Caafimaad Darrada Laga Qaado Cabista Shaaha Ama Kafeega Kulul

kafeega kululKhubaro ka tirsan Jaamacadda London ee dalka Ingiriiska, ayaa cilmi-baadhis ay sameeyeen ku sheegay in cabbitaanka shaaha amma kafeega kulul sababo caafimaad-darro badan oo ay k amid yihiin suuska, maqaarka oo qofka xannuuna, kansar iyo waliba in dareemaha urtu diciifaan.

Cilmi-badhayaashu waxay ogaadeen in 40% dadka shaaha cabbaa aanay sugin inta uu ka qaboobayo muddo laba daqiiqo ah, iyagoo aaminsan hadduu qaboobo in dhadhanku ka tegayo, balse kama war qabaan sida khubaradan sheegtay in caafimaad darro badan ku duugan tahay haddii qofku cabbo dareere kulul. Tusaale ahaan, qiiqa iyo kulaylka ka baxa shaasha kulul amma kafeega waxa ay sababaan in dhuumaha dhiigga qaada ee sanka ku yaal fidaan sida uu sheegay Henry Sharpe oo ah khabiir qalliinka dhegaha, sanka iyo cunaha ku takhasusay oo cusbitaalka Kent Hoptial ka hawlgala.

“Arrintani waxay keeni karta in dhuumaha dheeggu noqdaan qaar shaqadooda qaban waaya, taasina sababto in qofku sanboor badan yeesho, sidaa awgeed waa in qofku cabbo shaah qabow, gaar ahaan waxaannu qof kasta oo sanka laga qalay ku boorrinaynaa in 40 ilaa 72 saacadood uu ka fogaado shaah kulul,” ayuu yidhi Henry.

Khubaradu waxay intaa raaciyeen in shaaha kulul ee bigayska ah keeno kansarka hunguriga amma cunaha ku dhaca, waxaannu cudurkani saameeyaa sannad kasta 8,000 qof oo Ingiriiska ku dhaqan.

Sidoo kale, cilmi-baadhayaal Jaamacadda Tehran ka tirsan, ayaa sheegay in shaaha bigayska uu khatar badan u leeyahay caafimaadka qofka, kadib markii dadka shaah-cabka ah oo tiradoodu gaadhayso 300 qof oo la badhay laga helay kansarka cunaha ku dhaca.

Waxa kaloo shaaha kulul wuxuu dhibaato u keenaa maqaarka, waxana jira dad badan oo maqaarka dhibaato gaadho marka ay shaaha cabbaan.

“Bukaan badan ayaa lagu ogaaday in shaaha amma cabbitaanka kulul ku keenay in maqaarkoodu midabo yeesho amma finan badan.” Sidaa waxa yidhi Dr. John Ashworth oo ka tirsan Cusbitaalka Bridgewater NHS Trust.

Geesta kale, shaaha kulul amma cabbitaan kulul oo kasta wuxuu khatar ku keenaa ilkaha, gaar ahaan inay jajabaan oogadooda sare.

Jajabka ku yimaad ilkaha waa mid aan ishu si toos ah u arkin, balse heer kulka kala duwan keeno sida kulayl iyo qabow qofku hadduu mar wada cabbo sida ay sheegtay Dr. Ilana Pine.

Shaaha kulul amma kafeegu waxa kaloo uu keenaa in dareenka dhadhanku yaraado amma dhaawac gaadho, sababtoo ah waxa carrabka isku dahaadha waxyaabo waxyeello u geysta dareenka dhadhamada.

Check Also

qawadka

Sababaha Keena Qawadka Iyo Calaamadaha Lagu Garto

Qawadka  waxaa caafimaad ahaan loo yaqaan “Tinea versicolor”  waa cudur ku dhaca maqaarka waxaana sababa …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *