Casharro Dahabi Ah

casharro, talooyinHalkaan akhriso casharro iyo talooyin qiimo badan:

1- Mar kasta ku dadaal in aad naftaada ka dhigtid mid Eebe ku xiran, daacad ah oo dabacsan.

2- Isku day in aad ku Qanacdid waxa yar ee aad nolosha ku haysatid, ee uu Eebe “Subxaana watacaalaa Ku siiyey” Si laguugu Kordhiyo uguna gaartid Galadda wayn, Badsana samirka si noloshaadu u sinaato.

3- Samayso ama Dhiso xiriir wanagsan oo dhinaca bulshada kugu xeeran ah, si ay kuu garab istaagaan marka aad la kulantid caqabad, ama aad u baahatid.

4- Isku day in aad dhoola cadaysid ama aad weji furnaatid marka aad ku dhex jirtid bulshadda.

5- Baro waxyaabo cusub Maalin kasta, si aad u korisid maskaxdaada.

6- Badso Hadalada Kiisa Wanaagsan, Yaraysana Hadalada kiisa Qalafsan, si aad u noqotid qof la xiiseeyo.

7- Weligaa Horey u soco, wixii tagay way tageen, waxa maanta joogana waa waxaad gacanta ku haysid, Mustaqbalka wixii aad heli laheydna waa murayadii beri.

8- In aad tiraahdid “MAYA” wax aadan ku qanacsaneyn maahan wax xun.

9- Xasuuso weligaa sadex waxyaabood: waxqabadkaaga, Rajadaada, iyo Guushaada, Waayo waxqabadkaagu waxa uu ka turjumayaa Dhiiri gelintaada, Rajadaadana waxa ay ka turjumaysaa Hamigaaga nololeed, Guushaadu waxa ay ka turjumaysaa Nasiibkaaga kiisa wacan.

W/Q: Mahbuub Hussein Ismail

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *