Maxaa Keena Cambaarta?

Cambaarta waa infakshan maqaarka ku dhaca  waxaana keena jeermiska fangaska, xanuunkaan waxuu u bilowdaa sida xasaasiyad oo kale. Caruurta yaryar ayaa ugu badan dadka ay ku dhacdo cambaartu.

Calaamadaha cambaarta:

  • Qeyb ka mid ah maqaarka oo guduudata ama casaan noqota isla markaana cuncun leh
  • Kululeyl iyo xanuun isku jira oo laga dareemo goobta casaatay
  • Dareen gubasho ah
  • Maqaarka oo biyo galaan
  • Inay meesha qolof yeelato
  • Finan kasoo baxa meesha waxyeelladu gaartay

Maxaa Keena?

Badanaa cambaarta waxaa sababo difaaca jirka oo si aan caadi ahayn uga jawaaba shay aan dhib weyn maqaarka u lahayn. Sidoo kale waxaa keeni kara, waxyaabaha la isku carfiyo oo qofka xasaasiyad ku keeni kara, kareemada qaar, jinyeerka saraawiisha ee taabanaya maqaarka, silisyada la gashado qoorta dhagaha iyo fargashiga.

Daawaynta:

Cambaartu ma lahan daawo rasmi ah, laakiin waa xaalad caafimaad oo la maarayn karo. Waa daruuri in la iska ilaaliyo waxyaabaha xasaasiyada maqaarka taasoo yarayn karta fursadda in uu xanuunkan ku dhici karo. Biyo diirran ayaa lagu dhaqaa meesha waxyeelladu gaadhay, waxaana la mariyaa boomaato khaas oo dhakhtar ku qoray si ay uu dayactiranto meesha maqaarka ee guduudatay. Haddii calaamaduhu ay yihiin kuwo qofku uu dhibsanayo waxaa lagu taliyaa inuu booqdo dhakhtar ku takhasusay maqaarka si ugala tashado xaaladaan.

Check Also

roodhida talaagada qaboojiyaha rootiga

Roodhida oo Talaagada Lagu Xafido Waxay Isu Bedeshaa Sun Dilaa ah

Barnaamijkeenan waxaynu ku soo bandhigaynaa cadaymahii uu culimada caafimaadku ka ogaadeen in hadii Roodhida la …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *