Caafimaadka Indhaha Ee Ardeyda Oo Laga Dayriyay (DARAASAD)

caafimaadka indhaha ardeyda
Saynisyahannada ayaa waxa ay sheegeen in ay si weyn kor ugu kacday tirada ardeyda iskuulka ka baxda ee qaba cudur aragtida indhaha oo gaaban ee qaaradda Aasiya.

Cilmibaarayaal ayaa waxa ay ku qoreen wargeyska the Lancet in ardeyda 90% ay qabaan cudurkaasi. Waxay aaminsan yihiin inay sabab u tahay iyaga oo aan helin iftiinka banaanka oo ay sii kaabtay culeyska xagga shaqada waxbarashada.

Culayska xoogga leh ee la saaray guulaha laga gaaro xagga waxbarashada ee waddammada Shiinaha, Japaniyo qaybo kale oo ka tirsan waddammada koofur bari Aasiya qiime culus ayay ku kacaysaa.

Saynisyahannadu waxay sheegeen in dadka dhallinta yar ay u baahan yihiin ilaa saddex saacadood maalintii inay dibadda soo joogaan laakiin carruur badan aanay taas helin maadaama ay maalintii yara seexdaan.

Dr Ian Morgan oo horseed ka ahaa qoraalka daraasaddan waxaa uu leeyahay qodobbo xagga hiddaha ah oo markii hore loo malayn jiray inay arrimahan ugu wacan yihiin ayaa la ogaaday inaysan aragti-yaraanta aad muhiim ugu ahayn sida bey’addu ugu tahay oo kale.

Waxay saynisyahannadu tusaale u soo qaateen dalka Singapoore, halkaas oo ay ku nool yihiin kooxo kala jinsiyado duwan, kuwaas oo dhammaantood hadda ay dhibaato ka haysato xagga aragga

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *