Calashiga Xanjada Iyo Caafimaadka Qofka

xanjada2Calashiga Xanjada iyo Lubaanka ama xabagta Fooxa/beeyada, oo marar kala duwan warbixino ku saabsan faa’iidooyin caafimaad oo ku jira laga soo saaray, laakiin haddana muran ka bilaabmay oo la isku maandhaafay, ayaa warbixintii ugu danbaysay ee caafimaad daboolka ka qaaday in faa’iidooyin badani ku jiraan.

Khubarada caafimaadka ee dunida oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in calashiga, xabagta geedka Beeyadu dhalo ee Lubaanka iyo xanjada caadiga ah, mid walba laga helo faa’iido caafimaad oo kala duwan, sida in calashigoodu awood badan galiyo fir fircoonida maskaxda, in ay sifeeyaan, hadhaaga cuntada ee ilkaha ku hadha iyo in cunto xumada ay ka yareeyaan qofka oo amateedku ugu furmo calashigooda.

Khubaradani waxa kale oo ay xuseen in calashiga labadan shay uu faa’iido u leeyahay dadka xanuunka macaanka qaba, kuwaas oo uu kor u qaado, unugyada awooda galiya xameetida, wax badana ka yarayn karo, ka fikirka iyo isku mashquulinta xanuunka macaanka, waxa kale oo ay u taraan inay ka yareeyaan, haraadka macaanka heerka labaad dhaliyo.

Sidoo kale calashiga xanjada waxay yaraysaa walbahaarka waxayna kobcisaa xusuusta  intaa waxaa dheer inay hagaajiso caafimaadka afka iyo caawinta luminta miisaanka jirka

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *