Caalamiyaynta (Globalization) iyo saamaynta Uu Dhaqaalaha Ku Leeyahay

caalamiyayntaWaxaynu qalabka warbaahinta si isdaba joog ah uga maqalnaa ereyga Caalamiyaynta ee lagu yidhaa afka Ingiriisiga (Globalisation) oo macnihiisu yahay in dunida oo dhan lagu soo dabaalo ama laga hirgaliyo habka dhaqan dhaqaale ee hanaanka reer galbeedku ku dhisanyahay ee (Hantigoosiga ). Sidaas awgeed ayaanu erayga Caalamiyaynta ugu lifaaqnay erayga hantigoosiga si uu akhristaha Soomaaliga ah ugu cadaado nuxurka caalamiyaynta, iyo waxa la caalamiyaynayo, oo ah falsafada iyo hanaanka raasamaaliyada, waxaana xusid mudan in himilada caalamiyayntu aanay ahayn mid cusub, waxaanaynu odhan karnaa mashruucii guumaysiga qayaxani waxa uu xambaarsanaa isla ujeedada caalamiyayntu huwantahay, ( inkastoo ay ku kala duwanyihiin xeeladaha mid walaba adeegsadayey iyo casriga uu la kulmay) maadaama hadafkiisu ahaa “waa guumaysigee” in dunada inteeda kale laga dhigo mid ku milanta una adeegta danaha istaraatiijiyadeed, siyaasadeed, dhaqaaleed, iyo dhaqameed ee reer galbeedka.

Hadaba hadaynu u soo noqono soo shaacbaxa isticmaalka eraygan Caalamiyaynta waxa uu warbaahinta ku fiday horaantii sagaashaneeyadii ka dib markii hanaankii hantiwadaagu burburay (ee uu sida barafka u dhalaalay) isla waqtigaas oo hanaanka raasamaamliyada ee mareykanku hormuudka u ahaa ku kaliyaystay qorshaynta siyaasada caalamka, waxaanay noqotay caalamiyayntu falsafada haananka caalamiga ah ee cusub kana dhashay isbadaladii ku dhacay qaab dhismeedka awooda caalamka , taas oo hanaanka awooda caalamka ku kaliyaystay, damcayna in qaab dhaqan dhaqaaleedkiisu noqdo halbeega mudan ku dayashada iyo astaanta ku abtirsashada xadaarada iyo horumarka ( waa sida reergalbeedku u arkaane), hadaba maadama caalamiyayntu tahay hanaan iyo nidaam balaadhan, waxay leedahay qaabab iyo muuqaallo kala duwan, kawaas oo aynu midaba gaar isha u marindoono.

CAALAMIYAYNTA DHAQAALAHA:

horudhac ahaan tan intii kacaankii warshadaha ka hanaqaaday qaaradda yurub qanigii 17naad waxa soo foodsaartay reer yurub mushkilad dhaqaale oo xalkeedu kalifay halaaga iyo silica umado dhan, mushkiladaas waxay ahayd tiknoolajiyadii warshdaha reer galbeedka, waxay sababtay in waxsoosaarkii warshadahoodu ka badnaado mugga iyo baahida suuqyadooda, taas oo keentay inay raadiyaan suuqyo kale oo lagu iibiyo badeecadhooda xad-dhaafka ah ee meel loo waayay . ( waa sabab ka mid kuwii guumaysiga dhaliyay).

Hadaba maadaama dookha wax iibsineed ee umaduhu kala duwanyihiin, sida noloshoodu dhaqaamdoodu u kala duwanyihiin, waxay reer galbeedku khasaare u arkeen in umad walba ay rabaan inay waxa ka iibiyaan, ay ka gadaan badeecad ku salaysan ama ku haboon dhaqankooda iyo dookhooda, sidaas awageed waxay go’aansadeen inay khasab iyo farsamo lagu badalo dookha waxiibsineed ee umaddaha kale, laguna saleeyo dookha reer galbeedka iyo alaabada warshadahooda lagu sameeyo, si suuq caalami ah loogu sameeyo badeecadahooda meel loo waayay. Arintaas oo u gaysatay dhaawac iyo nabar wayn hannankii nololeed iyo dhaqamaeed ee umadaha kale ( gaar ahaan dunida sadexaad) hadaba laga bilaabo waqtigaas, waxay noqdeen danaha reer galbeedku kuwa xadida ama uu ku salaysan yahay qaab dhismeedka iyo hanaanka dawliga ah ee jira isla markaasna ay noqotay dunida sadexaad, hadba mid loo jeediyo ama loo qaabeeyo sida u adeegaysa dawladaha waawayn, iyo baahida raasamaaliyada caalamiga ah, hadaba hadaynu arartaas gaaban kaga baxno guudmarka taariikhda nidaamka dhaqaale ee dawliga ah waxa xusid mudan in hanaanka caalmiyayntu guntin ka mid ah qaab dhismeedyadii dhaqaale ee taxanaha ahaa isla markaasna yahay qaabkii ugu danbeeyay ee casrigan iyo  duruufaha guud ee jira la saanqaadayay isla markaasna ka turjumaya iyo hormuudnimada awoodaha qorshahani u ololeynaya ,

Hadaba waxa iswediin leh, talabooyinka ay awodahaas qaadeen ee lagu damacsan yahay in qorshahan laga dunida sadaxaad laga hirgaliyo, oo ah qaar lagu khasbayo dowladaha soo koraya inkastoo ay ka soo horjeedaan danahooda iyo qaranimadooda, waxaa ugu mudan.

1. in dhamaan suuqyada caalamka la isu furo, lana qaado dhamaan caqabadaha xayiraha qulqulka badeecadaha reer galbeedka, halka ay dowladaha reer galbeedku iyo dhamaan kuwa warshadaha ku horeeya ku gudbaan alaabada dunida sadaxaad in suuqyadooda loo soo dhoofiyo boqolaal carqalood oo curyaaminaya,

2. in la joojiyo siyaasada kobcinta iyo ilaalinta wax soo saarka wadaniga ah ee soo koraya gaar ahaan dunida sadaxaad, si suuq loogu helo alaaboyinkooda ee ka tayo iyo farsamoba badan kana qiima jaban kuwa dunida sadaxaad ee u baahan xanaaneynta ilaa inta ay lugaha isku taagayaan, arintaas oo ay ujeedadeedu tahay inaan dunida saxaad isku filaan waligeed, waxa waliba intaa sii dheer xasilooni darada iyo colaadaha laga oogay si loogu diido jawi daganaasho iyo horumareed dunada sadaxaad.

3. waxa dowadlahan dunida sadaxaad lagu sanduleeyey dabaqida qorshaha loo yaqaan ( Privatization) oo macnihiisu yahay in mashaariicda qaranka iyo hantida dowlada laga iibiyo hantiilayaasha gaarka ah siiba kuwa reer galbeedka iyo shirkadahooda caalimiga ah ( Multi national Corporation) waxaa intaa sii dheer iyadoo dowladahaas dunida sadexaad lagu armay iney dowladu gacmaha ka laabato qorsheynta iyo maaraynta siyaasadaha dhaqaale iyo bulsho ee qaramadooda, kuna koobnaato wax qabadkeedu ilaalinta nabadgalyada oo kaliya, sidaasna ku noqdaan adegyadii guud ee dowladu u fidin jirtay shacabkeeda sida wax barashada, caafimaadka, abuurista fursado shaqo iyo I.w.m. adeegyadaas oo gacanta u galaya hantilayaal gaar ah oo lacag kaga iibinaya adeegyadii ay dowladooda xaq ugu lahaayeen, arintaas oo ku ah danyarta dunida sadaxaad oo aan sinaba uga maarmin adeegyo guud oo la kabay, arintan oo markaas dharbaaxo weyn u geysatay nuxurka qaranimada, iyo madaxbananaida umahada soo koraya, si toos ahna u khilaafsan axdigii qaramada bidobay oo qodobkiisa labaad sugaya muqadasnimada qarannimada umahada ( Sovereignty) waxaana faragalintana u qiima tirtay macnaha dowladnimada, maaadamaa casrigan cusub ee caalamiyeytu ka dhigay mid aan u adeegeyn danaha qarankeeda, balse laga dhigay mid ku hawlan meel marinta iyo ilaalinta danaha raasamaaliyada caalamiga ah, iyo hantiilayaasheeda gaarka ah ee ku mamay boqol jibaarka faa’iidooyinkooda ka aradan damiirka bina’aadnimo, waxana hirgalinta qorshahan ku guntaday Hay’adaha kala ah ( I.M.F. International Money iyo I.B.R.D. International for reconstruction iyo W.T.O. world trade organization).

Check Also

xikmad badan

QISO DHAB AH: Oday Xikmad Badan

Nin oday ah ayaa u tamashle tegay webi u dhawaa si uu u soo daawado, …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *