Cashar Qiimo Leh

Badanaa goortii qofku dhalinyaro yahay, uu bilaabayo safarkiisi hanaqaadka wuxuu dareemaa inay tahay inuu sameeyo wax kasta hal mar. Wuxuu go’aansadaa wax kasta inuu ka war keeno, ku waaya arko, halka ugu sareysa uu gaaro, sameeyo haasaawe badan, isku dul wado dad badan, tartan dahsoon la galo asaagii, jeclaado inuu noqdo qofka ugu sareeya, ugu sita; hadana uu hilmaamo ujeedada dhabta ah ee nolosha, lumiyo energy & waqti badan.

Tartiibso—Ha ku deg-degin waxyaabaha qaarkood. U oggolow naftaada inay korto. Sug, su’aal, waqtina u hel aad ku miisaanto wax kasta inta aadan sameyn. Yeelo hadaf iyo han sare laakiin marnaba hamigaagu yuusan noqon sida kan xayawaanka oo kale oo ah inay ka fakiraan calooshooda iyo farjigooda keliya siday u baahi tiri lahaayeen! Is weydii: Maxaa Aduunkan laguu keenay? Maxaad u nooshahay? Maxaad rabtaa inaad sameyso ama noqoto inta aad nooshahay? Deji jadwal iyo qorshe nolosha ah, subax kastana talaabo aad ku gaareyso horay u qaad. Inaad u shaqeyso jihada muraadkaaga nolosha & qorshaha mustaqbalkaaga waa arrin mudan oo aad faa’iido u leh, balse inaad ku socoto xawaare sare wax kastana sameyso waa goosasho ticket kugu hogaaminaya halaag & inay ku dhaafto noloshi dhabta ahayd.

Waa inaad barataa dulqaad inaad yeelato. Waa inaad wax ka barataa waqtiga & waayaha, Kuwa hore ayaa dhalanteed iyo dheel-dheel ku dhumay oo dhexda ku dhacay. Waa in aadan naftaada saarin culays aysan qaadi karin. Ma xallin kartid dhibaatada aduunka oo dhan. Waa inaad dhexda u xirataa sidi aad imtixaanka nolosha u gudbi lahayd. Aamin Alle. Aamin naftaada, laakiin xusuusnow Xawaare xadeysan ku soco. Marnaba, Weligaa cidla ha ku lumin energy-gaaga, u keydso waxyaabaha ugu sareeya uguna muhiimsan nolosha inaad ku qabsato.

Waa Walaalkiin/Saaxiibkiin oo dhamaantiin idin leh – Guuleysta Aduun iyo Aakhiroba

W/Q: Farah Cawaash

Check Also

cimriga bini aadamka, cimri dherer,

Caadooyin Qofka U Horseedi Kara Cimridherer

Cilmigu waxa uu hore u caddeeyey in qaab nololeedkeennu uu kaalin muhiim ah ka qaato …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *