Barbaarinta San Iyo Rabaynta Suuban ee Ubadka

barbaarinta ubadka caruurta qurbaha tarbiyadaLaga Soo Bilaalbo Markii Alla Uu Doonay Uumista Aadamaha Ee Uu Abuuray Aabeheen Aadam Isagoo Ka Abuuray Carrada Hooyadeen Xawaana Ka Buuray Fadhisii Si Uu Ugu Dego Una Dugsado.

Intaa Ka Gadaal Alla Waxa Uu Ka Abuuray Labadoodii Ubad Rag Iyo Dumarba Leh Ubadkaana Ka Yeelay Kuwa Arlada Fac Ka  Fac Isga Danbeeya.

Fackastoo Soo Koraya Waxay Xaq U  Leeyihiin Inay Helaan Koriimo Wanaagsan , Koboc Fiican, Barbarian San Iyo Rabaayad Suuban xuqudaasoo ay yeelanayaan ka hor dadab galka hooyadood ilaa maalintay dab ka baydhaan ee dunida lagu sagootinayo.


  1.                        Waa Maxay Ubadku ?

Waydiintaa War Celinteedu Waa Qodobo Dhawra Oo Ay Ka Mid yihiin:

1.2.           Ubadku Waa Hibo

Ubadku Wa Hibo Alla  Wayne Bixiyo Uuna U Hadiyeeyo Hadba Ciduu Doono Adoomihiisa Isagoo Aan Isku Si U Siin Aadamaha Ubadka, Hase Ahaate Habab Kala Kaana U Kala Siiya Qaarkood Alla Waa U Roonaadaa Oo Waxa Uu Isugu Daraa Labada Nooc Ee Adamaha Rag Iyo Dumar .

Qaar Kale Alla Waxa Uu Siiya Lab ( Rag)  Kaliya Halka Qaar Kalena Uu Siiyo Dhedig (Gabdho) Kaliya Halka Qaarkalena Uu Ka Dhigo Ma Dhalays Wax Ubadana Aanu Siin Sidaa Soo Ay Kensatay Xog Ogaal Nimadiisa Adoomaha Iyo Xikmadiisa Xeesha Dheer.

Sida Uu Ku Sheegay Ayada Quranka Ah Ee Suratu Shura (49-50).

1.2.           Ubadku Waa Qurux

Ubadku Waa Quruxda iyo dhal dhalaalka soo jiita dhaayaha inta lagu suganyahay adunyadan aadkeedaba iska yar.  Joogistaanka ubadku ay jeegan Giriga Waxay Ka Dhiganyihiin Sida Ubaxa Beerta Iyadoo Waalidka Dhalayna Ay Indhuhu Ugu Doogsadaan Milicsigooda Qalbiguna Uu Ugu Bogo Aragtidooda Iyo Maqalka Hadalkooda Naftuna Ay Si Diiran Ugu Naalooto .

Allah Xuma Ka Hufnaa E Wuxuu Quranka Ku Yiri”

“Xoolaha  Iyo Ubadkabu Waa Quruxda Nolsha Dhaw (Dunida)” Surada Kahfi(46).

1.3.           Ubadku Waa Bishaaro

Ubadka Waa Bishaaro Alla Sareeye Uu Ugu Bushaaraynayo  Kolba Kii Uu Adoomihiisa Siiyo.

Dhamaan Ubadku Markay Dhashaan Aad Baa Loogu Rayrayaa Dhamaan Qoyska U Ku Soo Kor Dhay Iyo Gabi Ahaanba Xigaalada Ilmaha Waxase Wax Lala Dhigaa Jirin Labada Waalid Ee Dhalay Oo Iyagu Si Aan La Qiyaasi Karin Ugu Diirsada Uguna Rayraya Iyadoo Ay Ka Sii Xag Jirto Hooyada Uu Beerkeeda Ka So Ga,Ay  Oo Si Aan Xad Lahay Ugu Muusoota Maankeeduna Ugu Dego Iyadoo Isla Markaana Ku Ilawda Aragtidisa Iyo Jabaqda Codkiisa Dhamaan Waxay Soo Martay Ee Siditaankiisa Iyo Waliba Umulidiisa.

Alla Xuma Ka Hufnaa Ayaa Aayaad Dhawra Inoogu Cadayay Inay Ubadku Yihiin Bishaaro Waxana Ka Mida:

Bushaarooyinkii Nabi Zakariye Cs Iyo Maryam.

Nabi Sakariye Markuu Allah Si Kal Iyo Laaba Uga Tuugay Inanu Siiyo Ubad San Aanuna Ka Dhigin Madhalays Allahna Ducadii Wuu Ka Aqbalay Isagoo Ay Malaa Igtu U Dhawaaqday Jeer Uu Tukanaayay Iyaga Oo U Sheegay In Allah Sareeye Uu Ugu Bishaaraynaayo Dhalashada Yaxye”.

Sida Ay Sheegtay Surada Aala Cimran(39)

Sidaa Si Lamida Alla Waxa Uu Ubad Ugu Bushareeyay Maryam Waxa Allah Yiri”

Xus Jeer Ay Maal,Igtu Tiri Maryaneey Waxa Uu Alla Kugu Bushaaraynayaa Kelmad(Odhaah) Xagii Ka Ahaatay Magiciisuna Yahay Al Masiix (Kan Dhul Marka Badan) Ciise Oo Ina Maryam Ah…” Aalacimran (45).

1.4.           Ubadku Waa Dardaaran

“Alla Waxa Uu Idin Dardaarmayaa Ubadkiina” Nisaa(11).

Alla Sareeye Inguma Halayn Ubadka Hase Ahaate Waxa Uu Inoo Dardaarmay Arinka Ubadkeena Waayo Alla Sareeye Isagaa Uga Raxmad Iyo Tudhid Badan Hooyada Ubadka Beerkeeda Kasoo Go,Ay.

1.5.           Ubadku Waa Amaano

Ubadku Waa Amaano Adag Iyo Masuuliyad Wayn Oo Si Gaara U Saraan Labada Waalid Ee Uu Alla Ka Dhex Uumay Iyadoo Ay Loo Baahanyahay Inay Sida Ugu Haboo U Gutaan Amaanadaa Alla Ku Amaanaystay Iyadoo Qofkii Sida Ugu Wacan Uga So Baxa Uu Mutaysanayo Abaal Marin Aaya Leh, Kii Ku Gabood Falaana Uu Jeer Danbe La Kulmi Doona Cidhib Danbeed Xumida Wixii Uu Falay.

Alla Waxa Uu Ayad Quraana Ku Yiri :

“Duulka Allah Rumayayoow Ka Jira Nafihiina Iyo Dadkiina Naar “ Taxrim(6)

Hadaba Waxa Ila Gudboon Inaynu Gunta Dhiisha Iskaga Dhigno Sidaynu Nafteena Iyo Inta Aynu Ka Diir Naxayno Uga Badbaadin Lahay Ba’a Iyo Baaba’a Naartaa Aanu Allah Inoo Qarine Inoo Qayaxay Dadkaasoo Ay Ugu Muhiimsanyihiin Ubadka Beerkeena Ka Soo Goa’ay.

  1.             Waa Maxay Ahmiyad ay Leedahay rabaynta Ubadku.

Barbaarinta iyo rabaynta Ubadka Yaryar  Iyo Jiilka Soo Koraya Waa Arin Muhiimadiisu Wayntahay Diinteenaa Suubanin Ay Meekhaam sare Saartay Waxana Labo Isku Maan Dhaafsanayn In Ay Ubadka Maantu Yihiin Midhihii Barito La Goosan lahaa Ayna Yihiin Raaca Manta Jooga Raaci Badalilahaa Ayna Haboontahay In La Hagaajiyo Koriimadoodad Ababintoooda Iyo Barbaarintooda.

  1.             Waa Maxay rabaynta Ubadka ?

Waa Ubadka Oo Loo Diyaariyo Diyaarin Dhamaystiran Dhamaan Dhinacyada Noloshiisa Diyaarin Waafaqsan Diinteena Suuban Ee Islaamka Si Uu U Badbaado Una Badhaadho Maalmaha Aadkoodaba Iska  Kooban Ee Uu Adunka Joogo Islamar Ahaantaana Uu Ugu Badhaadho Uguna Liibaano Noloshiisa Dhabta Ah Ee Danbaysa .

  1.             Dhinacyada rabaynta Ubadka

Barbaarinta Ilamaha Muslimka Ah Kuma Koobna Oo Kaliga Koriimada Jidhkiisa Hase Ahaatee Waxa Haboon In Barbaarintiisa Laga Abaaro Dhinacyo Dhawra Oo Ay Ugu Muhiimsantahay.

4.1.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka Iimaanka.

4.2.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka Dabci fiicnaanta Iyo Dhaqanka wanaaga.

4.3.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka Koriinka Jidhka.

4.4.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka kobcinta Garaadka iyo Koriinka maanka.

4.5.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka Nafsada.

4.6.Barbaarinta Ama rabaynta Dhanka la noolanshaha Bulshada.

Iyo dhinacyo Kale Oo Tira Badan

  1.            Yaa rabaynaya Ubadka?

Dabcan Barbaarinta Ubadku Kuma Koobna Oo Qudha Labada Waalid Ee Dhalay Hase Ahaato Waxa Loo Baahanyahay barbaarinta iyo rabaynta Ubadka Inay Iska Kaashadaan Dhainacyo Badan Oo Bulshada Ka Mida Sida Qoyska Xigaalada  Deriska Goobaha Wax Barasho Masaajidada Iyo Warbaahinta Oo Door Muhima Kule Barbaarinta Ubadka dhanka Barnaamijyada Iyo Hadba Wixii Ay Baahinayaan.

  1.            Side Loo Rabeeyaa Ubadka ?

Waxa Jira Habab Kala Kaan ah Amase Wadooyin Kala Gedisan Oo Loo Mari Karo Barbaarinta Iyo Tarbiyada Ubadka Hababkaasoo Aynu Ka Xusayno Qodobadan:

6.1.Hagaaga Aabaha

Hagaagsanaanta Aabbuhu Waxay Door Muhima Ka Qaadataa Toosnaanta, Tarbiyad Wanaaga Iyo Barbaarin samida Ilmaha.

Aabuhu Markuu Wanaagsanyahay Waxa Uu Dhalaa Oo dunida iyo bulshooyinka muslimiinta ah Ku Soo Kor Dhiyaa Ubad fiican oo fiyaw islam markaana Wanaagsan Oo Tarbiyad San Kolkaasna Ay Bulshadu Mahadiso.

Subanaanta Aabuhu Inay Saamayn Wayn Kuleedahay Samaha Ilamaha Ubadku Waxay U Aayaan Falalkii suubanaa Ee Uu Aabohood samayn Jiray Waxaynu Caday Uga Helaynaa Quraanka Kariimka Ah Sida

Qissadii nabi muuse iyo khadar dhex martay waxa uu allah inoogu shaagay qisadaa dhexdeeda inay u yimaaden muuse iyo khadar dad tuula degan iyagoo ka duraantay inay sooryeeyaan hase ahaatee aanay wax soorya  ah ka helin dadkii deganaa tuladaas markay socdeen waxay soo mareen derbi sii dumaya kolkaa uu khadar toosiyay darbigii muusena uu la yaabay oo uu ku yiri waxad yeelan lahayd mushqaayad toosinta derbiga awgeed.. markii uu khadar u tibaaxayay muuse waxa uu u sheegay inay derbiga lahaayeen laba ilme oo da,a yar ah islamarkaana agoon ah gidaarka hoostiisana uu ugu duugnaa  kayd xoolo ah,  aabohoodna uu ahaa nin wanaagsan.

dulucda qisada waa labada ilme  ee da,a yarta ah ee uu khadar u toosiyay gidaarka kaydkii ku duugnaana uu u badbaadiyay sababtu ay ahayd aabbohood inuu wanaagsanaa wanaagiisiina ay u aayeen oo mahadiyeen dhimashadiisii ka dib.

6.2.Hooyada fiican.

Dhamaan haweenku kuma wada haboona inay oori roon  noqdaan oo ay ubad hagagsan dhalaan halka kuwa kalena ay mudanyihiin inay oori noqdaan isla mar ahaantaa rabayn kara oo soo saari ubad loo aayo.

Iyadoo ay sidaa tahay waxa lagama maarmaana in loo doono hooyo ku haboon inay hooya noqoto isla mar ahaantaana soo saari karta ubad tayo, tarbiyad toosan leh.

Soomaalidu waxay tiraahdaa “ilmahaagu maalin buu hiil kaaga baahan yahay  waana maalinta aad hooyadii doonayso”. waa hawraar hagaagsan kuna tusaysa hiilka dheer ee uu ilamaagu kaaga baahanyahay ilaa barbilawga raadinta hooyadii iyo seesida raaska guriga uu ku barbaari doono.

Diinteena suuban ee islamaaku waxay raga ku boorrisay  inay doortaan hablaha kuwooda wanaagsan diin ahaan iyo dhaqan ahaanba.

Islamar ahaantaana waxay u bahala galisay u geed fadhiisiga dumarka kuwooda ka dayacan dhanka diinta iyo dhaqankaba.

Taas waxa looga goleeyahay in ubadku helaan hooya fican oo awood iyo karti dheeri ah u leh dhisitaanka ubadkeeda dhan walba oo noloshooda kamida sida ugu haboon.

tilmaamaha hooyada wanaagsan.

Alla waxa uu yiri ku yiri aayad quraana isagoo la hadlaya afooyinkii nabi mumaxamed alla amaanta alle iyo badbaadadiisu kor kiisa ha ahaatee: “waxa uu rabbi mudan yahay –haduu nabigu idin furo-inuu ugu bedelo afooyin kuwa soo ka wanaag badan idinka kuwasoo ah

Kuwa alla u hogaan samay, rumayay, addeecsan, toobad keeno ah, alla  caabuda, xumaha ka taga kuwaa soo carmal ama cadrada ah..”

Hadaba waxa ku jira aayada tilmaamo dhawr ah oo ay leeyihiin aafooyinka wanaagsan iyo hooyooyinka sareeya waxana ka mida.

  •     kuwa alla u hogaansamay falalka muuqda.
  •     kuwa allah iyo dhamaan waxii laga doonay inay rumayaan oo leh rusul, malaa’ig, kutub, qiyaame, qadar.
  •     Waa kuwa allah adeecsan oo u dhega nugul amaradiisan degdeg u qaata.
  •     Kuwa toobad keeno ah oo allah xagiisa u soo noqda mar walba
  •     Kuwa alla adooma u ah oo cibaadadiisa qirsan kana soo bax.
  •     Kuwa xumaha ka dheer oo ka taga wixii uu alla u diiday.

Suubanaheeni nabi muxammad rabi ha amaano hana badbaadiyee wuxuu sheegay in dumark loo gursado afar midkood: dhaqaale, dhaban, dhalad wanaag, iyo diin wanaag nabigu rabi ha amaano hana badbaadiyee wuxuu carabka ku sii adkay tan diinta wanaagsan leh isagoo raggana guurdoonka ahna kula taliyay inaanay u dayma la,aan gabadha diinta leh.

gabadha diinta leh waxay garanaysaa xaquuqda allae , xaquuqda saygeeda, xaquuqda ubadkeeda waxayna karti u leedahay inaanay cidna xaqeeda ka beel darayn ee ay u gudo sida ugu haboon.

Waxa kaloo ka mida sifada afada fiican iyo hooyada wanaagsan Inay tahay mid saygeeda adeecda isla markaana is jeclaysiisa.

Mid ilaalisa sharafta saygeeda dhawrtana xoolihiisa xanaanaysa ubadkiisa isla markaana ku kaalmaysa saygeeda daacada alle.

6.3.                       Alla tuug (duco)

Waxa ubadka lagu rabaynkaraa duco alla wayne looga tuugo inuu ka yeel ubad hagaasan adun iyo aakhiro intaanay dhalan iyo markay dhashaanba taasi waa tubta dadka wanaagsanee nabiyadii iyo intii wanaagsa ku raacdayba.

Waxa alle ubadkiisa u baryaya nibiyo badan oo alla ka aqbaly baryadoodii kuna amaanay waxna ka mid ah ducooyinkaa:

  •     Ducadii nabi ibraahiim cs.

rabbow ka dhig beladkan beled aamin ah,   nagana dheeray aniga iyo ubadkayga inaanu sanamyada caabudno” ibraahiim(35).

Waxa uu nabi ibraahim alla ka tuugay laba arin oo kala ah

Inuu dhulka ay ku noolyihiin uga dhigo aamin ay ugu suurta gasho inay ku gutaan cibaadaadkooda iyo dhamaan waxay u baahanyihiin intay ee noloshooda ah.

Kan labaada alla waxa uu ka tuugay inuu ka dheerayo sanamyada  la caabudo alla sokadii isla markaana aanu ka yeelin kuwa madooxooda hoos dhiga oo u sujuuda dhagax, lo’o , qorraxda, dayyax, dhoobo, qof, iyo dhamaan wixii aan cibaado mutaysan .

Mar kale waxa uu alla kabaryay

rabbow iga yeel mid salaada ooga ubadkaygana ka yeel kuwa salaada ooga rabigayoow ducada naga aqbal”ibraahiim(40)

Markana waxa uu alla wayne ka tuugayaa inuu ka yeelo mid salaada ooga oo allah swt is hortaaga dartii u rukuuca ,u sujuuda isaga qudha maahee ubadkiisana uu iyagana sidaasoo kale ka yeelo.

Waxa inooga cad ayaadkaa inuu nabi ibaraahiim alla naftiisa haageeda  iyo hagaaga ubadkiisa isagoo carab baabay cibaada kaliyaynta(tawxiid) iyo salaada.

Ducadii nabi zakariye

Nabi zakariye markuu in badan ubad dhali waayay ayuu alla wayne si kal iyo laaba ugu dhawaaqay baryo waxana ducooyinkiisii ka mid ahaa

“rabbow kalinimo ha iigag tegin ee ubad isii” anbiyaa(89)

Mar kale.

“rabbow ii hibee agtaada ubad wanaagsan adigaa baryada aqbalee..”alla cimraa(38)

Labadan aayadood iyo kuwa kaleba alla waxa uu inoo sheegay inuu nabi zakariye alla baryay oo uu ka baryay ubad hadaba nabi zakariye ubadka uu alla ka tuugay waa kuwa wanaagsan si walba.

Hadaba marka aynu doonayno inaynu helo ubad wanaagsan waa inay alla wayne gacmaha hoos dhiganaa oo ka tuugnaa ubad wanaagsan wuu inasiine.

6.4.                       Dedaal adag

Marka ay inaga go,antahay barbaarinta ubadka iyo rabayntoodu waxa inala gudboon inyanu dedaal dheer dhexda u xidho sidaynu uga midha dhalin lahayn barbarian samida iyo rabaaya wanaagsa ubadka.

Dhamaan dadkii wanaagsanaa waxay ay ahaayeen kuwa kula dedaala ubadkooda wanaagsan iyo had iyo jeer fari jiray ficilada khayrka kula dardaarmi jiray dabeecad wanaaga sida ay ugu la dedaali jireen koriimada jidhooda kobcinta garaadkooda iyo kaalmaynta wax barashadooda.

Iyagoo aan marna u ogolayn jirin ubadokoodu  kana diir nixi jiray inay qaldamaaoo qaloocadaan.

Nabi nuux cs waxa uu in badan la dedaalay inankiisii isagoo kor iyo kalba u waaniyay wax walboo aayihiisana u sheegay isagoo aan waxba ka hagran talo, toosin iyo tusaalay isagoo u tibaaxaya kalgacalka baaxada way nee uu laabata ugu hayo – ilaa uu soo dhawaaday halaagii ku habsan lahaa isla markaana gumaadi lahaa cidii ka madax adaygtay raacida tubta toosan halgaasoo ahaa biyo lagu maasheeyo nabi nuux iyo inta raacdayna ay kaga badabaadi doonan dooni.

Wakhtigaa nabi nuux cs uu si naxariiseed  iyo hadal debdecsan ugu yiri kuraygiisii isagoo ka durugsanaa jeer ay koreen dooni hirarka biyaha dhex qulqulaysa: ”inankaygoow nasoo raac hana noqon la jirka kuwa gaaloobay”

Hase ahaatee kuraygii waxa uu ugu war celiyay aabihii ”waxan korayaa buur iyadoo iga badbaadin doonta biyaha”

Warkaasi muu noqon mid nabi nuux ku farxay sidaase kagamuu hadhin ee wuxu ku yiri moogana”kuraygaygiiyow ma jiraan manta wax ka badbaadaya amarka alle cid alla u naxariistay maahaane waxana kala teeday hirarka bada wuxuuna ka mid noqday kuwa la hafiyay” surada huud(42-43).

Nabi nuux kumu guulaysan badbaadinta inankiisa waayo isagu badabaada gacantakumuu hayn hase ahaatee kamuu gaabin barbaarinta inankiisa oo wuxuu falay wax kastoo uu karaankiisa ah.

Waxaynu ka qaadanaynaa inuu waalidku la dedaalo ilama una huro naf iyo nacfi kasta hagaajinta ubadkiisa si ay u badbaadan adun iyo aakhiroba.

  1.            Maxaa lagu rabaynayaa ubadka ?

Rabaayada ugu muhiimsan ee ubadka waa in ubadka iyo allah laysku xidho.

Sida laysugu xidhayaana waxa lagula dedaalayaa cibaadaatka wanaagsan.

Sida:

7.1.                       Kaliyaynta alle (tawxiidka).

Kaliyaynta alle kelmeda (alla xaqlagu caabudaa majiro allah mooyee)

Oo looga gol leeyahay( inuu allah yahay allaha dhabta ah ee kaligii cibaadada mutaysta uumista iyo aaburkana iska leh magaciyada fiican iyo tilmaamaha sarsarena leh)….

waa u jeedka uumista aadamaha

waa ujeedka nabiyada laysaga daba keenay.

Waa u jeedka kitaabada samada looga soo rogay.

waa tiirka koowaad ee tiirarka islaamka

keliyayntu(tawxiidku) waxa uu islaamka kaga jiraa halka uu maduxu jidhka kaga jiro.

Ma soo koobi karno muhiimada kliyaynta (tawxiidka).

Nabiyada iyo dadkii wanaagsanaa waxay ubadkooda ka dhaadhicin jireen waxa loo abuuray inay tahay “kaliyaynta alle” oo kaliya alla waynena aanu ka doonin kelmedaa maahan(alla xaqlagu caabudaa majiro allah mooyee).

Marka ay dhashaan way ku abababin jireen marka ay gaboobaana way kula dardaarmi jireen.

Tusaalaha kowaad:

Nabiyadaa ubadkooda kaliyaynta kula dardaarmay xad ka mid ahaa nabi yacquub isagoo la dardaarmay ubadkiisa markii ay uu isku arkay calaamadihii geerida uuna garwaaqsaday inu wakhtigii koobnaa ee dunadan gaaban uu gabaabsi yahay wuxuu yiri: “ maxaad caabudidoontaan gadaashay ? waxay dheheen waxan caabudaynaa allaha aad adigu caabudo allaha ay caabudi jireen abayaashaa ibaraahim, ismaacil iyo isxaaq allahsoo ah allah kaliya anakuna waxanu nahay kuwa alla u hogaansan”baqara(133).

Waxa ay aayadani inoo cadaynaysaa waydiinta wanaagsan ee uu nabi yacquub ku wajahay ubadkiisa (maxaad caabudaysaa….???!).

Ninay meeli u caddahay meeli ka madaw nabi yacquub mu oran maxaad cuni doontaan…? Maxaad cabi doontaan…? Maxad dhaqan doontaa..?

Xaasha ! hamigiisu wuxuu ahaa u kuur galka xidhiidh ka dhexeeya ubadkiisa iyo alla wayne siduu rabayna way noqotay.

Tusaalaha labaad:

Marka laga yimaado nabiyada kula dardaaranka ubadka ka dhaadhicinta kaliyaynta alle (alla xaqlagu caabudaa majiro allah mooyee).

Tabtaa waxa ahaa oo tubtaa toosan raacay luqmaan al-xakiim isagoo kula kur uu dhalay dardaarano dhawra oo aad u mug iyo miisan wayn ayna ka buuxaan xikmado isgoo taabtay dhinacyo dhawra iyo qodobo tira badan waxase ugu foolaad sanaa qodobadaa qodobka uu kaga hadlay galiyaynta alle (alla xaqlagu caabudaa majiro allah mooyee).

Hor iyo horaanba wuxuu hadal uga bilaabay:

kuraygaygiiyoow allah cidna wax hala wadaajin maxaa yeel wadaajintu waa godob waayn”luqmaan(13).

Waa uu ku yiri inankaygoow allah cibadadiisa cina wax hawgu darin oo ha ala wadaajin ee kaligii cibaadada u badhax tir macneheeduna waa ka dhabee (alla xaqlagu caabudaa majiro allah mooyee).

7.2.                       Toosinta salaada.

Qodobada ugu mugta iyo misaan ka wayne ee ay waajibka tahay in ubadka lagu rabeeyo waa toosinta salaada.

Salaadu waa tiirka labaad ee islaamka

Waxay islaamka kaga jirtaa halka laf dhabartu jidhka kaga jirto.

Waa hadiyadii nabiga looga soo dhiibay  toboda samo korkooda habenkii la dheelmiyay.

Waa waxa ugu horeeya ee qofka laga xisaabinayo maalinka saacadu istaagto

Waa dardaarankii nabigeeni subanaa.

Hadba waxa waajiba in ubadka lagu rabayo oogista salaada sidii rabi inoo faray.

Waayo salaadu waa xadhiga alleh waxayna ilmaha iyo waalidkiiba reebaysaa xumaha iyadoo ku riixaysa samaha.

Nabiyo aad u tir badan baa alla amray inay ubadkooda salaada kula dedaalan oo faraan, isla mar ahaantaana ku amaanay kuna dhigay qodobada ugu foolaadsan taariikhdooda macaan ee uu allah inoo soo rquraankiisa inoogu soo guuriyay waxana ka mid ahaa nabiyada ubadkooda salaada faray:

7.2.1.Nabi mumaxamed alla ha amaano hana nabad galiyee.

Waxa uu allah sareeye ku yiri nabigiisa isagoo amar siinaya :

far dadkaaga salaada kuna dhabar adayg kuma waydiinayno masruuf anagaa ku masruufayna” daaha(132)

7.2.2.           Nabi ismaaciil cs

Wa u alla yiri isgoo amaanaaya nabi ismaacil cs:

waxa uu ahaa mid ehelkiisa fara saalaada iyo zakada waxan uu ahaa mid xag rabigii laga raali yahay”maryam(55).

Labadaaa nabi waxay uu alla midna farayaa midna ku amaanayaa inay ahaayen kuwa ubadkooda iyo dhamaan dadkooda kula dedaala salaada inagoo soo maray kuwa alla baryayey iyo kuwa salaada kula dedaalayay

7.2.3.Luqmaan al-xakiim dardaarankii uu kuraygiisa siinay waxa ka mid ahaa:

“kuraygaygiiyoow salaada oog”luqmaan(17).

Dhamaan aayaadkaas iyo qisooyinkaa wacan ee nabiyada iyo dadkii wanaagsanaa waxaa ay si cad inoo tusayaan inaynu ubadka kula dedaalo inay xadhiga allah qabsadaan aayna qaayibaan qiimaha salaada kuna qancaan is hortaaga allah.

Xilimaa la farayaa ubadka salaada

  Suubaneheenii udgoonaa wuxuu dadka ku booriyay inay ubadka salaada amaraan wuuxna xadis saxiix ah ku yiri:

farax ubadkiina salaada todoba jir markay gaadhaan kuna karbaasha markuu toban jir gaadho” waxa soo wariyay axmed, abu daa,ud  iyo tarmadi waxana saxeexiyay shiikh albaanin  Alla hawda naxariistee.

Hadba waxa uu xadiski inoo iftiiminayaa xiliga da,yarta looga bilaabayo farista salaada oo ah qodobada ugu waawayn rabayntooda todoba gu,ba markay madax ka jaraan ayaa la farayaa hadii ay ka maxadax adaygaan waa lagu edbinayaa ilaa intay ka toosnaanayaan oo salaada oogayaan.

Waxa lagu la dedaalayaa ubadka dhamaan cibaadaadka sida soonka oo ay saxaabadu alla haka raali noqdee ay aheeyeen kuwa ubadkoda soomiya markay gaajoodaana ciyaarsiiya.

  1.            Maxaa Laga Dheefayaa rabaynta  Ubadka.

Mar kaynu ubadkeena hagaajino oo daryeelo dhamaan dhinacyada noloshaada kana dayac tiro dhamaan dhaqamada xun xun ee maantaa aafayay ubadkeen dayacayna akhlaaqda in badan oo kamida ubadan manta hadaba waxa jira waxyaalo badan oo la dheefayo hagaaga ubadka dheefahaasoo ay ka maid yihiin mid ay bulshadu u aydo iyo mid ay iyagu mahadiyaan iyo mid waalidka dhalay ku diirsado waxana ka mida:

8.1.                       Rafiiqa janada

Alla wuxuu yiri:

duulka alla rumayay ubadkooduna uu ku raacay rumaynta waanu haleeshin ubadkooda …”duur(21)

Allah sareeye wuxuu inoo cadaynayaa inuu haleeshindoono duulka alla kor iyo kalba u rumeeyey  ubadkooda haduu ku raco wanaaga iyo rumaynta.

Hadii aabuhu uu ku dedaalo wanaagisa iyo wanaaga ubadkiisa waa la hahelsshin ubadkiisa maalinta danbe sidaasu alla balan qaaday wuuna oofin allah hadii laga soo boxo wanaaga.

8.2.Camal kuu socda geeri dabadeed

Nabi muxammed wuxuu yiri :

inna aadam markuu dhinto camalkiisu wuu go,ayaa sadex midkoo maahane deeq aan go’ayn aqon loo aayo iyo ilme alla u tuuga”waxa soo wariyay muslim.

Qofkii markuu adunka sagootiyo dhamaan falalkii uu ku kici jiray way gabagaboobayaan marka laga reebo sadexdaas maaahane sadexdaa waxa kamida ilamaahgaaga oo aad hagaajiso oo alle ku xidho oo isna markaad dhimato alla kuu baryo baryadiisuna ay qabriga kugu soo gaadho. Waabase haduu wanaagsan yahay oo alla garanaayo adigana ku garanaayo ilaa mid xumi isgaanba is garanayn adiga aaabeba daayee.

8.3.                       Badbaado naareed

Waxa uu yiri nabi muxammad alla ha amaano hana badbaadiyee:

qofkii leh sadex gabdhood oo ku dhabar adayga  oo quudiya ,waraabiya, marya u xidha xoolihiisa waxay gashaan uga noqonayaan naarta maalinka qiyaamaha”muslim baa soo wariyay.

Hadaba qofkii alla siiyo sadex gabdhood oo hagaajiya koriimadooda ka adkaada kabtooda, karintooda waxa uu alla ugu abaal gudayaa inu ka bad baadiyo maalinka qiyaamaha naarta hadaba waxa haboo inaan ajar kaga raadno korinta ubadka , barbaarintooda iyo rabayntooda.

Gabagabada qoraalkan waxa haboon in aan ubadka xil iska saarno alla waynena waxan waydiisanaynaa inuu ubadka inoo hagaajiyo kanana dhigo kuwa ay indheheenu ku qabawsadaan adun iyo aakhiroba.

Aad baad u mahadsantihiin.

W/Q: Cabdifataax cawed cali

Email: faatax07@gmail.com

Tell: 0025263-4215697

Check Also

farxada guurka, qoyska wanaagsan

4 Arrimood Oo Ay Tahay In Ninka Uu Fuliyo Si Uu Qoysku U Waaro

Rag badan ayaa aaminsan in gabadha oo la hantiyaa ay bilow iyo dhammaadba u tahay …

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *