Caqabadaha kaa Hortaagan inaad Horumar Sameyso?

Dabcan dad badan waxay isbedel u sameyn waayeen, waxaa jira waxyaabo dib u celinaya, kana hortaagan inay gaaraan horumar la taaban karo. Halkan hoose waxaa ku xusan 11 waxyaabood oo u baahan inaad naftaada ka joojiso:

1. Jooji in aad dayacdo Salaada iyo guud ahaan cibaadada Alle: Maalin kasta shan waqti waxaan maqalnaa “U kaalaya Guusha” haddii aadan ka jawaabin isla marki, Shanta Salaadood waqtigooda aadan tukan, ma jiro waqti kale aad maareyn karto, mar kastana qofka wuxuu ahaanayaa mashquul aan hadana wax u qabsoomin.

2. Jooji inaad naftaada been u sheegto, Khiyaalina aad ku maaweliso: Nolosheenu waxay horumartaa keliya markaan fursadaha ka faa’iideysano, fursada ugu horeysa uguna daran aan qaadan karno waa inaan nafteena daacad u noqono.

3. Jooji inaad waqti ku lumiso asxaabta xun: Noloshu way gaaban tahay inaad waqti ku lumiso dad farxada kaa qaada. Kala garo nooca saaxiibada aad leedahay. Saaxiibka xun keliya gadaal buu kuu dhigaa.

4. Jooji inaad ka cararto dhibtaada: Wajah dhibtaada ilaa aad ka xalliso. Ma aha wax sahlan mana jiro qof aduunka dhib la’aan ah. Xaqiiqdii waxaa na soo maraya murugo, kadeed, kufid & dhaawac, Nolosha ayaa sidaa ah. Waxaa la rabaa in la wajaho, la aqbalo, laga feejignaado lana xalliyo. Tani waa waxa kaa dhigaya qofka aad rabto inaad noqoto.

5. Jooji inaad ceebaha dadka kale raadiso: ka dibna aad samayso cambaarayn, caay iyo cillad sheegid joogta ah. Xaqiiqdii tani waxay kaa hor istaagaysaa inaad dantaada mashquul ku noqoto, horumarna aad sameyso.

6. Jooji inaad Xaasid noqoto: Xaasidnimadu waa inaad xisaabiso waxyaabo qof kale Alle ku maneystay aadna uga xumaato, inti aad adiga taada xisaabin lahayd.

7. Jooji inaad ku noolaato xusuusta wixi aad soo martay: wixi horay u dhacay waa taariikh, weligood ma soo noqonayaan. Welwelka & xusuustooda waxay kaa qaadayaan farxada maanta.

8. Jooji cabsida inaad khalad sameyso: Inaad wax sameyso oo qalado waxay toban jeer ka fiican tahay inaadan waxba sameyn. Guul kasta waxay leedahay fashil badan, fashil kastana guul ayuu ku gaarsiiyaa ugu dambeynti.

9. Jooji isku dayga inaad farxad iibsato ama dad kale ka raadiso: Haddii aadan ku faraxsaneyn qofka aad tahay & waxa aad heysato ma jiro cid kale oo farxad ku siin karta & waxyaabo qaali ah oo farxad kuu keeni kara. Waa inaad deganaan & qanacsanaan u abuurtaa naftaada markaa ayaad cid kale siin kartaa.

10. Jooji caajis, wahsi & inaad iska fadhido: Nafta oo aad siiso firaaqo badan ay isaga fadhido, ku fakirto ama hawl kuu taalay aad ka wahsato waxay horseedaan burbur & fasahaad. Ku mashquuli nafta shaqo, wax aqris & sameyn wax faa’iido kuu leh.

11. Jooji inaad midabkaaga bedesho: In badan waxay muuqooda ku lumiyeen banaanka ka raadin qurux. Kuma qanacsana naftooda. Mar haddii qofku yahay Abuurti Alle ma jiro wax ka qurxoon. Yaa la isu bedelayaa? Ma qof aan Asal “original” kugu rabin oo qurux aan dabiici ahayn “artificial” kugu raacaya?

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *