Baro Calaamadaha Foosha (Signs Of Labour)

dumarkaa ugubka ee aan horay wax usoo dhalin waxaa laga yaabaa inay foosha runta ah ay ku qaadato mudo ka badan 12 saacadood, halka haweeneyda soo dhashay hal cunug ama ka badan ay ku qaadan karto 12 saacadood ka yar.

Calaamadaha foosha  waxaa loo kala qeybood oo kala ah fool aan rasmi ahayn iyo fool rasmi ah.

Caalamadaha foosha aan rasmiga ahayn:

  • Ma adkaado
  • maa dheeraato
  • Waxaa laga yaabaa in maroojintu ay joogsato markaad dhaqdhaqaaq samaysid ama aad booska badalatid.

Calaamadaha foosha rasmiga ah:

  • Maroojintu waa isdabajoog, waxay ku dhamaadaan 30 ilaa 70 ilbiriqsi.
  • Maroojintu way sii korodhaa xittaa hadii aad samaysid dhaqdhaqaaq sida socod iwm.
  • Xanuunku wuu sii bataa
  • Waxaa laga yabaa inaad dareentid xanuun dhabarka iyo caloosha ah. Lugahana maroojis ayaad ka dareemi kartaa.

Waxaa jira labo xaaladood oo kale oo la xiriira foosha oo kala:

Xabka: ilmo-galeenka dhuuntiisa waxaa ku guntan xab kaasoo Eebbe ugu talo galay inuu ilmaha ka ilaaliyo bakteeriyada infekshannada. Xabkaan ayaa soo fuqaya waxaana uu soo maraya farjiga, waad dareemaysaa marka uu dheecaankaan soo fuqayo. Dheecankaan waxaa uu calaamad u yahay inay fooshii soo dhowdahay. Xabkaan mid ahaan waxaa u noqon karaa mid cad, pink ama dhiig khafiif ah.

Dillaaca xuubka biyaha: Xuubka ilmuhu ku jira ayaa dilaaca waxaaa kasoo daata dheecaano waxay  inta badan u egyihiin biyo cad, waqti ayuu  xuubku dillaaci karaa, hadii biyahaas isku aragtid macnaheedu ayaamahaas gudaheeda ay ku dhalaysaa hal ama labo maalmood.

Daawo Ubahina Muse oo si fiican u sharaxaysa:

Check Also

nafaqada, hooyada uurka leh, cuntooyinka,

Nafaqooyinka Ay U Baahan Tahay Hooyada Uurka Leh Iyo Cunnooyinka Laga Helo

Cunno nafaqadeeda ay isku dheeli tiran tahay oo la cuno xilliga uurka waxay sare u …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *