Faaiidooyinka Caanaha Marka La Cabbo Hurdada Ka Hor

Caanuhu waxa ay leeyihiin faa’idooyin badan oo caafimaad, sababtuna waa maaddooyinka waxtarka badan ee ay hodanka ku yihiin, kuwaas oo ay ka mid yihiin Potassium, Kalshiyaam, Faytamiin B-12, Barootiin, Kaarboon Haydaraat iyo Dufanno faa’ido u leh jidhka, sidoo kale caanuhu waa il aad u muhiim ah oo laga helo Faytamiin A ga.

Dhakhaatiirta caafimaadku waxa ay aad ugu taliyaan cabbista caanaha, gaar ahaan waxa ay tilmaamaan in la cabbo habeenkii hurdada ka hor, xilligaas oo ay sheegeen in laga helo faa’idooyin ay ka mid yihiin.

In Acsaabta (Neefayaasha) qofku ay degaan, hurdo la’aanta oo ay ka hortagaan maadaama oo ay hodan ku yihiin asiidhada Amino lagu magacaabo, gaar ahaan kuwo qofka xasilooni badan ku abuuraya.

Waxa ay caanuhu hodan ku yihiin, Bakteeriyada fiican ee xoojisa hab-dhiska difaaca ee jidhka qofka, bakteeriyadaas ayaa ay khubarada caafimaadku sheegeen in ay tahay mid waxtar badan leh oo kordhisa unugyada dhiigga cad ee cudurrada jidhka kala dagaallama.

Caanuhu waxa ay dhowraan caafimaadka hab-dhiska dheefshiidka, waxa ay fududeeyaan shiidista / ridqista cuntada, waxa aanay jidka ka kaxeeyaan dhibaatooyinka caqabadda ku ah in cuntadu ay si fiican u shiidanto, sababtuna waa bakteeriyo fiican oo ku jirta taas oo awood u leh in ay si fiican cuntada u burburiso. Calooshana ka ilaaliso naqaska mararka qaarkood dibbirada ku keena, shubanka, caloos istaagga iyo casiraadda caloosha.

Caanuhu waxa ay dhuunta qofka ka tirtiraan bakteeriyada inta badan sababta u ah in urta afku ay xumaato.

Waxa ay yaraysaa in suntu ay u gudubto beerka, waxa aanay dhakhaatiirtu xaqiijiyeen in caanuhu ay sidoodaba jidhka ka saaraan suntan, dawo fiicanna ka yihiin sumowga ku dhaca midhicirada iyo caabuqa. Sidoo kael waxa ay caanuu daweeyaan shubanka mararka qaarkood ay isku arkaan dadku marka ay cunaan dawada Antibayootigga (Antibiotic) ah.

Caanaha oo la cabbo marka la sii seexanayaa waxa ay dejiyaan dhiigkarka, iyo cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga.

Caanuhu waa il hodan ku ah barootiinnada muhiimka ah ee jidhka iyo muruqyada dhisa, waxa aana ku jira boqolkiiba 20 barootiinta uu qofku maalin kasta u baahan yahay.

Caanuhu waxa ay si weyn u caawiyaan dhimista miisaanka, sababtuna waa dedejinta iyo fududaynta dheefshiidka, iyo burburinta suntan cuntada ka dhalata, sidoo kale waxa ay qofka dareensiiyaan dhereg, waxa ay gubaan dufanka waxa aanay xoojiyaan muruyqada, arrimahan oo marka la isku daro dhammaantood ah kuwo la og yahay in ay qayb libaax ka qaataan dhimista miisaanka saayidka ah.

Waxa ay badiyaan kaadida, oo ay fududeeyaan qul-qulkeeda, waxa aanay la dagaallamaan qururuxa kelyaha iyo kaadi haysta ku samaysma.

Caanuhu waxa ay si weyn u caawiyaan yaraynta cudurka Kansarka noociisa ku dhaca midhicirada, cilmibaadhiso cusubina waxa ay dhowaan daahfureen in caanaha ciirta ahi ay leeyihiin maaddooyin liddi ku ah kansarka, isla markaana jidhka ka difaaca burooyinka kansarka.

Caanaha oo habeenkii lagu seexdaa waxa ay jidhka ka ilaaliyaan ingagga, waxa aanay soo magdhabaan, dareerihii iyo macdanihii kale ee jidhku u baahnaa, gaar ahaan kuwa uu lumiyo xilliga xagaaga ee kulaylku daran yahay.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

timirta iyo caafimaadka

Faa’idooyinka Joogteynta Timirta Iyo Inta Xabbo Ee Laga Cuni Karo Maalintii

Muslimiinta badankoodu, iyaga oo ku dayanaya rasuulkoodii Muxammed (NNKH), xilliga soonka waxa ay ku afuraan …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *