Calaamado Cadayn u ah in aad tahay Qof aan Go’aan Gaari Karin

1. Waxaad dareemaysaa in aad u baahan tahay isbedel in aad sameyso hadana ma go’aansan kartid in aad ku dhaqaaqdo oo sameyso

2. Maanta qof baad mucaaradaysaa, Beri waa taageeraysaa, hadana mar kale ayaad ku kacaysaa sababtoo ah ma jiro go’aan ah in aad hal qadiyad yeelato

3. Waxaad la sheekeesataa oo isku wadaa dad badan, mana go’aansan kartid in aad hal mid ku ekaato

4. Mar kasta waxaad tiraahdaa “Sidaa ayaan yeelayaa, waxaa ayaan sameynayaa, waxaa ayaan qabanayaa” hadana intaa go’aansatid kuma dhaqaaqdid

5. Waxaad is dhahdaa magaalada aad, ma jiro go’aan ah meeshi aad aadi lahayd & wixi aad u aadi lahayd. Sidaa u wareegaysid ama isaga jiira-jiiraynaysid ayaad hawdhow is tiraahdaa, “Magaaladan boring (caajiska) ah maxaa weeye bal iska noqo”

6. Waxaad waqti dheer iyo si adag uga fakirtaa oo maskaxda ku daalisaa go’aan aad rabtay in aad qaadato sababtoo ah waxaad ka baqeysaa in aad mid qaldan qaadato

7. Waxaad gashaa Dukaan weyn, cabaar markaad ku wareegto oo eegtid ayaad ugu dambeyn iibsataa wax aadan rabin

8. Markaad TV daawanayso oo remote gacanta ku hayso waxaad bedeshaa oo safka ka martaa Kanaalada, go’aan kama gaari kartid in aad ku ekaato hal mid oo daawato. ugu dambeyntiina waxaad tiraahdaa wax fiican oo la daawado ma leh

9. Lacag badan baa ku soo galaysa hadana ma jiro wax kuu go’aansan in aad ku qabsato hadhow baad is weydiisaa sidi ay u baxday oo kuu dhaaftay

10. Dhar baad xirataa, hadana horay ayaad ka badashaa adigoo is leh kuwan kuma nuureysid, kuwa kale ayaad xirataa sidi oo kale ayaad badashaa isla marki

11. Makhaayad baad soo gashaa hadana waxaad ku wareertaa wixi aad dalban lahayd. Daqiiqado badan ka dib intaa hareerahaaga eegto oo aragtid qof wax cunaya ayaad tiraahdaa “kaas oo kale ii keen”

12. Waxaad iska qaadaa Sawiro badan, hadana waxaad ku wareertaa kan ugu shidan aad dadka la wadaagi lahayd, haduu qof kuu dhow yahay waxaad weydiisaa, “Sawiradan ka waran kee ugu roon aan geliyaa fb?”

Kuwee ama kee baad isku aragtay?

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

Arday wanaagsan oo guulaysta

Sidee Loo Noqdaa Arday Wanaagsan Oo Guulaysta?

Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *