Sida Muuska Jidhka loogu qurxiyo

Inta badan waxa jira Daraasaado wakhtiyo kala duwan la ogaado oo kala duwan haba akhriste maxad ka ogtahay In uu Muuska yahay shayga Ugu fiican ee aad Jidhkaaga Ku Habyn Karto Soona Saraya Quruxda Jidhkaaga.

muusku wuxu leeyahay faa`idooyin badan iyo fiitamiino caawinaysa maqaarka dadka, kana dhigaya mid jilicsan oo dabacsan, sidaa darteed waxu kaa cawinayaa in aad quruxdaada ku ilaaliso isticmaalka muuska. Shirkadaha Caalamiga ah ayaa soo ban dhigay hada in uu Muuska yahay shayga Ugu fiican Dhinaca Qurxinta Jidhkagaaga loo adeegsan karo (natural pant) waxana tijaabo ku sameysay shirkadaha dalka Engiriiska qaar kood.

Habka loo isticmaalayo muuska jidhka lagu qurxiyo: Waxaad jarjartaa muuska  kadib wajiga saar mudo  20 daqiiqo ku dhow, sidaa ayuu wajigaagu ku nuugayaa saliida iyo fiitamiinka ku jira muuska.

Muuska yaryaree kadib waxaad ku dartaa saliida lawska, kadib isku walaaq, kadibna timahaaga mari oo kudaa 15 daqiqadood. Markaad maydho timahaaga oo aad dhawr jeer sidaas u isticmaashidna waxaad dareemi doontaa is badal wayn, timaaguna waxa ay noqon  doonaan qaar  jilcsan oo dhalaalaya.

Si gacmahaagu u dabcaan  waxaad samaysaa muuska markaad jarjartid ayaad kula walaaqi badhar, kadib gacmaha ayaad marin sidii inaad fara xalanaysid oo kale, daqiiqado kadib markaad iska maydhid, waxaad dareemi doontaa siday gacmahaagu u jilcaan. Intaasi oo Kaliya Maaha Fa’iidada Uu jidhka uu leyahay lakiin waxa Cunistiisa Laga helaa Borotiin La xidhidha dhanka Xubnaha Dareeraha Oo Uu joojiyo.

 

Check Also

haaraha wajiga,

Sababaha Keena Haaraha Wajiga Iyo Sida Loo Goyn Karo

Haaraha wajiga ku samaysma waa cillad ku badan dhalinyarada khaasatan dumarka da’a dhexaadka ah.  Haaruhu …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *