Faaidada Beytaraafku U Leeyahay Dadka Qaba Dhiig-karka Iyo Wadne Xanuunka

Cilmibaadhis dhowaan Maraykanka lagu sameeyey ayaa daahfurtay in sharaabka khudradda Beytaraafku (beetroot) uu wanaajiyo awoodda dul-qaadasho ee wadnuhu u yeelanayo jimicsiga iyo ciyaarta, isla markaana uu xakameeyo dhiigkarka dadka da’da ah ee wadne xanuunka leh.

Cilmibaadhayaal ka tirsan Xarunta caafimaad ooo hoos timaadda jaamacadda Wake Forest ee dalka Maraykanka ayaa tijaabooyin cilmiya oo ay sameeyeen ku ogaaday in maalin kasta oo la cuno Beetaraaf ay keento in xaaladda dhiigkar ee qofku si aad ah uga soo rayso, iyo in si muuqata qofka looga dareemo dareemo in caafimaadka wadnihiisu u soo wanaagsanaanayo.  Natiijada  ayaa lagu baahiyey cadadkii ugu dambeeyey ee majalad ay soo saarto kuliyadda caafimaadka wadnaha ee dalka Maraykanka.

Xeeldheerayaashan ayaa dad wadne xanuun qaba muddo toddobaad ah si joogto ah u siinayey sharaab ay ka miireen Beetaraafka, halka dad kale oo isla xaaladdan oo kale ahna laga siinayey dawo male-awaal ah, waxaana soo baxday in kooxdii sharaabka Beetaraafka joogtaysay ay toddobaad keliya boqolkiiba 24 kor u kacday awooddii uu wadnahoodu u lahaa adkaysi iyo caafimaadkiisii guudba, isla markaana uu dhiiggoodu si aad ah hoos ugu dhacay, marka la barbar dhigo kuwii dawada la siiyey.

Caadi ahaan dadka wadne xanuunka leh waxaa ku dhacda in wadnuhu uu awoodi kari waayo in uu dhiigga si caafimaad qabta u tuuro, taas oo keenta in uu dhiigga iyo neefta Ogsajiin ee ku ladhani ay gaadhi waayaan xubnaha jidhka ama in ku filani gaadhi weydo, waxaana ka dhasha in qofku uu mar kasta dareemo daal iyo burbur aanu tacab iyo hawl geli karin. Sidoo xaaladdani waa sababta ay caguhu u bararaan dadka wadne xanuunka leh, marar badanna isugu arkaan neefsiga oo ku dhib ah, gaar ahaan marka ay korayaan sallaamada iyo kaabadaha dhaadheer.

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *