Canjeeladu/Laxooxdu Ma Sababta Gaaska Caloosha?

Tan iyo markaan garaadsaday waxaan maqli jiray uun gaastari baa heblaayo iyo hebel ku dhacday. Heblaayo kale waa basteed oo dhiig baa ay hunqaacaysaa. hebel gaastaridii baa ku qaraxday iyo sheekooyin kale oo ay u badan yihiin laxooxda ay soomaalidu aroor kasta cunayso ayaa u sabab ah gaastaridan.

Inbadan oo aan ku jiraana waayadii hore habeenkii markaanu sii hoyanayno caano maama watat la yidhaah oo Itoobiya lagu iibiyo baan habeenkii sii iibsan jirnay si aanu iskaga qaboojino bahasha ( bal garo oo anuu ma lahayn gaastari se waan iska aaminay).

Haddaba, xanuunkani faraha baas ku haya ummadda soomaalida ayaad moodaa in ayaamahani ay soo badanayaan aragtiyaha odhanaya: laxooxdaa laga qaada, qajigaa laga qaada iyo cuntada basbaaska leh ha cunin iyagaa laga qaadaaye. caanaha caba iyagaa u dawo ahe iyo qaar kaloo badan.

Sidaasi aawadeed, waxaan jeclaaday maanta inaan idinla wadaago muxuu yahay xanunkani? Maxaa laga qaadaa? Maxaa astaamo u ah?maxaa lagu daaweeyaa iyo maxaa lagaga hortagi karaa?

Waa maxay xanuunka gaastaridu?

Xanuunka gaastaridu waa xanuunka luuqada caafimaadka loogu yaqaano peptic ulcer, kaasi oo qeexid ahaan noqonaya sida hoos ku qoran:

Ulcer: inay tahay boog iyo peptic: oo ah in ay dheecaanada dheefshiidka ee caloosha laga soo daayaa ay sababeen boogtaasi ( sidaasi aawadeed waxay qeexidu noqonaysaa boog ku samaysanta caloosha amaba qaybta koowaad ee mindhicirka gaar ahaan dahaadhka loo yaqaanno mucosaha oo ay sababtay xaddiga aysiidha oo korodhay/is badal ku yimi kimikaalikaasi dheefshiidka qaabilsan ee ay calooshu soo dayso).

Haddaba, xanuunkani ayaa waxa uu dhaawac soo gaadhsiiyaa marka ugu horaysa lakabka loo yaqaanno mucosaha in kusiman 5cm ilaa uu ugudbo lakabka ka hooseeya ee loo yaqaan submucosaha, labadan lakabi waxay dahaadhaan qaybta gudaha xigta ee caloosha iyo mindhicirku leeyihiin; halkanina waa halka ay ka bilaabanto caabuqa iyo aasaasanka cudurku, isaga oo cudurku u waxyeelaynaya mindhicirka iyo caloosha hababkan soo socda (Pathophysiology)

  • Xadiga aysiidha ah oo korodha.
  • Kiimikada loo yaqaano bicarbonate oo yaraata( tani waa protective mechanism hoos u dhigta aysiidha oo badhaxda)
  • Socodkii dhiiga oo hakad gala.
  • Dhaawac toos ah oo soo gaadha daahadhka sarre( epithelial layer damage)
  • Khalkhal ku yimaaada muukaskii daboolayay gidaarka mucosaha(disruption of adherent mucus membrane) sidaase daraadeed, intani oo is biirsatay amaba kali ahaata ayaa uu ku dhashaa kuna sii koraa cudurku.

Haddaba , cudurkan gaastarida waxaa loo qaybiyaa laba nooc oo kala ah sidan soo socota:

  1. Kani koowaad waxa uu ku dhacaa qaybta koowaad ee mindhicirka ee loo yaqaano deudenumka, meel laba sentimitir balaceegu yahay oo u dhaw pyloruska meesha loo yaqaan, badankana waa boog kaliyaata oo meeshaas uun ku xadidan se 15% ka mid ah bukaanka ayaa yeesha in kabadan hal boog. Noocani gaastarida ah ayaa waxaa la sheegaa in xaddi badan oo aysiidh ahi gidaarka gaadho, taasi oo aad uga badan intii asalka u ahayd qiyaasta aysiidha ah ee unugyadu soo daynayeen. Sidoo kale dadka xanuunkani qabaa waxay leeyihiin xaddi aad u badan oo dheecaanka gastrinta loo yaqaano ah, kaasi oo sababa soo daynta aysiidha unugyada parietal cellska loo yaqaan ku jirta.
  1. . Dhanka kale, gaastarida nooceega labaad ee loo yaqaano gastric ulcer ayaa waxay u qaybsantaa afar nooc oo ku kala duwan xadiga dhaawac ee ay gaadhsiinayaan lakabyada caloosha iyo xadiga aysiidh ee ay soo daynayaanba. Sidaasi aawadeed, waxaa loo qaybiyaa noocani labaad afar qaybood oo kala ah sidan:
  2. Nooca koowaad: waxa uu ku dhacaa qaybta dhexe ee caloosha taasi oo loo yaqaano (gastric body) waxaana astaan u ah yaraanshiyaha aysiidha ay calooshu soo dayso, taasi oo ay ugu wacantahay unugyadii soo daynayay oo tiro yaraaday ( associated with low basal output due to reducued parietal cell mass)
  3. Nooca labaad: noocani waxa uu ku dhacaa qaybta ugu horaysa caloosha ee loo yaqaano antrumka waxaana badanka la socota inay xadiga aysiidh ee la soo daynayaa is badbadasho.
  4. Nooca seddexaad: waxa uu ku dhacaa qaybta ugu hoosaysa caloosha ee loo yaqaanno pylorus , sidoo kale waxaa badanka weheliya gaastarida mindhicirada ku dhacda {deudenal ulcer} waxaana astaan u ah aysiidha qayral caadi ah oo aad u saraysa.
  5. Nooca afaraad: ayaa waxa uu ku dhacaa qaybta loo yaqaano gastric cardiac waxaana uu leeyahay xaddi aysiidh ah oo aad u yar.

Haddaba, xanuunkani aynu kor ku soo xusnay oo ah kani koowaad ee Soomaalida aadka ugu dhaca misena khuraafaad badan iyo ku tiri kuteen badan laga aaminsanayahay ayaa waxaa sababa( causative agents):

  1. Bacteeriya nooca loo yaqaano H.PYLORI( taas oo layskugu gudbin karo xataa dhunkashada). Bakteeriyadani waata ugu badan ee ku sababta gaastarida dadyawga ku nool dunida seddexaad iyo guud ahaanba caalamka, waxaana la sheegaa inay 70% iyadu cudurka ka masuul tahay. Waxaa bakteeriyadan la ogaaday horaantii qarnigii 20aad inay tahay tani sababta xanuunkan, waxaana ku guulaystay helitaankeedii labada dhakhtar ee waaweyn waa Dr. Barry Marshall iyo Dr. J. Robenn kuwaasi oo sannadii 2005tii la guddoonsiiyay abaalmarinta NOBEL PRIZE IN MEDICINE.
  2. Daawooyinka loo yaqaano Non-steroidal anti-inflammatory drugs sida aspirin, ibuprofen IQB. Daawooyinkan oo loo isticmaalo garaaca,wadne xanuunka(aspirin), xinjirawga dhiiga iyo caabuqa, ayaa la sheegay inay yihiin sababta labaad ee sababta iyaguna xanuunkani gaastarida
  1. Cabitaanka sigaarka.
  2. Cabitaanka xaddi aad u badan oo khamro ah( waxaa la sheegaa sideedaba khamradu inay khatar u tahay inuu cudurku ka sii daro se sidoo kale xaddi badan oo khamro ahi waxa ay dhakhaatiirtu sheegeen inay keento)
  3. Buro kasoo baxda dahaadhka mucosaha loo yaqaan( carcinoid tumor)
  4. Zollinger ellison syndrome : Waa nooc buro ah oo soo daysa xaddi aad u badan oo gastrin ah, gastrintuna waa dheecaanka sababa soo daynta aysiidha.
  5. Dhaawac/jug soo gaadha caloosha oo wax yeelaysa gidaarka mucosaha.
  6. Isku buuq maskaxeed( mental stress).
  7. Dhaxlid hidde side( genetic factor)
  8. Mashiinada neefta siiya qofka muddo badan xanuun aad u xuni jiifiyay (Ventilators)
  9. Gubasho baahsan iyo jug culus oo madaxa qofka kasoo gaadha.
  10. Khalkhal ku yimaada jadwalka cuntada ee jidhka qofku la qabsaday.

Sidaasi aawadeed, intani aan kor kusoo xusnay oo dhani waa waxyaabaha sababa inuu qofku yeesho xanuunka gaastarida. Ma jiraan ilaa hadda qodobo kale oo saynis ahaan amaba aragti ahaan la aaminsayahay oo sheegaya inay xanuunkani dhaliyaan.

Se dhanka kale waxaa jirta aragti aad loogu doodi jiray oo tidhaahda “ kofeega, kaafinta, kookaha iyo cuntooyinka basbaaska lihi waxa ay sababaan gaastari”, taasi oo se markii danbe waxa ogaaday in intani ayna ahayn waxyaalo sababi kara gaastarida, si lamid ah 12ka qodob een kor ku soo xusnay, se kaliya ay yihiin waxyaalo kor u qaadi kara khatarta inuu qofku qaado xanuunkan amaba uu kaga sii daro xanuunku.

Sidaasi waadeed, ilaa hadda ma jiraan qodobo taageeraya in wax kasta oo kulayl lihi uu sababi karo xanuunkani aan ka ahayn inay yihiin qodobo dhicitaankiisa fudaydin kara. Dr. Weinstein oo ah dhakhtar ku takhakhusay cunta mareenka ayaa waxa uu leeyahay aragti tiraahda “qajiga cuntada lagu daraa waxaa uu ka samaysanyahay maado loo yaqaan capscain taasi oo carisa dareen wadeyaal dhammaadka ( nerve endings) si ay usoo daayaan kiimikaal ka celisa mucosahu inuu dhaawacmo. sidoo kale waxa ay baddashaa maadadani PH aysiidha caloosha ku jirta, taasi oon u suuro galin bakteeriyada H.PYLORI inay caloosha kusii noolaato.

Dhan kale, ciirta amaba caanaha la fadhisiiyay ayaa waxa iyagana la aaminsanaan jiray inay xanuunkani sababaan, maadama oo ay ku jirto xaddi aad u badan oo acid ahi. Se tani waxa ay markii danbe soo kordhisay in xaddiga aysiidha ah ee jidhka dibaddiisa ka timaadaa ayna marna sababin xanuunkan, se ay tahay qodob hoos u dhigi karta inuu bilaabmo, sababta oo ah aysiidhan caanaha ku jirtaa marka ay tagto caloosha waxay kor u qaadaa PH-KA caloosha kaasi oo saamaxa inaan bakteeriyadii H. pylori ee xanuunka keenaysay ay ku noolaan kari waydo caloosha si ay xanuun u sababto .

Sidoo kale, caanaha caadiga ah oo la aaminsanaan jiray inay dawo ka yihiin gaastarida ayaa waxa ay daraasadahii u danbeeyay sheegayaan inaanay lahayn saameyn badan oo caafimaad se ay kaba sii daraan astaamaha xanuunka, sababta oo ah caanaha waxaa ku jira kaalshiyam (calcium) taasi oo marka ay jidhka gasho sababta in unugyada parietal cells-ka iyo gastric cells-ku soo daayaan dheecaannadoodii oo ay kordhiyaan xaddiga aysiidha ah ee imanaysa calooshii amaba mindhicirkii bukay.

Haddaba, marka aynu ka nimaadnno waxyaalahaasi la aaminsanaan jiray ee hadda isku badalay si ka duwan sidii la aaminsanaa, aynnu eegno waa maxay xidhiidhka ka dhaxeeya loxooxda Soomaalidu cunto.

Xanuunkani gaastarida Soomaali badan ayaa jirta oo aaminsan in waxyaalaha sababa ay ka mid tahay loxooxdu se sidani maaha aragti saynis ahaan cad!

Xanuunkani maaha mid u gaar ah Soomaalida amaba la xidhiidha hab cuntoodkeeda laxooxeed, se waa xanuun dadyawga dunida ku nool oo dhan ku dhaca.

Maraykanka waxa uu xanuunkani hayaa inta u dhaxaysa 3.5-7.5 million, waxaana sannadkasta soo kordha 0.5 kiis oo xanuunkan ah. Sidaasi daraadeed waxaa halkani innooga caddaanaysa in xanuunkani yahay aafo dadyawga dunida oo dhan saamaysay, se aan Soomaalida u gaar ahayn.

Haddaynu usoo noqonno cunto dhaqameedka Soomaalida ee loxooxda ah oo dadyaw badani aaminsanyihiin inay xanuunkani keento, waxa ay ka kooban tahay: daqiiq(carbonhydrate), biyo, milix iyo dhanaanis(qoosh la khamiiriyay) intani marka la isku daro ee muddo saacado ah meel la dhigo way faxaan(fermented), kadibna waa la dubaa iyada oo la isticmaalayo dab. Haddaba, cuntada noocan ahi waxyaalaha ugu badan ee ay ka koobantahay looganna shakiyi karo inuu xanuunkan sababi karaa waa aysiidha samaysanta marka qooshakani faxo iyo bakteeriyada la socota waxa dhannaaniska loo yaqaan ee qooshka lagu fixiyo iyo fixitaanka laftiisaba.

Sidaasi daraadeed, haddii aynnu u nimaadno aysiidha ka samaysanta faxitaankaasi marka ay jidhka gasho wax isbadal caafimaad ah ma keenayso, aan ka ahayn inay iyada lafteedu tahay si lamid ah sidii ciirta (yoghurt) oo kale, inay samayso saamayn faa’ido inoo leh(aysiidhani lafteedu waxay baddashaa PH caloosha marka ay la falgasho tani calooshu soo dayso, halkaasina waxa ay suuro galisaa in bakteeriyadii ku noolaan waydo caloosha oo ay dhimato maadama oo deegaankeedii isabaddal ku yimi. FG: awooda aysiidhani aad baa ay isku dhintay marka ay dabka lasoo falgashay), dhanka kale bakteeriyada qooshka la socota lafteeda waxaa dila dabka laxooxda lagu dubo.(Se bakteeriyadani xataa haddiiba ay gasho caloosha sina ba kuma sababi karto xanuunkan maadama oo uu deegaankii isbadalay ).

Sidaasi draadeed, waxan halkan ka garan karnnaa in xanuunkan aysiidha dibbada ka timaada iyo bakteeriyada ay wada socdaan aysiidhaasi midna sababi Karin( halkan waxaa ka baxaysa odhaahda tiraahda laxooxda ayaa sababta oo ilaa hadda scientific argument kan ka soo horjeeda loo hayn)

Maxaa astaamo u ah gaastariga?

  1. Dheefshiid xumo( indigestion)
  2. Garaac /kaar ku aadan laabta(epigastric pain)
  3. Abiteet la’aan(anorexia)
  4. Yalaalugo(nausea)
  5. Matag(vomiting)
  6. Miisaanka qofka oo isdhima( loss of weight)
  7. Dhiig uu qofku matago amaba saxarada la socda(hemataemesis/melena in severe ulcers)

Maxaa lagu daaweeyaa gaastarida?

Xanuunka gaastarida waxaa lagu daaweeyaa qaababkan soo socda sida caadada ah:

  1. Daawooyinka loo yaqaano PPI(proton pump inhibitors sida: Omeprazole , Lansoprazole, Esomeprazole, Pantoprazole, Rabeprazole iyo inta la walaalaha ah)
  2. Daawooyinka loo yaqaano H2 blockers( histamine 2 receptor blockers oo ay ka midyihiin: Cimitidine, famotidine iyo nizatidine)
  3. Daawooyinka antibioticska ah( kuwan waxaa loo isticmaalaa in lagu dabar jaro bakteeriyada h,pyloric haddii ay tahay iyadu tani xanuunka sababtay)
  4. Sida oo kale qofka ay ku sababtay gaasatarida daawooyinka loo yaqaano NSAID( Aspirin , Declofenac, Ibuprofen waa inuu la tashadaa dhakhtar si kuwaasi looga badalo loona siiyo kuwo kale iyo qaar xanuunka ka daaweeyaba)

Sidee xanuunkan loo shaybaadhaa?

Marka laga tago astaamaha caafimaad ee uu qofku la yimaado iyo kuwa dhakhtarku baadhitaanka ku heloba waxaa muhiim ah iyaduna in la kaashado shaybaadho kale sida:

  1. Dhiig( blood test)
  2. Neef( breath test)
  3. Saxaro( stool antigen test)
  4. X-ray

Sidee looga hortagi karaa xanuunkan?

  1. Joojinta cabitaanka sigaarka, khamriga iyo xashiishada.
  2. Dhimista warwarka iyo joojinta isticmaalka daawooyinka sida aspirinta.
  3. Baadhitaan dagdag ah haddiiba aad iskaga shakidid xanuunka.
  4. Cunitaanka cunto dheeli tiran oo nadaafad ahaan fiican.
  5. Iska ilaalinta biyaha iyo cuntada aan nadiifta ahayn

Gabo-gabo.

Xanuunkani waxyaalaha ilaa hadda ugu macquulsan ee la odhan karo ummadda Soomaaliyeed waxa uu ugu dhacaa waa bakteeriyada H.PYLORI loo yaqaan, taasi oo ay u saamaxday qoddobadan hoos ku qorani:

  1. Isticmaalka cuntada iyo biyaha aan nadiifta ahayn.( halkan waa ay soo gali kartaa laxooxdu haddiiba aan si nadaafadaysan weelkaas loo isticmaalo, se Soomaali ahaan waa ay yartahay xaafada aan weelkeeda nadiifini waa very very low propability)
  2. Ku noolaanshiyaha guryaha aadka u dadka badan iyo wax wada cunka 5 amaba in kabadan hal saxan wax kuwada cunayaan.
  3. Taabashada ama gaadhida uu gaadho gudaha jidhkaaga matagga uu matago qofka xanuunkani qaba.
  4. Haddaba, xanuunkani waa mid laga dawoobo, sidaasi aawadeed dhamaanteen waa inaan hore ula xidhiidhnaa dhaqtar haddiiba aan astaamahani isku aragno.

W/Q: Mohamed abdilaahi biihi,

Medical Student, Addis ababa, Ethopia.( intani waa isku day aan sameeyay se wixii talo, toosin iyo tusaale ahba aad baan iddiinka rajaynayaa)

biixiyare@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *