Casharrada Nolosha

Casharrada Nolosha, duruustaCasharrada Nolosha:

Waxaan nahay Bini’aadan. Ma nihin kuwa ceeb ka saliim ah. Waan dambownaa. Waa Noolnahay. Waxaan isku daynaa inaan wax sameyno. Waxaan naga dhaca qaladaad. Waan kufnaa. Waan niyad jabnaa. Dhaawac baa na gaara. Hadana kor baan isu qaadnaa. Dib baan u sara kacnaa. Mar kale ayaan isku daynaa. Waxaan sii wadnaa inaan wax barano. Koriimo ayaan ku jirnaa. Waxaan intaa oo dhan uga mahadcelinaa Alle SWT ina siiyay fursada Qaaliga ah ee Nolosha.

Noloshu way gaaban tahay. Waa waqti yar oo u dhaxeeya dhalashada iyo dhimashadaada. U shaqeyso Daarta dambe. Intaa yar aad nooshahay Samee wax wanaagsan, ka qeyb qaado bilicda iyo horumarinta deegaanka aad ku nooshahay. U Naxariiso Xayawaanka. Caawi dadka. Xiriiri qaraabada. U noolow si fudud aan kibir iyo isla weyni lahayn. Ha u gefin cidna, ha Dulmin dadka. Ha dhaawicin Qalbiyada kuwa ku jecel. Ma garaneysid xilliga aad dunida ka tageysid balse waxaad sameyn kartaa inaad wax fiican ka tagto.

Ugu yeer dadka wanaaga si xikmadi ku jirto. U noolow nolosha marmarsiinyo la’aan, U jeclow si aan shalayto lahayn. Goortii noloshu ku siiso Boqol sababood kaa oohin kara, tus nolosha inaad heysato Kun sababood aad la dhoolacadeyso. U wajah wixi aad soo dhaaftay qoomamo la’aan. U maaree waqtigaa hada heysato si kalsooni leh. Isugu diyaari mustaqbalka cabsi la’aan. Xajiso iimaanka, iskana tuur baqdinta.

Maalinta ugu wanaagsan Noloshaada waa maalinta aad garowsato inaad adiga mas’uul ka tahay noloshaada. Aad iska joojiso cududaar iyo cabasho. Cidna aadan cambaarayn, ceeb iyo cilladna u raadin wax kasta. Noloshu waa safar. Adiga keliya ayaana ka mas’uul ah inaad tayeyso ama talo xumaato oo tub qaldan raacdo.
Ka faa’iideyso Fursada Qaaliga ee Nolosha

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *