Baro Sida Looga Dhex Boodo Waqtiga Adag Ama Qalafsan

“Security is mostly a superstition. It does not exist in nature, nor do the children of men as a whole experience it. Avoiding danger is no safer in the long run than outright exposure. Life is either a daring adventure, or nothing”
Helen Kellersida looga gudbo waqtiyada adag

Hadii aanu wakhti qalafsani ku soo marin, noloshaadu ma dhama. Taa macnaheegu waxaa weeyi  waxaad tahay wali qof jilicsan, sababtoo ah qalafsanaanta wakhtiyada qaar waa waxaa kuu sahla inaad barato wax.

Malintii markaad ka soo biloowdo aroortii markaad kacdo salaada hore iilaa iyo markaad sexanayso habeenkii dareen kaagu waa mid marna kor u kacaaya marna hoos u dhacaaya, kolba is ku xidhnaanta fikirkaagu iyo waxaad ku fikirtaa ayaanay ku xidhantahay kolba sidaad dareento marwalba. sida ay sheegaan dadka ku takhasuusay cilmu nafsigy madaxeena waxaa soo mara malintii ilaa 50’000 oo fikradood. kontonkaa kun ee fikradood waxaay midwalbaaba wadataa dareenkeeda. qaar waa qaar kaa farxiya, qaar waa qaar kaa nixiya, qaar way kaa boqodsiiyaan, qaar waa qaar ina xasuusiya wakhti murugo le oo dareenkeena afduuba.
Hadaba markaynu fahano tan waxay inoo fududaynaysaa  in ay nu fahano in ay caadi tahay, in aynu dareeno farxad iyo murugo labadaba malinta dhexdeed amaseba saacad gudaheed,
Sida aynu wada ognahay Noloshu  waa wax aan la saadaalin karayn, adigoo imiga wax fiicani kuu hagaageen oo farxad awgeed ooyaaya, ayaa laga yaabaa in tilfoonkaa imiga kuu soo dhacayaa noqonkaraa mid murugo awgeed aanad dhowr malmood oohin aanad ka joojin.
Hadaba aniga hadii aan aragtidayda gaaba cabiro qofka ugu ayaanka darani waa qofka aan qiimayn waxyaabaha yaryar, sida inaad dareento sidaad dareento markaad neefsato. inaad dhadhamiso candhuuftaada. iyo inaad  xasuusato waxyaabahay yar yar ee sida habsamidale kuugu socda. waayo waxyaabaha yar yar qaar markaad u fiirsato sida ay muhiimka ugu yihiin noloshaada waxaad iloobaysaa amase laga yaabaaba inaad ku qososho naftaada sababtoo ah waxaad ka warwaraysaa waxwayn oo aad muhiim u haysato balse aan u ahayn muhiim sidaad adiga maskaxdaadu uga dhigayso.
Muran kuma jiro in ay noloshu noqon karto mid dhibaato badan, balse waxaa inaynu xasuusano mudan in xanuunku laftiisu uu yahay waxaa nolosha macaanka u yeela sababtoo ah, hadii ay waxwalbaaba ay noqon lahaayeen wax si yar lagu helo, xiisaha iyo macaanu wuu ka dhamaan lahaa….
U aqbal nolosh kolba siday kuu tahay. dabadeedna ka badal waxaad ka badali karto. Raganimo muuji iyo adayg, Hadii aad doonaysid inaad badasho gaymka nolosha waxaa hubaal ah in ay kaa hor iman doonaan, xalaado dhib badan oo kaa oohiya sida caruurta, ooy intaad doonaysid balse boodhka iska tun dabadeedna Kac oo qaba waxaad ogtahay inay tahay wax saxsan.
Ogow markaad xilkaaga ka dhaqaaqdo ee aad qaban waydo waxaa ay tahay inaad  samayso, in aanad naftaadoo kaliyaata aanad hoos u dhigin, balse ta Ubadkaaga, reerkaaga, magaladaad, wadankaaga iyo dunida oo dhan aad u dhigtay, oo aad ku dhawaaqday inaad tahay waxba yahay.
ilahay baa mahadle.
W/Q: Jamal Hassan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *