Cabitaano Dabiici Ah Oo Cayilka Yareeya

Akhristayaasha qiimaha badan ee ku xiran Daryeel Magazine Waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa cabitaano ay fududahay sida loo diyaariyo oo cayilka yareeya. Cabitaanadaan waa kuwa dabiici ah oo laga samaynayo khudaar kala duwan isla markaana caafimaadka u wanaagsan, nafaqo iyo borotiina leh.

1. Mooscabitaanka mooska

Moosku waxaa uu leeyahay faaidooyin badan, waxaana ka mid ah inuu jirka energy siiyo iyo weliba inuu hoos u dhigo miisaanka jirka.

waxaad isku dartaa :

  • koob barkiis caano ah (caano aan subag lahayn/fat-free milk)
  • koob barkiis caanaha garoorka ah (fat-free yogurt)
  • Jab moos ah
  • 1 qaado oo malab ah
  • miro cas/strawberry (hadii aad heli karto)

Alaabta dusha ku qoran oo dhan jaaga aad ku qooshaysid ku wada rid oo ku shiid. Koobka kushub oo cab.

Tufaax:tufaax

Tufaaxu wuxuu kugu caawin kara inaad miisaanka iskaga ridid.

waxaad u baahantahay:

  • koob barkiis caano ah
  • 1 qaado oo sanjabiil ah
  • 1 xabo oo tufaax ah

Isku wada dar oo isku shiid kadibna cab

 

Xab-xab/qare:qareDaraasado caafimaad oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qaruhu hoos u dhigo miisaanka jirka, waxaana la  sheegay inuu leeyahay kulayl yar oo gubi kara xayrta jirka.

waxaad isku dartaa

  • jeex xab-xab/qare ah
  • 2 qaado oo liin dhanaan ah
  • koob barkiis yogurt ah

isku wada shiid kadibna koob ku shub oo si fiican iskugu walaaq.

Hadii aad doonayso in miisaankaagu si fudud kaaga yaraado, laasim cabida xab-xabka maalin walba.

Koosto (Spinach):koosto

Koostada waxaa ku jirta maadooyin la yiraahdo thylakoids oo qofka ka caawiya inuusan dareemin gaajo saacado badan isla markaana  hoos u dhiga miisaanka jirka.

waxaad isku dartaa

  • koob barkiis Fat-free Yogurt ah
  • 1 xabo oo avocado ah
  • 2 koob oo caleenta koostada ah (spinach)
  • 1 ama 2 qaado oo biyaha liin dhanaanta ah
  • 1 qaado oo malab ah
  • 15 xabo oo canab ah (grapes)

isku wada shiid kadibna isku walaaq oo cab, waxaad ka helaysaa tamar, borotiin fiitamino iyo birta (iron).

Si joogto ah u cab cabitaanadana kor ku xusan natiijo fiican ayaad iska dareemi doontaa  insha Allah.

Check Also

Liin Dhanaanta Oo Dawo Ka Ah Buurnida Iyo Xanuunada Laga Qaado

Liin dhanaanta iyo liin-macaanta oo can ku ah faytamiin C-ga, loona adeegsado in la isaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *