KOBCI GARAADKAAGA: Xikmado Cajiib Ah

  1. Dhakhtar ayaa mar yiri, “Daawada ugu wanaagsan dadka waa Jaceyl.” Qof ayaa weydiiyay, “Ka waran haddii uusan shaqeyn?”
    Wuu dhoolacadeeyay wuxuuna ku yiri, “Badso dose-ka, isticmaalka daawada”2. Will ayaa Hooyadii weydiiyay: “Sidee baan u heli doonaa haweenayda Saxda ii ah?
    Hooyadii ayaa ugu jawaabtay. “Ha ka welwelin helida haweenay sax ah, xooga saar sidi aad u noqon lahayd Ninki Saxda ahaa”

    3. Nin ayaa Farmashi soo galay wuxuu ka cabanayay stress badan, welwel, xanaaq, hurdo la’aan & cabsi. Farmashiistihi ayaa ku yiri, “Waxaa u baahan tahay Vitamin Diin si waxan ku haya kaaga ba’aan. Marka Alle ku xirnow, Salaada iyo ducada badi”

    4. Gabar ayaa weydiisay Nin Sheekh ah, “Sidee baan ku ogaan karaa in uu si dhab ah ii jecel yahay?” Sheekhi ayaa ugu jawaabay, “Naftaada keliya ha eegin, hubi marka hore in Allihi ku abuuray uu jecelyahay. Sidee buu qof kuu jeclaan karaa ama kuu siin karaa Jaceyl dhab ah, goortii aysan xitaa jeclayn Allihi adiga ku abuuray?

    5.  Nin dhalinyaro ah ayaa nin Caaqil ah ku yiri, “Sidee baan Aduunka is bedel ugu sameyn karaa?” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Haddii aad rabto in aad is bedel ku sameyso Aduunka, samee inta aad keliga tahay. Sababtoo ah guurka ka dib xitaa ma bedeli kartid TV channel.

    6. Wiil Dhalinyaro ah ayaa su’aalay oday weyn, “Waa maxay Romance” Caaqilki ayaa ugu jawaabay, “Romance waa in aad reer yeelato, mas’uuliyad weyn isa saarto, ka dibna Reerkaaga aad u shaqeysato”

W/Q: Farah Cawaash Beeldaaje

Check Also

hadallo xikmad leh, hadal xikmad leh,

Hal-ku-dhegyo Iyo Hadallo Xikmad Leh Oo Caalami Ah

Qormadan waxaan ku soo qaadanaynaa hadallo xikmad leh iyo halku dhegyo oo laga dhaxlay hal-abuurro …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *