Sida Loo Daryeelo Loona Qurxiyo Cagaha

Cagaha, lugaha, qurxintaCagaha oo la dayaco sanadkii oo dhan kulaylaha iyo qaboobaha, waxay ukeentaa dhibaato, quruxdooduna way tagtaa.

Cagahaagu waa qayb kaa mid ah oo ubaahan in la daryeelo oo la ilaaliyo oo aadan iska xiran kabo walba adoon dar yeelayn cagahaaga.

Waa inaad ka fakartid nadaafadiisa si uusan unoqon wax adag. Caguhu waxay leeyihiin maqaarka gacmaha oo kale hadii aad daryeeltid oo aad xanaaneeysid sida aad gacmaha uga fakartid waxay noqonayaan kuwo jilicsan oo qurux leh.

Maadaama cagahaagu ku xiranyahay kabo qufulan marka ay qaboobo tahay, waxaad raacdaa talaabooyinkan:

  • Waa inaad si fiican uqalajisaa markaad dhaqdid cagahaaga, siiba faraha dhexdood si uusan udhibin cagaha markaad kabaha xiranaysid, sababtoo ah wax wasakh ah ayuu usameen karaa.
  • Kabaha badbadal, xirana sharabaado caawinaysa in ay neefsadaan (hawo qaataan ) cagaha, sida sharabaado ka samaysan ( cudbi, suuf, xariir).
  • Si aad uheshid cago maqaarkoodu jilicsan yihiin mari faasaliin kadibna xiro sharabaado kasameeysan cudbi marka ay tahay habeenkii, sababtoo ah kulaylku waxay ka caawinayaan inay badato jileeca cagahaaga.
  • Duug cagahaaga, markaad duugaysid si wareeg ah uduug, sababtoo ah duugitaanku wuxuu nasinayaa jirkoo dhan.
  • Waa inaad xirataa kabo raaxo leh si aad uga hortagtid mashaakilka cagaha u imaan kara, kabaha fiicani waxay caawiyaan in dhiig mareenku si fiican usocdo.
  • Hadii cagahaaga inta danbe ku adagyahay, waa inaad soo ibsataa daawooyinka loogu talagalay iyo burushka lagu xoqo, si aad u fujisid maqaarka dhintay iyo kan qalalan.( jidhifta ama safanta )

Si aad u kordhisid quruxda iyo dhalaalka lugahaaga waxaad isku qastaa:

1 qaando oo saliida afakaadhada ah  (avocado oil) ama almond oil,  1 qaando oo  malab ah iyo 1 muus ah kadibna mari lugaha adigoo ka bilaabaya jilbaha ilaa qoobabka unadaa mudo 10 daqiiqo ah kadibna isaga maydh biyo diiran (lukewarm water).

Sida aad wajigaaga iyo gacmahaaga iyo timahaaga ugu fakartid ugu fakar cagahaaga, waxaan is dhahnaa labajeero lama arkayo markaan baxayo, laakiin lasoco xaq ayey kugu leeyihiine, waa inaad nadaafadooda iyo qurxintooda ka fakartaa maadaama oo ay jirkaaga ka mid yihiin, wixii dhibayana ka ilaalisaa.

Sucaad A. Maxamed

Check Also

cuntooyinka, dawada,

Cuntooyin Laga Helo Kijada Guryaheenna Oo Dawo Ahaan Loo Adeegsan Karo

Waxaa jira waxyaabo badan oo cunto ahaan aynu u isticmaalno laakiin in badan oo innaga …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *