyinka nafaqada badan sida misirta waxay yareeyaan khatarta dhibaatooyin badan oo caafimaad. Cuntooyinka fiber qaniga ku ah sida misirta waxay caawiyaan ka hortagga faaliga, wadne xanuunka, macaanka, …

Read More »