Cabitaan Energy Badan Laga Helo Caafimaadkana U Roon

cabitaan energy laga heloRamadaan kariim, waxaan halkaan idin kula wadaagaynaa qeyb cusub oo ka mid ah barnaamijka Cooking With Hafza. Qeybtaan ayay marwo Hafza nagu tusinaysaa cabitaan energy badan iyo firfircooni laga helo caafimaadkana horumariya. Cabitaankaan ayaa ka kooban tufaax, liin dhanaan, sanjabiil iyo geedka la yiraahdo parsley.

Faaidooyinka tufaaxa waxaa ka mid ah: xabadda tufaaxa waxa ku jira “fibers” shan laab ah intu jirku u baahan yahay maalinti, sidoo kale waxa ku jira macdanta potassium, calcium, phosphorous iyo weliba birta (iron). Tufaaxu waxa uu kaa caawin karaa inaad miisaanka jirka iska yareysid.

Faaidooyinka dhirta parsley waxaa ka mid ah, waxay ka hortagtaa cudurrada kansarka iyo kaadi macaanka, waxay hagaajisaa caafimaadka lafaha sidoo kale waxay wanaajisaa araga indhaha.

Daawasho wacan:

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *