Casharrada Laga Faa’iidi Karo Buugga OUTLIERS

Malcolm Gladwell waa suxufi Kanediyaan ah oo horay u qoray dhowr buug oo ay ka mid yihiin `The Tipping Point` iyo `Blink` oo illaa iyo imminka ka mida buugta loogu gadashada badan yahay. Malcolm, buuggiisan Outliers wuxu si cilmiyaysan uga warramayaa isirrada sameeya dadka hormuudka ah ee bulshooyinkooda kasoo mudh-baxa. Waa buug aragti cusub kaa siinaya dadka guulaysta iyo waxa sababa guushooda. Wuxu daba-galayaa dadk  mihnadahooda hormuudka u ah  xilliyadii ay dhasheen, deegaammadii ay kusoo koreen, guryahii ay kasoo bexeen iyo waxyaabaha kale ee ay sameyn jireen ee ka dhigay dad ka soo mudh-bexa bulshooyinkii ay la noolaayeen iyo dadkii ay isku ayniga ahaayeen.

Buuggu ma aha buug qofka siinaya tallaabooyin baraagtikal ah oo uu qaadi karo si uu hormuud u noqdo, waa se buug si cilmiyaysan uga warramaya dadka jaad-gooniga ah iyo isirrada ka qayb qaata hormuud noqoshadooda.

Maaddaama buggu aanu ahayn buug bixinaya talooyin iyo tallaabooyin baraagtikal ah, waxaan isku dayayaa inaan qormadaydan u qaybiyo labo qaybood: qayb aan ku soo qaadanayo fikradaha waawayn ee buugga ku jira iyo qayb aan isku dayyayo inaan bal fikradaha buugga ku jira ku soo uruuriyo oo aan kasoo bixiyo wixii innaga quseeya ee aan dhaqan gelin karayno.

Qaybta 1aad

  1. Fursad: Malcolm, wuxu ku doodayaa in waxa sameeya dadka hormuudka ah aanay kaliya ahayn hibooyinkooda iyo garasho badnidooda, ayse jiraan isirro kale oo qarsoon. Wuxu ku doodayaa in deegaanka uu qofku ku koray iyo xilliga uu dhashay ba ay door wayn ka ciyaaraan qofka guushiisa.  Wuxu leeyahay in badan oo ka mida dadka hormuud ka ah, waxay heleen fursado aanay dadku badi helin, sida habkii loo soo barbaariyay iyo bii’ada uu qofku ku soo dhex barbaaray. Fursadahaa waxa ka mida in uu yaraan ba ku helo qalabka iyo tababbarrada xirfadihiisa kor u qaadaya ee uu u bahan yahay si uu u noqdo waxa uu doonayo in uu noqdo. Tusaale, Bil Gate, 1968 kii isagoo fasalka 8aad ku jira, ayuu wuxu fursad u helay in uu borogaraaminka ku barto koombuyuutar ka mida koombuyuutarradii dunnida ugu horreeyay.
  1. Xilliga: xilliga uu qofku dhashay qayb wayn bay iyadana  ka qaadataa qofka guushiisa. Markii la baadhay sooyaalka hantiilayaashii ugu waawaynaa maraykanka, waxa la ogaaday in badan oo ka mida ay dhasheen wixii u dhexeeyay 1860 – 1870 dii. Waayo xilligaas wuxu ahaa wakhtigii uu kacdoonkii warshaduhu karraar qaadanayay. Sidoo kale, markii labaadhay  Syloncon Valley oo ah xuddunta teknoolajiyadda, Rug-caaddayada IT ga iyo Entrepreneurs ka oo dhan waxay dhasheen intii u dhexaysay 1953 illaa 1956 dii. Waayo, waxay iyagoo da’yar ku soo hagaageen xilligii uu kacdoonka kombuyuutarku isna karaar qaadanayay. Waxay leeyihiin dadkii dhashay 1890 kii illaa 1900 , waxay ka nasiib badnaayeen dadkii dhashay 1913 kii wixii ka dambeeyay, waayo waxaa dunida berigaa helay musiibooyin badan oo ay ka mid ahaayeen hargabkii abadhemigga ahaa ee dhacay 1918-19 kii oo ay u dhinteen dad lagu qiyaasayo 20 illaa 50 million oo qof. Sidoo kale, waxay la kowsadeen dagaalkii 1aad ee adduunka, depression kii dhaqaalaha iyo weliba iyagoo xilligaa ahaa dhallinyar, da’yartana lagu qasbayay in ay ka qayb galaan dagaalkii 2aad ee adduunka.
  1. 10 kun oo saacadood: Guusha qofku kuma xidhna hibo badnidiisa iyo garasho dheeridiisa (IQ gaga oo aad  u sarreeya) toona. Kaliya waxad u baan tahay in aad dhex-dhexaad ahaato, deedna aad ugu yaraan 10 kun oo saacadood aad geliso waxaa aad doonayso inaad ku wanaagsanaato. Culimadu waxay leeyihiin qofku wuxu u baahan yahay in IQ giisu gaadhsiisan yahay illaa 120 oo ah qaybta u dhexaysa caadinimada (average ka) iyo cabqariyadda (Wiixii 120 ka badan). Inaad hibo badan tahay iyo in IQ gaagu heer cabqarinimo gaadhsiisan yahay macnaheedu ma aha in aad noqonayso qof guulaysta haddii aanad gelin wakhtigii iyo dedaalkii lagaaga baahnaa. Daraasaad badan ka dib, markii la  eegay mihnadaha kala duwan ee ay ka shaqayaan dadka guulaystay sida: ganacsiga, cayaaraha iyo caalamka kombuyuutarka, waxa la ogaaday in ay   dhammaantood wadaageen in ay 10 kun oo saacadood geliyeen waxa ay ku noqdeen hormuudka (Waa illaa 5 sanaacadood maalintii, toddobada cisho, muddo 10 sannadood ah). Waxa la ogaaday in mihnadahaas oo dhan, dadka heerka caadiga ah ka jooga ay geliyeen wakhti aan ka badnayn 4 kun oo saacood, kuwa meel dhexeedka ah ahna ay geliyeen 8 kun oo saacadood, halka dadka fikta sare ka jooga mihnadahooda ay ugu yaraan geliyeen 10 kun oo saacadood.
  1. Dhaxalka: Malcolm wuxu sidoo kale baadhitaankiisa ku ogaaday in nuuca dhaqan qiyameed iyo dhaqan-dhaqaale ee uu qofku ku soo koray ay qayb wayn ka qaadato qofka guushiisa. Tusaale wuxu usoo qaadanayaa indho-yarta oo aad loogu tilmaamo in ay yihiin dad xisaabta ku wanaagsan. Wuxu leeyahay in badan oo dalalka indho-yarta ka mida sida Shiinaha ay yihiin beeraleey, oo ay sanadkii beer-falid geliyaan ku dhawaad 3 kun oo saacadood. Taa waxa sii dheer, waxay beertaan bariiska. Beerista bariisku waa uu ka hawl badan yahay beerista dhirta kale. Wuxu u baahan yahay diirad-saaryo iyo waraab joogto ah. Sidaa si lamida, wuxu leeyahay xisaabtuna waxay rabtaa juhdi iyo diiradsaaryo dheerri ah. Waxa sidoo kale ka qayb qaata qofka guushiisa dhaqan qiyameedka bulshadu leedahay ee dhexdooda laga dhiirriyo. Tusaale bulshooyinka hawl-karnimada dhiirrigeliya sida indho-yarta iyo Yuhuudda, way kasoo wax soo saar badan yihiin bulshooyinka kale. Soomaalida dhaqan-qiyameedka ay dhiirra-geliso waxa ka mida dhiirranaanta iyo geesinimada, malaa waa halka ay meel kasta oo ay tagaan ay ugu dhiirranayaan in ganacsiyo waawayn ka abuuraan. 🙂

Qaybta 2-aad

4 fikradood baan ku soo koobayaa casharrada aan buuggan ka baran karno.

  1. Maxay tahay waxa aad doonayso inaad ku wanaagsanaato. Maxay baad markaad qabanayso, jacaylka iyo xiisaha aad u qabto darted aad cunnada iyo jiifkaba u illowdaa? Marka ugu horraysa, waxa muhiim ah inaad  iska dhex raadiso majaalka aad doonayso inaad hormuudkiisa ka mid noqoto ama aad hormuudkiisa ba noqoto.
  1. Markaad hesho waxa aad doonayso inaad hormuud ku noqoto, dabadeed na geli 10 kun oo saacadood. Sidaan kor kusoo xusayba, uma baahnid inaad hibo aad u sarraysa aad u leedahay waxa aad doonayso inaad noqoto ama aad samayso, muhiimmaddu waa inaad aad jeceshay qabashadiisa, isla jeerkaana aad doonayso inaad ku wanaagsanaato. Hibadu kolka hore waa uun dhimbiil yar oo qofka ku dhex qarsoon, kolka hore ma aha wax sidaa usii buuran. Waxa hibada qora ee ifka usoo saara waa wakhtiga iyo dedaalka uu qofka geliyo. Dadkaa mihnadahooda wada hormuudka u noqday, qofkna maalintii uu dhashay lama garanayn waxa uu noqon doono. Dadku waxa ay eegayaan Bil Gate ka maanta, Mo Faraxa maanta, Meesiga maanta iyo Sh Umalka maanta. Waxa ay dadku arkaan waa uun fikta sare ee buur-barafeedda badda (The tip of the iceberg), lama arko inta ay dhidid iyo dheecaan usoo qubeen inay soo gaadhaan heerka ay maanta joogan. Tusaale haddaan mar labaad Bill Gate usoo qaadanno, waa sax in uu fursad ku helay kombuyuutar ka mida kombuyuutarradii ugu horreeyay caalamka oo uu ka mid ahaa dad fara ku tiris ah oo sidiisa oo kale nasiib badnaa, laakiin, Bill Gate dhallinyaranimadiisii oo dhan wuxu ku dhammaystay in uu softweerro borogaraameeyo. 12 jirkiisii illaa 21 jirkiisii, wuxu ku bixiyay borogaraamin. Ku dhawaad 10 sannadood oo cimrigiisii ka mida ayaanu cayaar iyo cadceed toona arag.
  1. Deliberate Practice: 10 kun oo saacadood oo kaliya ma aha arrinku, waa 10 kun oo saacadood oo aad si qasad iyo taxaddar ku dheehan yahay aad hawshaa u qabato. Deliberate baraaktisku, wuxu ka kooban yahay 4 qaybood:
  1. a)Inaad marka hore xiiso u hayso waxaa aad doonayso inaad ku wanaagsanaato. Maaddaama aanay fududayn inaad wax kaliya qabashadiisa tobaneeyo sannadood meel ugu xabbisnaato, waa muhiim inaad jeceshay waxa aad doonayso inaad ku wanaagsanaato oo qabashadiisa dhiirrigalin iyo tamarba ka helayso.
  2. b)Waa inaad leedahay qorsho cad oo aad garanayso heerarka kala duwan ee aad marayso, isla jeerkaana aad taqaan heer kasta iyo waxa lagaa doonayo inaad la timaaddo.
  3. c)Waa inaad wax-qabadkaaga la wadaagto cid kaaga aqoon badan, oo si daacada kuu siinaysa warcelin ku saabsan waxa aad sidiisa ku sii wadayso iyo waxa aad wax ka baddelayso.
  4. d)Ku cel-celin: Waa inaad hawshaa dharraar kasta gelinayso juhdi isku mid aha ama la hawl ah hadba heerka aad joogto.
  1. Wax kaliya (One Thing): Markaad eegto dhammaan dadka fikta sare ka jooga mihnadahooda, waxaad ogaanaysaa in ay wax kaliya xoogga saareen. Ma arkaysid qof labo ama saddex majaal ka wakhtigiisa wada geliya. Haddaad xitaa ku wada wanaagsan tahay, wakhtiga  iyo xawaaraha ay aqoontu maanta ku socotaan kuu ogolaanayn. Sidaa daraadeed, meel kaliya wakhtigaaga iyo xoggaaga isugu gee illaa aad waxa kaga wanaagsanaanaysid inta aad majaal kale u gudbin. Adigoo muxadis noqo is leh, waa mshkilad haddii aad marna muxallil siyaasi ah noqoto marna aad xanta magaalada ku cusub aad ka sheekayso.

WQ: Malcolm Gladwell

WT: Mubarak Hadi

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimiridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *