Quruxda

Qaababka Ugu Haboon Ee Huruuda Loogu Adeegsado Qurxinta Jirka

Huruuda waxaa loo adeegsada qurxinta jirka, taas oo aad looga isticmaalo wadankeena, waxay maqaar siisaa dhalaal dabiici ah, waxay daweysaa findoobka iyo nabarada wajiga ka soo baxo. Huruudda waxaa ku jira maadooyinka awoodda ee liddiga ku ah lurka, sunta iyo bakteeriyada kuwaas oo ilaaliya caafimaadka maqaarka. Huruudu waxa ay la dagaallanta dhaawaca fallaaraha qorraxdu ay gaarsiiyaan maqaarka. Hadaba maanta waxaan …

Read More »

Hababka Saliid Saytuunta Loogu Isticmaalo Nafaqaynta & Qurxinta Jirka

saliid saytuunta, wajiga, qurxinta jirka

Saliid saytuunku waa saliid dabiici ah oo laga soo saaro miraha iyo geedka saytuunka. Muddo dheer ayaa saliiddan ayaa loo isticmaali jiray qurxinta jirka. Faaidooyinka saliid saytuunta ay u leedahay maqaarka: Lidka sunta: Saliid saytuunta waxaa ka buuxa maadooyinka liddiga ku ah sunta sida faytamiin E. Maadooyinkani waxa ay maqaarka ka ilaaliyaan dhaawaca waxa loo yaqaanno “free radicals” waxayna ka …

Read More »

Qaababka Mooska Loogu Daryeelo Jirka Qalalan

jirka qalalan, qaleel,

Moosku waxa uu hodan ku yahay faytamiinnada A, B, C iyo D, macdanta potassium, kaarbohaydareetyo iyo dufanno dabiici ah kuwaas nafaqeeya islamarkaana qooya jirka.  Hadaba maanta waxaan idin la wadaagaynaa qaababka mooska loo adeegsado dawaynta kor qalleylka.  Moos, malab iyo faytamiin E:  Malabka waxaa ku jira dheecaan oogada sare ee maqaarka xariir ka dhigta, sida oo kalana hoos u dhaafta …

Read More »

Si Fudud Uga Takhalus Madowga Indhaha Hoostooda Ku Samaysma

Madowga indhaha hoostooda ku samaysma waa cillad ay sheegtaan dad badan, taas oo u ekeysiisa kuwa daallan, da’dooda saxda ahna ka wayn. Nasiib wanaag, waxaa jira dawooyin dabiici ah oo looga takhalusi karo cilladaan, waxaana ka mid ah: Mask-ha qajaarka iyo baradhada: Qajaarka iyo baradhada waxay si dabiici ah u caddeeyaan maqaarka, waxayna iftiimiyaan indhaha hoostooda. Xoq qajaarka ama baradhada, …

Read More »

Qaababka Jidhka & Timaha Loogu Qurxin Karo Timirta

timirta quruxda

Haddii aad hore ugu ogeyd timirta in ay tahay cuntooyinka aasaasiga ah ee bisha Ramadaan, maadaama oo ay si tayo badan leh ula dagaallanto mariidka, isla markaana ay leedahay faytamiinno ah noocyada E, B iyo A waxa aad ogaataa in isla faytamiinnadaas awgood ay sida oo kalana tahay dawo u fiican caafimaadka maqaarka iyo timaha. Qormadan waxa aynu ku eegaynaa …

Read More »

Summadda Maqaarka Oo Kala Jiidmo Ama Jeex Jeexa Jirka (Stretch Marks)

Sumadda maqaarka oo kala jiidmo waa wax lagu arko maqaarka oo ah xariiqmo barbaryaal, laymankaan wey ku kala duwan yihiin midabka iyo dareenka taabashada, midabkana wuxuu u dhexeeya guduud ama basali, marka aad taabatid na waxaad dareemeysaa in maqaarka intiisa kale ay ka godan tahay. Sumaddaan waxay inta badan soo baxdaa marka uu dhaco is bedel culeyska jirka ah oo …

Read More »

Qaababka Cabitaanka Basasha Loogu Daweeyo Timo Daadashada

Bixitaanka timaha waqti ayay qaadataa waxayna u baahan tahay dulqaad. Balse isticmaalka waxyaabaha dabiiciga ah ee dhiirrageliya dhakhso u koridda tinta sida cabbitaanka basasha waxayna caawin karaan in timuhu si dhakhso ah ay u baxaan.  Cabitaankani waa dawo-guri loo adeegsado la dagaallanka timo daadashada iyo kobcinta koritaanka timaha. Sida oo kale cabitaanka basashu waxuu ka hortagaa cirrada soo degdegta, wuxuuna daweeyaa …

Read More »

CIRRADA TIMAHA: Sababaha Keena Iyo Hababka Looga Hortagi Karo!

Cirrada timaha, cirro,

Cirrada timaha: Waa hubaal in qof kasta oo noolaadaa uu filanayo in ay imanayso maalin uu madaxiisa cirro ku arkaa. Marar badan cirradaasi waxa ay ku timaaddaa gabowga, laakiin waxaa dhacda marar kale oo aanay wax xidhiidh ah la lahayn da’da qofka. MAXAA TIMAHA MIDABKOODA CADDEEYA (CIRRADA)? Dr. Jill Waibel oo ku xeeldheer cudurrada maqaarka ku dhaca ayaa sheegtay in …

Read More »

Qaababka Loola Tacaalo Daloolada Maqaarka Oo Waynaada (Tush-Tushka)

daloolada wajiga, daloolada maqaarka,

Bismillaah,  Casharkeena maanta waxaan ku soo qaadanaynaa daloolada waa wayn ee maqaarka. Waa jira labo nooc oo daloolada maqaarka ah. Mid waxaa uu soo daayaa saliida maqaarka ee loo yaqaanno “sebum”, halka kan kale uu soo daayo dhididka.  Mararka qaar daloolada soo daaya saliida ayaa ballaadha, sababaha keena cilladaanna waxaa ka mid ah jidhka oo soo saara saliid xad dhaaf ah, …

Read More »

Daryeelka Wajiga Saliida Leh Iyo Waxyaabaha Ku Haboon

daryeelka wajiga saliida leh

Casharkani waxa  uu gaar u yahay gabadh kasta oo jidhkeedu saliid leeyahay, wajigeedu qoyo had iyo jeer, finan yar leh. Jidhkan saliid leh ee aan maanta ka hadlayno ayaa ah jidhka ugu dhibtada badan ee ay dumarku yeeshaan. jidhkan ayaa ah jidh had iyo jeer kadeedan, haddii daldaloolada wajigu xidhmaan qofku wuxuu isku arkaa finan waa wayn oo dheecaan leh. …

Read More »

Wajiga Saliida Leh: Sababaha Keena Iyo Waxyaabaha Ugu Haboon Ee Lagu Dabiibo

wajiga saliida leh, dufanka leh

Jirkeennu waxa uu soo saaraa saliido dabiici ah oo Alle ugu talo galay inay ilaaliyaan oo ay subkiyaan maqaarka. Balse haddii saliidahaas si xad dhaaf ah loo saaro jirku waxaa uu noqdaa mid dufan badan. Tani waa natiijada wajiga saliida leh. Sida oo kale, waxa ay saliida badani keeni kartaa in ay gufeysmaan daldaloolada.  Sababaha keena wajiga saliida leh:  Arrimo kala …

Read More »

Siyaabaha Loo Kobciyo Caafimaadka Iyo Quruxda Indhaha

Quruxda indhaha, caafimaadka indhaha,

Indhaha oo ka mid ah lixda dareeme ee aanu aadamuhu nolol maalmeedkiisa uga maarmi Karin, waxa ay dhinaca kalana qurux u yihiin muqaalka wejiga ee qofka, quruxdooda iyo caafimaadkooduna waxa uu dhammaystir iyo astaan u yahay quruxda wejiga oo ay u muujin karaan dhalinyaro ama gabow, caafimaad ama xanuun, farxad ama murugo, firfircooni ama caajis iwm. Haddaba haddii caafimaadka indhaha …

Read More »

Faa’idooyinka Malabka Uu U Leeyahay Qurxinta Jidhka Iyo Qaababka Loo Isticmaalo

malabka, qurxinta jidhka

Qur’aanka Kariimka ah ka sokoow, in malabka shinnidu uu yahay dawo leh faa’iidooyin caafimaad oo aan la soo koobi karin, waxaa ka marag kacay dhammaan dhaqannadii soo jireenka ahaa ee aadamaha iyo in badan oo ka mid ah diimaha kale. Waxaa sida oo kale iska daba maray natiijooyinka cilmibaadhisaha kala duwan ee muddo tobannaan sano ah lagu soo samaynayey faa’iidooyinka …

Read More »

Faa’idada Bunka Uu U Leeyahay Qurxinta Jidhka Iyo Hababka Loo Isticmaalo

faaidada bunka, qurxinta jidhka, quruxda

Bunku waxa uu kaalinta labaad kaga jiraa liiska badeecadaha loogu ganacsi badan yahay dunida oo dhan, waxa ka horreeya oo keliya shidaalka, waxa aanay tirokoobyo la sameeyey muujinayaan in qiyaas ah 5 kun oo Bilyan oo koob oo bun ah sannad kasta dunida lagu cabbo. Waxa aanay khubarada ka faallooda caafimaadka cuntadu sheegeen in bunka oo si jogto ah oo …

Read More »

Hababka Saliidda Afakaadhada Loogu Nafaqeeyo Jidhka Iyo Timaha

faaidada Saliidda afakaadhada, jidhka, timaha

Khudradda Afakaadhada waxaa ku jira 30 nooc oo ah faytamiinnada iyo curiyeyaasha jidhka awoodgeliya, waxaa ka mid ah faytamiinnada A, B, C, E, K iyo macdanaha iron, Copper, Magnesium, Potassium iyo Phosphorus. Waxa kale oo ku jira Proteins, Fiber iyo maaddooyin badan oo kiimikaad oo faa’iido aan la soo koobi karin u leh maqaarka iyo timaha. Saliidda afakaadhaduna waxa ay …

Read More »