Bataati Iyo Kabaab

Kusoo dhawaada Cooking With Hafza, qeybtaan waxay Hafza nagula wadaagaysaa qado laga samaynayo bataati iyo kabaab oo aad ugu fiican ilmaha iyo dhalinyarada jirdhiska samaysa ama gymka aada.

Diyaarinta Kabaabka:

Waxaad u baahan tahay:

  • Hilib Shiidan.
  • Kibis ama rooti la jajabiyay.
  • Hal qaado oo toon ah.
  • Cusbo.
  • Xawaash dhuudhuub shiidan.
  • Ukun.
  • Kabsar caleen.

Waa la isku darayaa kuligood kadibna waa la isku shiilayaa, waxaan lagu cunayaa bataati macaan.

Bataatiga waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka caafimaadka badan waxa uu si gaar ah ugu wanaagsan dhalinyarada gym ka aada ee biraha qaadqaada, Waxaa laga helaa energy fiican. Bataatiga waxa uu caawiyaa riditaanka cayilka waxaa uu dhisaa murqaha.

Bataatiga waa ku jira nafaqooyin badan waxaana ka mid ah Vitamin E oo ka hortaga wadne xanuunka iyo macdanta Potassium oo muhiim u ah murqaha iyo caafimaadka lafaha.

Daawasho wanaagsan:

Check Also

Hilib Shiilan Oo Aad U Macaan

Assalaamu calekum, walaalaha qaaliga ah soo dhowaada meel kastoo aad dunida ka joogtaan, waa mar …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *