Baro Shuruucda Qofka Guul U Horseeda Haduu Laasimo

shuruucda guushaAkhristayaal sharafta badan ee ku xiran Qurbo Magazine, waxa jira talaabooyin qofka guul u horseedi kara haddii uu sidooda u raaco, waxana jira buuggaag dhawr ah oo ka hadlaya falsafadaha nolosha ee guusha lagu gaadhi karo, waxana ka mid ah shuruucdaas”

1. Waad qaban kartaa haddaad aaminto inaad samayn karto:

Sharcigan waxa la yidhaa hoggaanka maskaxda (Master Mind), waana waxyaabaha ugu waaweyn ee qofka guusha u horseeda hadduu ku kalsoonaado inuu wax allifi karo amma wax qaban karo.

Dulqaad la’aanta, xanaaqa badan, hinaasnimimada, shakiga, aargoosiga, dareen la’aanta, khiyaamada iyo daacad la’aanta, dhammaan kuwaasi waa cadawga guusha ka horjoogsada bani’aadamka, waana waxyaabaha ka mamnuuca ah shuruucda guusha.

2. Qofna fursad u ma haysto inuu ku raaxaysto guul joogto ah, ilaa uu dib u eego khaladaadkiisii hore:

Dhacdooyinka maalinlaha ah ee dadku qabtaan waxay sababaan khaladaad qofku u arko inay yar yihiin, balse dadka uu ka doonayo inuu guul ka kasbado ula muuqda waxyaabo waaweyn oo hagardaamo ku ah.

Haddaba, si aad arrintaas uga guulaysato amma khaladaadkaaga u saxdo daryeelmagazine.com ayaa ku leh dib muraayad ugu eego oo hubi bal khaladaadkii aad hore u gashay waxyaabaha ay sababeen si aad dadka uga kasbato guusha aad doonayno inaad gaasho, waxana jira aragti la yidhaa; “Guushaada ujeeddadeeda waxaad ku gaadhi kartaa adigoon ku xadgudbin xuquuqda kuwa kale.”

Sidoo kale, waligaa kuma tamatuci kartid guul amma awood, adigoon lahayn shakhsiyad miisaan culus ood ku saamayso dadka kale si aad ugala kaashato inay guusha kugu daadaheeyaan.

3. Dunida ha u sheegin waxaad qaban karto, balse tus:

Noloshu badana waxay raadisaa kuwa xaaladeeda oo kale ku sugan, biyuhuna waxay raadsadaan meelaha y awoodoodu buuxin karto.

Si aad haddaba u raadsato awooddaadu halkay gaadhsiisan tahay, dadka ha u sheegin waxaad qaban karto, ilaa aad tusto inaad qabatay, arrintaasina waxay kuu horseedaysaa guul iyo inaad kastabo shucuub badan oo ku taageerta, kuguna hambalyeysa guushaada.

Ibraahim khadar siciid

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *