Basbaaska Oo La Ogaaday Inuu Leeyahay Faaidooyin Badan

basbaaskaSida lagu baahiyay Alarabia boggeeda Internet-ka waxaa lagu qoray daraasad cusub oo dhawaan soo baxday, taasoo la sheegay in faa’iidooyin badan oo muhiimad gaar ah leh laga helay basbaaska kulul ee cuntada lagu darsado.

Daraasadaan ayaa lagu sheegay in basbaasku  uu qeyb lixaad leh ka qaato miisaan dhimista dadka buuran ee misaankoodu culus yahay, ayadoo daraasadan lagu sheegay in basbaaska ay ku jirto maado lagu magacaabo capsaicin taasoo la sheegay in ay ka mid tahay maadooyinka aadka u guba xeyrta iyo cayilka saaran qofka buuran ee doonaya in uu is caateeyo ama miisaanki hoos u dhac ku sameeyo.

Sidoo kale isla daraasadan ayaa lagu sheegay in dadka cuna cuntooyinka ay maadadani ku badan tahay in ay leeyihiin howl karnimo gooni ah ayagoo howlaha adag u dulqaata muddo dheer, isla markaana muujiya ad adeyg dhanka howl qabashada ah.

Si kastaba dad fara badan oo ra’yi aruurin laga qaaday ayaa lagu ogaaday in fikir ahaan lagu kala duwan yahay, ayadoo dadka buurana ay muujinayeen farxad aad u balaaran maadaama basbaaska lagu sheegay in uu miisaankooda hoos u ridayo, balse dadka caadiga ah ama caatada ah ayaa cabasho ka muujiyay ayagoo sheegay in aysan ka maarmin basbaaska, balse hadii uu caatonimo usii siyaadinayo ay ku qasban yihiin in ay iska daayaan amaba iska yareeyaan.

Check Also

cabista caanaha geela

Nafaqada Iyo Caafimaadka Laga Helo Cabista Caanaha Geela

Waxaa la isku raacsan yahay in caanaha geela ay yihiin kuwa ugu waxtarka iyo caafimaadka …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *