Caadooyin Cunto Oo Ku Haboon Inuu Raaco Qofka Doonaya Inuu Miisaanka Dhimo

Dunida maanta oo waxa ugu badan ee caafimaad ahaan laga cawdaa uu yahay korodhka miisaanka oo la socda qaab nololeedka casriga ah iyo caadooyin cunto qaadasho oo aad loo isticmaalo ayaa ay khubaradu si joogto ah u soo jeediyeen farsamooyin iyo qaab nololeedyo kala duwan oo ay ku talinayaan in uu raaco ruuxa doonaya in uu miisaanka dhimo.

Qormadan oo aynu ka soo xiganay Shabakadda Al-Carabiya ayaa Dr. Liza Sason oo ah bare-sare oo jaamacadda New York ka dhigta culuumta Nafaqada, waxa soo jeedinaysaa talooyin dhinaca cuntada la xidhiidha oo qofka ka caawinaya iin uu miisaanka dhimo, isla markaana ilaashado miisaanka saxda ah ee caafimaad ahaan ku haboon:

1. Cuntada aad jeceshay: Dadka qaar ayaa aaminsan in qofka miisaanka dhimaya laga rabo in uu cuntada aanu nafsadda u ahayn uu cuno, laakiin dhakhaatiir baadhitaanno cilmiya ku sameeyey ayaa ogaaday in qofka oo cuna cuntada uu xiisaynayaa ay ku abuurto farxad, taasina ay ka caawinayso in miisaanka dheeraadka ahi ka dhaco. Sason waxa ay tidhi, “Haddii aad marto nidaam ah in aad cunto cunto aanad jeclayn, natiijadu waa in aad fashilmayso”

2. Xaddiga aad cunayso: Xaddiga cunto iyo inta uu le’eg yahay bilaaydhka aad wax ku cunaysaa waxa ay ka mid yihiin aasaaska nafsiga ah ee ay tahay in qofku uu raaco marka u udoonayo in uu miisaanka dhimo. Waxaa waajib ku ah in uu bilaydh yar wax ku ruto si nafsiyan aanu u qawadin, cunto dheregga uun bi’isana uu cuno xilli-cunto oo kasta.

3. Ha isku kallifin in aad hudheel cunto tagto: Inteenna badani waxa aynu jecel nahay cuntada hudheellada oo lagu yaqaanno, dhadhan wacan, xaddi badni iyo dufan badnaan, waxa aanay taasi keenaysaa in qofku uu cunto inta caadiga ah ka badan cuno.

Khubaradu waxa ay ku talinayaan ruuxa miisaan dhimis ku jiraa in aanu cunin cunto ka badan inta sacabkiisu qaadi karo. Waayo intaas ayaa ku filan in ay jidhka siiso tamarta iyo Kalaris ka ay u baahan tahay. Ruuxa miisaan dhimista ku jira waxaa u fiican in uu cuntada guriga cuno si uu u xakamayn karo dufanka iyo macaanka lagu darayo.

4. Cuntada leh ganka iyo barootiinta: Cuntooyinka ganka iyo barootiinta badan lihi waxa ay sababaan in qofku uu dhaqso u dhargo, muddo ugu yarana 5 saac ahna aanu gaajo dareemin. Sida ay Dr. Sason sheegaysana cuntooyinka qaar barootiintooda ama gankoodu waxa uu ku xidhan yahay kolba sida loo sameeyo, tusaale ahaan baradhada shiilan lagama dhargo, waana ay dufan badan tahay, halka baradhada karsan ay gan badan leedahay, dhaqsana looga dhergo.

5. Cuntada u diyaarsan qaabka loo yaqaanno miisaan ridista Badda Midhitereeniyaanka: Waa cunto samayskeeda ay ku jiraan, Saliid Saytuun, Shumburo, Saladhyo, Tamaandho, Khiyaar iyo khudraddo kala duwan. Waxaana la aaminsan yahay in cuntooyinka walxan ka samaysani ay yareeyaan khatarta wadne xanuunka, una fiican yihiin xoojinta xusuusta, isla markaana ay yareeyaan u nuglaanshiyaha kansarka naaska ku dhaca.

6. Haddii aad Kalaros, Tamar rabto cuntada ayaa ka fiican cabbitaanka: Kulleenka sharaabka (Casiirka) ayaa aynu ka jecelnahay biyaha, laakiin runtu waxa ay tahay in sharaabku uu jidhka ku badiyo Kaloriska, khubarada caafimaadkuna waxa ay ku talinayaan in cabbitaanka oo dhamiba aanu ku fiicnayn raadinta Kalooriska, waxa aanay ku talinayaan in Cuntada laga raadsado, marka loo baahan yahay tamar. Sharaabka ku beddelo biyo, waayo biyo badan iyo jimicsi ayaa si dhaqso ah u rida miisaanka.

7. Kala duwanaanshaha cuntada: Dr. Sason waxa ay aaminsan tahay in si uu u guulaystay nidaamka cunto iska xakamaynta ee uu samaynayo qofka miisaanka dhimayaa ay qasab tahay in cuntada uu cunayaa ay tahay mid kala duwan, ama noocyo kala duwan ka kooban, waayo haddii qofku cunto keliya barriinsato waxaa dhacaysa in marka dambe uu naco oo uu joojiyo, halkaasna barnaamijkii uu watay ku fashilmo.

8.  Sirtu waa Biyaha: Iska jir in cunista cuntada aad la sugto illaa aad gaajoonayso, wayo haddii aad gaajooto cunto badan ayaa aad cunaysaa. Sida ugu fiican ee aad gaajada u yarayn karto si aanad cunto badan u cunin, waa in aad cabto illaa litir badhkii oo biyo ah cuntada ka hor. Waayo litir badhkii oo biyo ah oo aad soddon daqiiqo cuntada ka horreysiisaa, waxa ay caawisaa in miisaanku dhaco.

9. Hurdo kugu filan seexo: Sida ay caddeeyeen khubaro caafimaad iyo culimi ku xeeldheer cilminafsigu, qofka oo habeenkii waqti aad u dambeeya seexdaa, subaxdiina goor hore toosa, ama qofka oo seexda saacado ka yar intii uu jidhkiisu u baahnaa, waxa ay keentaa cirweyni iyo in qofku uu gaajoodo, waxa aanay taasi keenaysaa in dufan badani jidhkiisa galo iyo in miisaankiisu aad u kordho.

10. Quraacda ha ka tegin: Waxaa fiican in maalintaada aad ku bilowdo quraac, khubarada nafaqayntuna waxa ay aaminsan yihiin in quraacdu ay tahay cunto xilliyeedka ugu habboon. Gaar ahaan haddii subaxda hore la cuno waxa ay jidhka ka caawisaa in qaybtiisa hab-dhiska ka faaidaysiga nafaqo ee jidhku ay si fiican u shaqayso, una sahlanaato in ay dhaqso cuntada u gubto oo ay ka dhigto tamar jidhku maalinta oo dhan haysto.

11. Salaadda Cishaa’i kadib cunto ha cunin. Arrimaha aadka u muhiimka ah waxaa ka mid ah in qofku aanu wax cunto ah cunin cashada kadib, cashadiisuna ay noqoto ugu yaraan laba saacadood hurdadiisa ka hor, waayo cuntada xilligaas la cunaa jidhka ayaa ay ku ururtaa, maadaama oo jidhku uu hurdo galena diyaar uma aha in uu sideeda u qabto hawshii ay u baahnayd, dufankii ay lahaydna ma burburayo.

13. Gaajaysiin looma baahna: Cilmibaadhis caafimaad ayaa xaqiijisay in habka ah in jidhka la gaajaysiiyo si miisaanka la isaga ridaa uu yahay hab aad u qaldan. Waa ay dhici kartaa in qofka sidan yeela bilowga hore uu miisaan ka dhaco, laakiin waxaa dhaqso ugu biloda amateed badni iyo hammuum uu u qabo cuntada. Waxa ay taasi u horseedaysaa in uu cunto badan cuno, taasina waxa ay dhaqso u soo celinaysaa miisaankii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *