Canaanta Badan Iyo Xaqiraadu Waxay Caruurta Ku Ridaan Dhibaatooyin Nafsi Ah

canaanta, qaylada,

Mushkiladaha laga yaabo in badan oo hooyooyinka ka mid ahi in ay ku dhaqmaan iyaga oo aan dareensanayn halista ay ku leedahay caafimaadka nafsiga ah ee ilmaha waxa ka mid ah iyaga oo aan ubadkooda ku barbarin deggenaanta iyo wax u fiirsiga iyo iyaga oo ku badiya cayda iyo canaanta.

Dr. Ihaab Ciid oo ah khabiir Mac-hadka daraasaadka caafimaadka carruurta ee Qaahira la-taliye uga ah arrimaha koritaanka ubadka ayaa sheegay in canaanta badani ilmaha ka qaaddo geesinimada iyo ku dhaca isla markaana ay yarayso fariidnimadiisa. Khabiirku mar uu ka hadlay xafladda iyo bandhigyada qaybtii sagaalaad ee barnaamij caalamiya oo lagu lafa gurayo filimada carruurta waxa uu sheegay in maskax xumada iyo doqonniimada carruurta qaar lagu arkaa ay ku ymaaddaan marka uu ilmuhu korriin aan cilmi ku dhisnayn kala kulmo waalidkii gaar ahaanna hooyadii.

Dr. ihaab oo muddo ka tirsanaa Mac-hadkan oo hoos yimaadda jaamacadda Caynu Shamsi waxa uu sheegay in dhaqannada qallafsan ee uu ilmuhu kala kulmo hooyadii oo ay ugu badan tahay canaanta iyo dagaalka badani ay ku keenaan khalkhal dhinaca neerfayaasha ah. Hooyada ilmaheeda ku ciqaabta in haddii uu wax ay doonayso sameeyo ay ka dhaafayso gef uu galay oo ciqaabtiisa uu ka baqayo, ay ilmaheeda ku sababi karto burbur nafsi ah iyo cillad dhinaca neerfayaasha ah oo xitaa gaadhi kara in uu kaadida xejisan kari waayo ilmuhu, oo uu gaar ahaan habeenkii uu isku kaajo. Khabiirka oo tusaalaynaya qaabka ay noqonayso arrintan uu ka hadlay ayaa yidhi, “Tusaale ahaan, hooyada oo ilmaheedu marka uu gef galo, ee uu ciqaabteeda ka baqanayo ku tidhaahda, aan kuu dembi dhaafo ee i dhunko / seexo, fadhiiso iwm”

Waxa uu khabiirku ku taliyey in ay laasim tahay inay hooyadu ilmaheeda mar walba dareensiiso in uu aammin yahay isla markaana ku koriso kalsooni badan oo uu naftiisa u qaado. Sida in ay sacabka u tunto ama u mashxaraddo marka uu ku kaco arrin qurux badan isla markaana si deggen ay uga jarto wixii aan habboonayn. Ciqaabtiisana ka dhigto mid cilmiyeysan oo uu qaadi karo, balse aan ahayn jidh dil iyo garaacis.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

5 Qodob Oo Waalidku Uu Ku Horumarin Karto Waxbarashada Caruurta

Sida caadiga ah waxa ugu badan ee uu waalidku ku fikiro xilliga uu ilmihiisu ku …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *