CABITAANKA BAYTARAAFKA: Cudurrada Uu Dawada Ka Yahay Iyo Ahmiyadiisa Xilliga…

Cabitaanka baytaraafka, beytaraaf, Geedka loo yaaqaano baytaraafku wuxu leeyahay faa’iidooyin tiro badan gaar ahaana wakhtiga ramadaanta kaasoo aan keenayn in miisaankaaguna kordho, waxaad cabbi kartaa xilliga afurka si aad uga heshid nafaqooyin badan oo ku jira.

Faa’iidooyinkiisa badan ee uu leeyahay cabitaanka laga shiido baytaraafku tiro maleh, waxaana ka mida inuu daawo ka yahey dhiiig yaraanta, babaasiirta, kalyo xanuunka, toxobta madaxa, dheefshiidka, calool istaaga, kansarka iyo xanuunada haleela wadnaha sidoo kallena wuxuu ka hor tagaa caado wareerka ku yimaada haweenka, waxaa iyana intaa u raacda ilaalinta duxda iyo dufanka maqaarka  iyo timaha.

Maxaa sababey inuu faa,iidooyinkaas yeesho?

Sharaabka laga shiido baytaraafku waxa ku jira fiitamiino badan iyo macdano aan tiro yareyn waxtarkooduna sareeyo, waxaa ka mid ah Fiitamiin C, Magniishiyam, Bir (Iron), Zink, Foosfayt, iyo qaar kaloo badan.

Faa,iidooyinka uu leeyahay Bisha Ramadaan

  1. Caafimaadka Wadnaha waa u muhiim: ma tahey bukaan ka cabanaya wadnaha, haddey jawaabtaadu tahey “Haa”, waxa ugu wanaagsan ee aad cabitaan ahaan u adeegsan karto waa sharaabka baytaraafka, waxa uu hoos u dhigaa heerka kolostaroolka, waxaanu yareeyaa khatarta uu ku yeelan karo wadnaha. Sidoo kale waxaa uu hoos udhigaa maadada loo yaqaano Harmoosiin ee jidhka taasi oo dhib ku keenta halbawlayaasha dhiiga.
  2. Waxey hoos u dhigtaa kala dhantaalanka uur jiifka: Cabitaanka baytaraafku waxa uu faa,iido door ah u leeyahay hooyooyinka uurka leh, waxa uu sameeya il laga helo fiitamiin B iyo foolik, kuwaas oo ka caawiya uur jiifka iney abuuranto laf dhabartu, yaraanshihiisuna keeno inuu uurjiifku kala dhantaalmo amaba iyadoo qeybo kamid ahi maqan yihin soo dhasho, Alle ayaa ku shaqo leh abuurka, haddana waxa jira kaabayaal badan oo loo bahan yahey si loo ilaaliyo caafimaadka hooyada iyo kan uur jiifkaba.
  3. Ka hor tag cudurka Kansarka: cilmi baadhisyo ayaa daaha ka rogey in cabitaanka Baytaraafku door weyn ka qaato ka hor taga kansarka maqaarka, kansarka ku dhaca sanbabada, kansarka hunguriga. waxa ku jira maadooyin faa,iido u leh joojinta koritaanka unugyada kansarka.
  4. Caafimaadka Beerka: waxa ku sugan maadada loo yaqaano Baytiin oo kor u qaada shaqada beerka.
  5. Ka hortage dhibaatooyinka habdhiska neefsiga: sideynu kor kusoo xusnay waxa uu ka hor tagaa kansarka ku dhaca sanbabada kuwaas oo aad uga qeyb qaata hab dhiska neefisiga, isla markaana waxa ku jira maadooyin khal khalka ka ilaaliya kiishashka yar yar ee ay hawadu gasho, waxa intaa kuu dheer waxa uu xoojiyaa shaqada unugyada dhiiga ee cad cad kuwaasi oo ka hortaga lana dagaalama cudurada soo galaytiga ah.
  6. Xidhiidhka gogosha: wakhtiyadii hore waxa loo adeegsan jirey cabitaanka baytaraafka iney cabaan lamaanuhu, sababtoo ah waxa la ogaadey inuu ka qeyb qaato kicinta dareemada, waxa kale oo la xaqiijiyey inuu badiyo dheecaanada taranka
  7. Awood kordhiye : cabitaanka baytaraafku waxa ku badan kaarboonhaydaraytka (carbohydrate), taas oo awood badan siineysa jidhka wakhtiyada Ramadaantii ee la soomanyahey.
  8. Xanuunada maskaxda: Botaashiyamta oo yaraata waxey keenta in ay fadhiisato maskaxda qeyb ka mid ah, cabitaanka baytaraafkuna waxa uu kordhiyaa Botaashiyamta oo xataa wadnaha u fiican.
  9. Sunta ayuu ka saara jidhka: si uu jidhku sidii loogu talo galey ugu shaqeeyo waxa muhiim ah in laga saaro wixii sun ah ee waxyeelo gaysan karta, taasna waxa kaa caawinaya cabitaanka baytaraafka oo ay ku jirto maadooyin sunta saara.
  10. Joojiye asaasaq: waxa laysla og yahey in dadka da,da ahi ay ka cawdaan asaasaq, xusuus guur, iyo waxyaabo noocaas ah, waxa la sheegay in cabitaanka baytaraafku leeyahay awood ka hortagis dhibaatooyin badna oo gabowgu keeno.
  11. Dhiig karka: dhiig karku waa xanuun aafo ah dad badana qudha ka jarey, waxa kor u kacaya wareega dhiiga iyadoo ay sababteeda leedahay cidhiidhi ku yimaada xididadii dhiiga, waxaaney wax yeelo balaadhan gaadhsiisa wadnaha , haddaba waxa la ogaadey in cabitaanka baytaraafku ay tahey wax yaabaha ugu muhiimsan ee lagaga hor tago dhiig karka.
  12. Maqaarka qalaley: in maqaarku qalalo isla markaana uu noqdo mid ad-adag oo qalafsan waxa keena unugyada dhintay oo aan laga qashin saarin, cabitaankana wuxu kaa caawinayaa inaad kaga takhalustid unugyada dhintay oo aad hantidid maqaar qurxoon.
  13. Timaha: waxa uu joojiya daadashada timaha iyo jajabkooda.

Xaddi intee leeg baad u baahantahey si aad faa,iidooyinkan u hesho?

Cilmi baadhisyo lagu sameeyay waxey sheegeen in loo baahan yahey hal ilaa laba koob oo cabitaanka baytaraafka ah maalintiiba.

Waxa kale oo fiican inaad tijaabisid haddba sida uu jidhkaagu ula qabsado ileen waxa dhici karta in dadka qaar aaney qaadan Karinba.

Waxa jira khudaar kale oo lagu shiidan karo baytaraafka sida Tufaaxa, Liin macaanta, Sinjibiisha, Kaarooga.

FG: waxa laga yaaba inuu baytaraafku badelo midabka saxarada iyo kaadida .

W/Q: Hibo Ciise

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *