Calaamado Cadeyn u ah inaad Waqti Badan ku Lumisay Mobile-kaaga, Qabatina aad ku Noqotay

Ku walfidda, smartphone addiction, taleefanka gacanta1. Digniinta keliya aad sida dhabta ah uga naxdo, deg-degna wax uga qabato waa marki ay kuu soo dhacdo ogeysiis ah “Battery Low”

2. Booqashadaada Reer Ilmo u dhashay, qof xanuunsan ama qof xiran ma aha inaad Hadiyad ama wax kale u geyso ee waa inaad Sawir ka soo qaado aad soo post-gareyso

3. Hadaa wadato Samsung Galaxy ama iPhone waxaad aad u jeceshahay in dadku kugu arkaan. Waxaad ku qaadataa gacanta, markaad fadhido miiskaa dul saartaa. Hadaa dareento in dadku aysan eegin kor baad gacanta ugu qaad-qaadaa.

4. Waxaa aad kuu soo jiita ee aad qofka ku raacdo waa nooca Mobile-ka iyo Cover-kiisa uu wato

5. Markaad hurdada ka toosto waxa ugu horeeya aad eegto waa Mobile-kaaga inta aadan biyo cabin ama wejiga dhaqan

6. Waxaad u sii qaadataa Suuliga. Mararka qaarna waad ku dhex isticmaashaa.

7. Marki aad meel u baxeyso waxaad 11 jeer hubisaa inaad Charger-kaagi wadatid, ka dibna waxaad hilmaantaa hoos-gashigaagi.

8. Adigoo jiifa oo fariin qoraaleed qoraya haddii mobile-ka wejiga kaaga dhaco

9. Wadnahaa aad kuu bood-booda marki aad maqasho Jug dhulka ka yeertay adigoo u heysta in mobile-ki kaa dhacay

10. Dadka waxaad ugu jeceshahay qofka ku yiraahda “Mobile qaali ah baa wadataa” iyo qofka kaa wareysta Mobile-kaaga meesha aad ka soo iibsatay, waxa kuugu jira, iwm.

11. Waxa ugu muhiimsan aad Barkinta u isticmaasho ma aha hurdo keliya ee waa inaad Mobile-ka ku qarsato

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

adeegyada google

Haddii Aad Isticmaasho Adeegyada Google Sida Playstore, Gmail, Google Photos….

Ma isticmaashaa adeegyada kala duwan ee Google; Sida Baadhista, Email ka (Gmail), khariiradaha, kaydinta sawirrada, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *