Calaamadaha Dhiig Yaraanta

casharkaan maanta waxaan kusoo qaadanayna cudur kamid ah cudurada ugu caansan ee aduunka gaar ahaan dhulkeena somaliya waa dhiig yaraanta ama aneamia.

Dhiig yaraanta (Anemia)

anemia-da micnaheedu Waa marka unugyada cas cas ee dhiigu kaa yaraadaan ama tirada heamoglabinta ku jirta unugyada cas cas ay ka yaraato dabiicigeeda . Hemoglabiintu waa curiye ay ku jirto macdanta birta oo loo yaqaan (Iron) tasoo dhiigga u yeesha midabka cas waxaana ay ogsijiinta ka soo qaadaa sambabada iyadoo gaarsiisa unugyada jirka. Markaa qofka Dhiig yaraantu haysaa inta badan waxay u keentaa inuusan jirkiisu helin Ogsijiin ku filan.taas oo ka dhigaysa qofka mid tacbaanimo iyo daal iyo tabar dari ka muuqato waxaana ay ku badantahay wadamada africada ee aanay kajirin wax daryeel caafimaad ah.

Maxaa keena dhiig-yarida?

  • Macdanta birta oo dhiigaada ku yar oo ay sabab u tahay dhiig bax kugu dhaca ama adigoon cunin cunto nafaqo leh.
  • vitmin yaraanta sida vitmin B12.
  • Yaraanta hormoonka curiya samaysanka unugyada dhiigga cas cas taas oo Keenta cuduro kudhaca kalyaha iyo kansarka
  • Unugyada cas cas oo sidooda u burbura sabab la’aan (Hemolytic aneamia)
  • Ku dhalasho cudur waxyeeleeya unugyada cas cas.
  • Cuduro kale oo badan kuwaas oo faafa kuna dhaca waxayna sababan dhiig yaraan.
  • Cudur ku dhaca dhuuxa dhiigga sameeya cudurkaas oo noqon kara kansarka dhiiga ku dhaca
  • Dhiig badan oo xilliga caadada ka baxa ruuxa dumarka ah.

calaamadaha lagu garto cudurkan dhiig-yarida

1: Daal iyo awood la’aan

2: Wareer

3: Neefta oo kugu xirmaysa

4:Wadno garaac

5: Madax xanuun

6: af xanuun

Cudurkan dhiig yarida waa noocyo badanyihiin waxaa kamid ah kuwo ay sababaan cudurada kansarka aidska kansarka lafaha iyo cudurka joogtada ah ee caabuqa iyo kuwo lamid ah

Aneemiyada hadii aan la daaweeyn waxey keeni kartaa in aneemiyada noqoto mid joogta ah ama waxey sababtaa geeri deg deg ah oo ku timaada qofka.

W/Q: Dr. Usama Cismaan

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *