Faa’idada Bunka Uu U Leeyahay Qurxinta Jidhka Iyo Hababka Loo Isticmaalo

Bunku waxa uu kaalinta labaad kaga jiraa liiska badeecadaha loogu ganacsi badan yahay dunida oo dhan, waxa ka horreeya oo keliya shidaalka, waxa aanay tirokoobyo la sameeyey muujinayaan in qiyaas ah 5 kun oo Bilyan oo koob oo bun ah sannad kasta dunida lagu cabbo. Waxa aanay khubarada ka faallooda caafimaadka cuntadu sheegeen in bunka oo si jogto ah oo aan la isku badin loo cabbaa uu caafimaadka u leeyahay faa’idooyin badan.

Laakiin waxaa cusub in bunku uu faa’idooyin caafimaad u leeyahay maqaarka isla markaana uu caddeeyo, dhalaal dabiici ahna ka dhigo wejiga, haddii lagu dahaadho.

Qormadan oo aynu soo turjunay waxa ay Al-Carabiya ku eegaysaa qaar ka mid ah faa’idooyinka bunka laga helo marka is-qurxinta loo isticmaalo.

Diifta iyo daalka:

Haddii xaddi ka mid ah dareerayaasha jidhka lagu nadiifiyo, sida saabuunta dareeraha ah, lagu daro in le’eg oo bun ridqan ah, kadibna la mariyo wejiga oo marka hore la sii qooyey, oo si khafiif ah loogu duugo muddo laba daqiiqo ah, oo lagaga maydho biyo diirran oo laga sii dambaysiiyo kuwo qabow, waxa ay si dhaqso ah u kaxaysaa daalka iyo diifta daalku ku reebo wejiga, waxa aanay si dhaqso ah u soo celisaa quruxdii iyo dhalaalkii dabiiciga ahaa ee wejiga.

Caddaynta jidhka:

Koob yar oo caano ah oo aan qaboobayn waxa aad ku walaaqdaa saddex malqacadood oo bun ridqan ah, kadibna iyaga oo cajiin isku noqday wejiga ku dahaadh, oo muddo saacad badhkeed ah ku daa, markaa kadib kaga maydh biyo diirran oo aad ka sii dambaysiiso kuwo qabow. Haddii toddobaad kasta aad 33 jeer sidan yeesho, waxaa hubaal ah in uu maqaarka siinayo faa’idooyin caddayn dabiiciya ah, una soo celinayo midabkiisa dhalaalka dabiiciga ah.

Qolof ridka maqaarka:

Sida aynu nahay malaayiin unugyadad maqaarka wejiga ah ayaa maalin kasta dhinta oo kuwo cusubi beddelaan, unugyadaas dhintay qashin ahaan ayaa ay wejiga ugu baaqdaan oo madow iyo qolaf yarba ugu keenaan haddii aan laga dhilin ama laga qolof ridin. Maydhista, saabuunaha iyo kiriimada la marsadaana waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha kaxeeya, laakiin sidii loo baahnaa uma wada tirtiraan.

Laba malqacadood oo kuwa wax lagu cuno ah oo saliid saytuun ah waxa aad ku dartaa maqlacad la mid ah oo ah bun ridqan (Budo ah) iyo malqacad yar oo sonkor ah, kaidbna isku qasas oo cajiin soo baxa mari wejiga,  si dabacsanna ugu xoq, muddo toban daqiiqo ah ku daa, kadkibna kaga tirtir warqadda yar ee softiga ama Kiliinigiska loo yaqaanno, markaa kadibna biyo diirran ku maydh kuwo qabowna mar labaad ku maydho, waxa ay jidhka ka tirtiraysaa hadhaadiga unugyada dhintay ee ku ururay, waxa ay midabkiisa ka dhigaysaa cadaan, waxa aanay ka ilaalinaysaa dabaca iyo cood-coodhka.

Diyaariye: Kamaal Marjaan

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *