Basbaas Qajiga Oo La Ogaaday Inuu Baruurta Yareeyo (DARAASAD)

miisaanka_basbaaska
Saynisyahanno u dhashay dalka Ingiriiska, ayaa shaaciyey in basbaaska, gaar ahaan baasbaas qajigu ay mustaqbalka qayb weyn ka qaadan doono miisaan luminta jidhka bani’aadamka, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay in cunista qajidu dadka ka yarayso baruurta badan ee xad-dhaafka ah.

Khubaradani waxa kaloo ay caddeeyeen in basbaas qajiga loo isticmaali doono qalliinada dadka lagaga jarayo baruurta halista ku ah caafimaadkooda.

Dhakhaatiirtan oo ka kala tirsan cusbitaallada Brigham iyo cusbitaalka haweenka ee Boston, ayaa daraasadoodan helay kadib markay muddo dheer ku daba jireen xaqiijinta waxyaabo cunto ka kooban oo bani’aadamka miisaanka lagaga yareeyo.

Qalliinada lagaga jaro dadka baruurta ee loo isticmaali doono basbaaska, ayaa sidookale faa’iido badan u yeelanaya yaraynta cudurrada laga qaado buurnaanta xad-dhaafka ah.

Haseyeeshee, khubaradu waxay sheegeen inaan basbaas qajiga loo isticmaali doonin dadka qaba gaastariga iyo xannuunada caloosha ku dhaca si aanay wax yeelo ugala kulmin.

Dr. Cali Tavakkoli oo madax u ah kooxda cilmi-baadhistan samaysay, ayaa tilmaamay in basbaaska qajiga lagu burburin doono waxyaabaha dhaliya buurnida aadka ah ee jidhka bani’aadamka fuusha.

Khubaradani waxay baadhitaankoodan si khaas ah ugu ogaadeen in qalliinnada noocan ah ee qajiga loo isticmalaayaa hoos u dhigi doonaan baruurta badan ee dadka ka haleesha caloosha.

Ibraahim Khadar Siciid

Check Also

yaa naafo ah

Yaa naafo ah?!

Abuurka Alle waa abuur oo waa isku mid cay iyo ceebayna cidda ula tagtaa iyada …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *